Turkiga iyo Soomaaliya: Iskaashi Mise Ka-Faa’iidaysi?
- Hassan Gallaydh

- Jan 1, 2026
- 4 min read
Updated: Feb 6
Heshiisyo istiraatiiji ah ayaa Ankara siinaya gacan sarreyn.
Muddo ku dhow shan iyo toban sano, Turkigu wuxuu Soomaaliya ka dhistay joogitaan siyaasadeed, dhaqaale, amni, iyo bulsho oo ka ballaadhan kana qoto dheer inta ay dad badani si buuxda u fahamsan yihiin. Iskaashigan inta badan waxaa loo soo bandhigayaa “walaaltinimo Islaami ah”, “garab istaag bini’aadantinimo”, iyo “taageero dawlad dhisid”. Hase yeeshee, marka la kala furfuro heshiisyada la saxeexay, hantida la wareejiyey, iyo awoodaha la siiyey, waxaa si cad u soo baxaya sawir ka duwan midka la sheego: iskaashi si xeeladaysan u noqday ka-faa’iidaysi ku dhisan daciifnimada dawlad Soomaaliyeed oo aan weli ka soo kaban burburkii dawladnimada.
Maqaalkani ma diidan gargaar ama iskaashi caalami ah. Su’aasha uu ka jawaabayo waa mid ka culus: xaggee ayuu ku dhammaadaa garab-istaaggu, xaggeese ka bilaabmaa xayuubinta qarannimada?

Gurmad Bani’aadantinimo oo Albaab u Noqday Gacan-Ku-Hayn Istiraatiiji ah
Sanadkii 2011, xilli ay Soomaaliya wajahaysay abaar ba’an oo galaafatay kumannaan qof, Turkigu wuxuu noqday dalkii ugu horreeyey ee hoggaamiye qaran si muuqata u booqda Muqdisho. Booqashadaas Madaxweyne Erdogan waxay jebisay go’doonkii caalamiga ahaa, waxayna Turkiga u soo hoysay sumcad weyn oo ku salaysan naxariis iyo geesinimo diblumaasiyadeed.
Laakiin taariikhdu mar walba waxay ina bartaa in gargaar degdeg ahi uu mararka qaar noqdo irid laga galo danaha waaweyn ee mustaqbalka.
Wax yar kadib gurmadkaas, Turkigu wuxuu bilaabay dalabyo la xiriira:
Maamulidda Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho
La wareegidda Dekedda Muqdisho
Labadan goobood waa halbowlayaasha dhaqaale iyo amni ee Soomaaliya. Wareejintooda shirkado Turkish ah waxaa lagu sababeeyey “hufnaan, khibrad, iyo amni”. Hase yeeshee, muddo ka badan toban sano kadib, su’aalo muhiim ah ayaa wali taagan:
Immisa ayaa dhab ahaan dib loogu maalgeliyey ballaadhinta iyo casriyaynta dekedda?
Immisa dakhli ah ayaa dib ugu noqda khasnadda dowladda Soomaaliya?
Yaa xakameeya xogta, dakhliga, iyo go’aan-qaadashada?
Marka la barbar dhigo maalgashiga UAE ee Dekedda Berbera, oo lagu sameeyey ballaadhin muuqata, kaabayaal casri ah, iyo kordhin awoodda dekedda, Dekedda Muqdisho waxay weli u shaqaysaa ku dhowaad isla qaabkii ay u shaqaynaysay sanadkii 2012. Taasi waxay muujinaysaa in maamulku u badan yahay ka-faa’iidaysi dakhli, halkii uu ka ahaan lahaa horumarin istiraatiiji ah.
Garoonka Muqdisho
Garoonka diyaaradaha ma aha kaliya meel ay diyaarado ka soo degaan. Waa:
Albaabka ugu horreeya ee dal lagu galo
Meesha ugu muhiimsan ee amni, socdaal, iyo sumcad qaran
Marka shirkad shisheeye si buuxda u maamusho garoon caalami ah, iyada oo dawladdu ku koobantahay magac uun, waxa si dadban loo wareejiyey xukun hawadeed iyo awood istiraatiiji ah.
Maanta, cidda xukunta jadwalka, dakhliga, iyo adeegyada Garoonka Muqdisho ma aha dowladda Soomaaliya ee si buuxda u madax-bannaan, balse waa shirkad hoos timaadda dano Turkish ah. Taasi waxay si toos ah u wiiqaysaa awoodda dawladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego in garoonku yahay meel si joogto ah ay u isticmaalaan diblumaasiyiin, hay’ado caalami ah, iyo ciidamada shisheeye.
