top of page


Maxaad kala Socotaa Sida ay u Fashilantay Dacaayaddii Muqdisho iyo Aljazeera ee Barakicinta Dadka Gaza ay la Xidhiidhayeen Somaliland?
Tan iyo markii Somaliland ay heshay aqoonsiga caalamiga ah, xukuumadda Muqdisho iyo warbaahinta xulafada la ah sida Al Jazeera ayaa faafiyay dacaayado raqiis ah oo sheegayay in aqoonsiga Somaliland lagu xiray qaabishada dadka laga soo barakicinyo Marinka Gaza. Si kastaba ha ahaatee, shirka taariikhiga ah ee 19-kii Febraayo 2026 ka dhacay Washington DC, kaas oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Donald Trump, ayaa soo afjaray beentaas. Qorshaha "Golaha Nabadda" ee lagu dhawaaqay, kaa
Dr. Abdiweli Soufi Jibril
Feb 222 min read


Fashilka Nabadeynta: Colaadda Awdal iyo Selel oo Dib u Qaraxday iyo Dawladda oo lagu Eedeeyey Qorshe "Dhicis" ah
Waxaa dib uga qarxay deegaamo ka tirsan gobollada Awdal iyo Selel dagaal culus oo u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah, xilli ay xukuumadda Somaliland dhowr jeer oo hore sheegtay in ay heshiis dhex dhigtay dhinacyada is haya. Dagaalkan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa yimid saacado uun ka dib markii wasiirka arrimaha gudaha, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), uu ku dhawaaqay in nabad laga gaadhay colaadda.
Hassan Gallaydh
Feb 163 min read


Madaxweyne Cirro iyo Saddexda Imtixaan ee Horyaalla
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo haysta kalsoonidii ugu badnayd ee taariikhda Somaliland, ayaa hadda wajahaya saddex imtixaan oo xasaasi ah. Xilli dalku galayo abaar ba’an, shacabkuna qawadsan yihiin tayada xukuumadda, waxaa barbar socda cabashooyinka saami-qaybsiga ee gobollada Awdal iyo Sanaag. Maqaalkan ka akhriso sida madaxweynuhu ugu baahan yahay tallaabo degdeg ah si uu u badbaadiyo hammiga shacabka iyo xasilloonida dalka.
Hassan Gallaydh
Feb 122 min read


Abaarta Somaliland: Gurmad La Sugayo iyo Mas’uuliyada Dowladda
Abaarta ka jirta Somaliland ayaa gashay marxalad aad u daran, iyadoo si toos ah u taabanaysa nolosha dadka iyo duunyada, gaar ahaan gobollada bari ee dalka. Xaaladda ugu daran maanta waa biyo la’aan baahsan, taas oo keentay in reer miyi badan ay ka barakacaan deegaamadoodii, halka xoolihii laf dhabarta u ahaa noloshooda ay halis ugu jiraan dabar go’.
Hassan Gallaydh
Feb 42 min read


Al-Jazeera iyo Dagaalka Warbaahineed ee ay ku Hayso Somaliland
𝐅𝐚𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐲𝐧 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚: “للقصة بقية | الصراع على القرن الإفريق Barnaamij ka baxay Warbaahinta Al-Jazeera taariikhdu markay ahayd 27 January 2026 , qaybtiisa Carabiga, kuna baxay cinwaanka: “للقصة بقية | الصراع على القرن الإفريقي” Barnaamijkan oo socday muddo ku dhow 50 daqiiqo , marka hore waxa uu u muuqday mid ku dhisan baadhitaan saxaafadeed (journalistic investigation) . Hase yeeshee, marka si qoto dheer loo eego qaabka loo diyaariyey, martida la wara
Dr. Abdiweli Soufi Jibril
Jan 285 min read


Faa'iidada Aqoonsiga Somaliland uu yahay Djibouti
Doodda Djibouti ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland inta badan waxa ay ku wareegtaa cabsida tartan, luminta dakhli, ama isbeddel miisaan awooddeed. Hase yeeshee, marka si qoto dheer loo eego juqraafiyadda ganacsiga Afrika iyo jihada uu dunidu u socdo, aqoonsiga Somaliland ma aha khasaare Djibouti ku dhaca—waa fursad istiraatiiji ah oo taariikhi ah . Waa fure lagu furi karo awood dhaqaale oo ka weyn inta Djibouti keligeed waligeed gaadhi karto. Muddo dheer, doorka dekedaha Djib
A Gallaydh Editorial
Jan 194 min read


Aqoonsiga Israel: Maxaa Inoo Xiga?
Aqoonsiga Israel ee Somaliland wuxuu furay albaab taariikhi ah—laakiin haddii aan si xeelad leh loo maalgelin, wuxuu noqon karaa “war daqiiqadeed ” ee ma noqon “isbeddel siyaasadeed” oo waara. Aqoonsiga Israel ee Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ahaa dhacdo aan caadi ahayn oo si degdeg ah u beddeshay sawirka Somaliland ee masraxa caalamiga ah. Markii ugu horreysay, dal xubin ka ah Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u qirtay waxa Somaliland muddo 30 sano ka badan ku doodaysay: i
Hassan Gallaydh
Jan 184 min read


Djibouti: Maxaa Ka Dambeeya Mowqifkeeda Ka Dhanka ah Aqoonsiga Somaliland?
Marka hore, waa lama huraan in la fahmo xaqiiqo aan la dafiri karin: bulshada ku dhaqan Somaliland iyo Djibouti waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo taariikhi ah, dhaqan, qaraabo, iyo isfahan bulsho. Waa dad aad iskugu dhow marka loo eego guud ahaan bulshooyinka kale ee Soomaalida Geeska Afrika. Xiisad siyaasadeed oo soo baxda marna ma tirtirto xidhiidhkaas; khilaaf ha dhaco ama hadal adkaa ha la is weydaarsado, ugu dambayn waxa la isugu soo noqdaa qalbi furnaan iyo is-qad
Hassan Gallaydh
Jan 169 min read


Turkiga iyo Saameynta Somaliland ee Danihiisa Geeska
Ankara ayaa si cad u muujisay in juqraafi ahaan Somaliland ay khatar ku tahay danaha istaraatiijiga ah ee Turkiga ee Bab al-Mandab iyo Geeska Afrika, balse mustaqbalka albaabadu ma wada xidhna. Dawladda Turkiga ayaa markiii koowaad shaaca ka qaaday sababaha ay u diiddan tahay aqoonsiga Somaliland iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan waxa uu sheegay in Somaliland gacanta ku hayso dhulkii ugu muhiimsanaa qaaradaha Afrika iyo
Hassan Gallaydh
Jan 102 min read


E-Visa: Somaliland iyo Diblomaasiyadda Duulimaadka
Aqoonsiga Israel kaddib, Somaliland waxa horyaalla fursad ay ku muujiso madax-bannaanideeda, iyadoo si adag uga jawaabaysa shirkadaha duulimaadka ee weli ku takri-fala nidaamka e-Visa ee Soomaaliya. Muddo dheer, Somaliland waxa ay ku hawlanayd halgan diblomaasiyadeed oo ku dhisan adkaysi, degganaansho iyo qancin. Waxay dooratay waddo ka fog sawaxan, kuna salaysan dhismaha hay’ado, nabad, iyo kalsooni caalami ah. Laakiin mararka qaar, qaddiyaddu uma baahna kaliya dulqaad; waxa
Hassan Gallaydh
Jan 72 min read
bottom of page
