Abaarta Somaliland: Gurmad La Sugayo iyo Mas’uuliyada Dowladda
- Hassan Gallaydh

- Feb 4
- 2 min read
Iyadoo abaartu sii xumaanayso, biyo la’aanna ay gaadhay heer halis ah, xukuumadda Somaliland waxa wajahaysa imtixaan ku saabsan degdeg, daahfurnaan iyo hoggaan ku wajahan badbaadinta nolosha dadka iyo duunyada.
Abaarta ka jirta Somaliland ayaa gashay marxalad aad u daran, iyadoo si toos ah u taabanaysa nolosha dadka iyo duunyada, gaar ahaan gobollada bari ee dalka. Xaaladda ugu daran maanta waa biyo la’aan baahsan, taas oo keentay in reer miyi badan ay ka barakacaan deegaamadoodii, halka xoolihii laf dhabarta u ahaa noloshooda ay halis ugu jiraan dabar go’.
Inkasta oo xaaladdu sidaa u daran tahay, haddana waxaa isa soo taraya cabashooyin ka imanaya dadka ay abaartu saamaysay, kuwaas oo sheegaya in aanay helin gurmad muuqda oo uga yimid dhinaca xukuumadda ama hay’adaha samafalka. Tani waxay muujinaysaa farqi u dhexeeya baahida dhabta ah ee taagan iyo jawaabta dawladnimo ee la filayey.

Waxaa jira su’aalo waaweyn oo ku saabsan guddida abaaraha heer qaran, kuwaas oo hore u sheegay in ay ururiyeen gargaar iyo dhaqaale ay ku deeqeen dalal iyo hay’ado shisheeye. Ilaa hadda si cad looma shaacin halka gargaarkaas la geeyay, sida loo qaybiyay, iyo cidda ka faa’iidaysatay. Daahfurnaan la’aantaasi waxay dhaawacaysaa kalsoonida bulshada, waxayna sii adkaynaysaa in gargaar cusub la helo.
Dhanka kale, xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa lagu dhaliilayaa in aanay si firfircoon u baraarujin bulshada caalamka iyo tan gudaha si loo helo taageero degdeg ah. In kasta oo arrimaha ictiraafku ay muhiim u yihiin mustaqbalka Somaliland, haddana abaartu waa masiibo taagan oo u baahan mudnaan degdeg ah.
Wasiirrada loo xilsaaray arrimaha gargaarka iyo abaaraha ayaa u muuqda kuwo aan si buuxda ula jaanqaadin culayska xaaladda.
Tallaabooyinka Loo Baahan Yahay In Xukuumaddu Qaaddo
Si looga hortago khatar macaluul iyo burbur dhaqaale oo ka dhasha abaarta, xukuumadda Somaliland waa in ay qaaddo tallaabooyin cad oo degdeg ah. Ugu horrayn, waa in si degdeg ah loo shaaciyaa xogta gargaarka la helay iyo qaabka loo qaybinayo, si kalsooni loo abuuro. Marka labaad, waa in la sameeyaa gurmad degdeg ah oo biyaha lagu gaadhsiinayo deegaamada ugu daran, iyadoo la adeegsanayo ceelal, booyado iyo kaabayaal ku meel gaar ah.
Sidoo kale, xukuumaddu waa in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdaa xaalad abaar qaran, taas oo fure u noqon karta helidda gargaar caalami ah. Waa in la xoojiyo wada shaqaynta hay’adaha samafalka, isla markaana la hubiyo in gargaarku gaadho dadka ugu nugul. Ugu dambayn, waa in la bilaabaa qorsheyaal waara oo lagu yareynayo saameynta abaaraha mustaqbalka, sida kaydinta biyaha, taageeridda xoolo-dhaqatada, iyo dib u habaynta siyaasadaha ka hortagga abaaraha.
Abaartu ma sugayso dood siyaasadeed ama mashquul diblumaasiyadeed. Waa mas’uuliyad qaran oo u baahan hoggaan degdeg ah, daacadnimo iyo ficil muuqda, si loo badbaadiyo nolosha iyo karaamada bulshada Somaliland.
Su'aasha Codbixinta:
Xilligan abaartu ay daran tahay, maxaad u aragtaa in ay ahayd arrinta ugu mudnaanta badan ee Madaxweyne Cirro ay ahayd in uu diiradda saaro?
Gurmadka degdegga ah ee abaaraha iyo biyo la'aanta.
Arrimaha Ictiraafka (aqoonsiga) iyo siyaasadda arrimaha diba
Waa in labada arrimoodba si isku mid ah wax looga qabtaa.