Isbitaallada: Adeeg Bulsho Mise Aalad Dhaqaale?
Turkigu wuxuu Soomaaliya ka dhisay isbitaallo waaweyn oo casri ah, kuwaas oo si dhab ah u bixiya adeegyo caafimaad oo loo baahnaa. Arrintani waa mid mudan bogaadin.
Hase yeeshee, marka adeeg bulsho uu noqdo mid:
Si buuxda u hoos yimaadda maamul shisheeye
Aan si buuxda ugu dhex milmin nidaamka caafimaadka qaranka
Aan lahayn qorshe cad oo aqoon-wareejin iyo madax-bannaani mustaqbal
waxa uu isu beddelaa aalad saameyn siyaasadeed iyo mid sumcad, halkii uu ka ahaan lahaa hay’ad qaran oo waarta.
Isbitaalka Turkiga ee Muqdisho wuxuu noqday astaan kale oo muujinaysa sida adeegyo muhiim ah loogu beddelay joogitaan joogto ah oo shisheeye.
Heshiiska Shidaalka iyo Badda
Sanadkii 2024, kadib heshiiskii is-faham ee Somaliland iyo Itoobiya, Soomaaliya waxay gashay xaalad diblumaasiyadeed oo cakiran. Turkigu wuxuu arrintaas u adeegsaday fursad cusub.
Isaga oo isu soo bandhigay “ilaaliye qaranimo” iyo “cid Itoobiya ka celinaysa”, Turkigu wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka saxeexay heshiis:
U ogolaanaya Turkiga inuu baaro, soo saaro, oo ka faa’iidaysto shidaalka Soomaaliya
Siiya Turkiga maamul iyo kormeer badeed
Sida xoguhu muujinayaan, 95% faa’iidada heshiiskan waxay raacaysaa Turkiga, halka Soomaaliya ay ku qanacday saami aad u yar, iyada oo weliba aan lahayn awood farsamo ama sharci oo ay ku ilaaliso danaha mustaqbalka.
Heshiiskan wuxuu ka dhigan yahay in Soomaaliya:
Ka tanaasushay khayraadkeedii dabiiciga ahaa
Ku wareejisay baddeedii iyo shidaalkeedii dowlad shisheeye
Ku beddeshay ballan amni oo aan lahayn dammaanad waarta
2026 iyo Ka Dambaysa: Raadin Cusub oo Khayraad iyo Dekedo Kale ah
Iyadoo Soomaaliya wali ku jirto jahawareer siyaasadeed, khilaafyo doorasho, iyo muran ku saabsan aqoonsiga Somaliland, waxaa isa soo taraya warar sheegaya in Turkigu doonayo:
Dekedo kale
Macdano
Heshiisyo cusub oo dheer
Taasi waxay muujinaysaa istiraatiijiyad cad: mar kasta oo Soomaaliya daciifto, heshiis cusub ayaa la saxeexaa; mar kasta oo ay jahawareerto, hanti cusub ayaa la wareejiyaa.
Isbarbardhigga Caalamka: Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Turkiga iyo Saaxiibbada Kale?
Dalalka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, UAE, iyo Shiinaha:
Taageeradooda kuma xidhna in Soomaaliya khayraadkeeda la wareejiyo
Kuma khasbaan heshiisyo si cad u hal-dhinac u janjeedha
Badankoodu waxay ku shaqeeyaan deeq, tababar, iyo taageero hay’adeed
Turkigu se wuxuu doortay waddo ka duwan: taageero ku beddelan hanti iyo xukun istiraatiiji ah.
Gunaanad: Garab-Istaag Mise Xayuubin Qaran?
Su’aashu ma aha in Turkigu wax fiican ka qabtay Soomaaliya iyo in kale. Laakiin su’aasha ka weyn waa: qiimaha ay Soomaaliya ku bixisay garabkaas ma ka badan yahay faa’iidada ay heshay?
Dawlad kasta oo burbursan waxay u baahan tahay saaxiib. Laakiin saaxiibtinimada dhabta ahi ma timaaddo marka:
Dekedaha la wareejiyo
Garoomada la xukumo
Shidaalka la qaato
Badaha la maamulo
Soomaaliya haddii aysan si degdeg ah dib ugu eegin heshiisyadan, dib u dhisin awooddeeda sharci iyo farsamo, una dejin xeerar ilaalinaya khayraadkeeda, waxa ay halis ugu jirtaa in ay ka baxdo marxaladdii “dawlad burburtay” una gudubto “dawlad la maamulo”.
Taasi ma aha diblumaasiyad. Waa xayuubin qaran oo si sharci u eg loo sameeyey.


