top of page

Puntland oo Cashuur Dhaaf Ku Sameysay Gallayda iyo Calafka Xoolaha Iyadoo Abaartu Sii Xoogeysanayso

Updated: Feb 9

Tallaabada Puntland ay maanta qaaday ayaa imanaysa xilli Geeska Afrika uu wajahayo khatar abaar iyo macaluul oo sii fidaya, iyadoo malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay durba dareemayaan saameynta roobab la’aanta iyo sicir bararka cuntada.

Golaha wasiirrada Puntland ayaa maanta go’aan degdeg ah ku gaaray in muddo saddex bilood ah cashuurta laga dhaafo gallayda iyo calafka xoolaha ee soo degaya deegaanada Puntland, taas oo qayb ka ah dadaal lagu yareynayo saameynta abaarta baahsan ee ka jirta gobollada maamulkaas. Go’aankan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya badbaadinta xoolaha iyo xaqiijinta in bulshada ay helaan cunto iyo quudin la awoodi karo.


Goluhu waxa uu si cad ugu amray ganacsatada in ay qiimo jaban ku iibiyaan gallayda iyo calafka xoolaha, si aan faa’iido raadis looga dhigin xaalad adag oo nololeed. Xooluhu waa laf dhabarta dhaqaalaha Puntland iyo guud ahaan deegaanada soomaaliyeed, waxaana hoos u dhacooda si toos ah u dareema qoysaska ku tiirsan nolosha miyiga iyo magaalooyinka labadaba.



Dhanka kale, Golaha wasiirradu wuxuu go’aamiyay in ceelasha biyaha laga dhigo kuwo bilaash ah inta ay abaartu socoto, iyadoo dawladdu ballanqaadday in ay kabto kharashaadka dayactirka iyo hawlgelinta ceelasha. Tani waxay si gaar ah u taabanaysaa dadka danyarta ah iyo xoolo-dhaqatada ku tiirsan booyadaha biyaha. Milkiilayaasha booyadaha ayaa sidoo kale lagu booriyay in ay qiimo jaban ku gaarsiiyaan biyaha bulshada, maadaama ceelashii waaweynaa la bilaash dhigay.


Tallaabadan Puntland waxay imanaysaa xilli guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, ay wajahayaan halis macaluul oo ay sababeen roobab fashilmay, kulayl daran iyo hoos u dhac ku yimid gargaar bini’aadannimo. Hay’adaha caalamiga ah ayaa marar badan ka digay in malaayiin qof oo Soomaali ah ay ku dhow yihiin heerar macaluul ah haddii aan wax laga qaban.


Puntland ayaa noqotay dowladdi ugu horreesay ee Soomaaliyeed ee qaada tallaabooyin muuqda oo degdeg ah oo lagu yareynayo culayska abaarta, taas oo tusaale u noqon karta maamullada kale, xilli ay baahi weyn jirto in la isku daro dadaalka maxalliga ah iyo kan qaran si loo wajaho khatarta abaar iyo macaluul ee sii fidaysa.

bottom of page