Turkiga iyo Saameynta Somaliland ee Danihiisa Geeska
- Hassan Gallaydh

- Jan 10
- 2 min read
Updated: Feb 6
Ankara ayaa si cad u muujisay in juqraafi ahaan Somaliland ay khatar ku tahay danaha istaraatiijiga ah ee Turkiga ee Bab al-Mandab iyo Geeska Afrika, balse mustaqbalka albaabadu ma wada xidhna.
Dawladda Turkiga ayaa markiii koowaad shaaca ka qaaday sababaha ay u diiddan tahay aqoonsiga Somaliland iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan waxa uu sheegay in Somaliland gacanta ku hayso dhulkii ugu muhiimsanaa qaaradaha Afrika iyo Aasiya kaas oo ah gacanka Berbera oo ah afaafka iyo albaabka laga galo marinka Babul Mandab kaas oo ay ka gudubto ku dhowaad 20% shixnadaha isaga kala goosha Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Fidan waxa uu xusay in ay hore uga dagaallameen heshiiskii isfahan ee Somaliland iyo Ethiopia haddana ay aad uga walaacsan yihiin aqoonsiga Somaliland isaga oo caddeeyey in ay isku deyi doonaan sidii looga hor tegi lahaa aqoonsiga Somaliland. Turkiga oo taageera Soomaaliya waxa uu doonayey in uu Maraakiib shidaal baadha keeno inta u dhaxaysa magaalooyinka Maydh ilaa Saylac, halkaas oo ka tirsan Xeebaha Somaliland balse waxa meesha ka saaray aqoonsiga Somaliland.
Erdogan malla dagaallami doonaa Israel?
Xukuumadda madaxweyne Erdogan waxa ay xidhiidh soo jireen ah la leedahay dalka Israel iyada oo Ankara ka mid ahayd waddamadii ugu horreyey dunida Islaamka ee aqoonsada Talaabiib. Waxana labada waddan ilaa hadda u dhexeeya xidhiidh aad u xooggan oo ah dhinaca sirdoonka iyo dhaqaalaha.
Waana sababta uu Turkigu uga qayliyey aqoonsiga Somaliland maaddama oo uu ka yimi dalka Israel oo ay wadaagaan xidhiidh aad u wanaagsan isla markaana aanu awood u lahayn in uu ku qaado dagaal toos ah.
Turkigu ma la heshiin doonaa Somaliland?
Sida ka muuqata hadalka Hakan Fidan, Turkigu waxa uu u dareensan yahay muhiimadda dhulka ay dhacdo Somaliland kaas oo uu sheegay in ay tahay dhul ay Somaliland gacanta ku hayso oo aan waxba laga waydiin dhinaca Soomaaliya. Waxana meesha ka baxaysa heshiis kasta oo uu hore Muqdisho ula galay isaga oo dareensan in aanu ahayn mid ka tarjumaya xaqiiqda Somaliland ka jirta.
Turkiga dal ahaan waxa lagu yaqaannaa in uu heshiisyo la galo meel uu markii hore si weyn u diiddanaan jirey ama uu uga soo hor jeeday, waxana tusaale u ah Afghanistan oo uu qayb ka ahaa duullaankii NATO ee 2001 dalkaas lagu qaaday haddana uu heshiis la yahay kooxda dalkaas ka talisa iyo weliba Liibiya uu sannadkii inna dhaafay uu heshiis la galay garabka Khaliifa Xaftar ka dib dagaalkii uu dalkaas Turkigu ku qaaday sannadkii 2019-kii.
Marka la eego goobta ay Somaliland dhacdo oo ah mid loo wada baahan yahay, waxa sannadada soo socda suurta gal noqon doonta in Turkigu uu ku soo biiro dalalka xidhiidhka la samayn doona Jamhuuriyadda Somaliland waxana haddaba soo baxaysa in uu ku jaha wareersan yahay nooca dagaal ee lala geli karo Jamhuuriyadda Somaliland.



