Somaliland: Go’aamada Muqdisho Nama Khuseeyaan
- Hassan Gallaydh

- Jan 13
- 1 min read
Updated: Jan 18
Wasiir Fu’aad Oo Adkeeyey Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta
Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in aanay khusayn go’aamadii maanta ay soo saartay dawladda Soomaaliya.

Wasiir Fu’aad ayaa sheegay in xidhiidhka Imaraadka Carabta iyo Somaliland yahay mid qoto dheer.
“Xidhiidhka u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku dhisan yahay iskaashi istaraatiiji ah oo saldhig u ah muhiimada juqraafiyeed, wada-shaqaynta dhaqaale, iyo iskaashiga amni.
Xidhiidhkani waxa uu ka tarjumayaa mudnaan wadaaga iyo danaha labada dhinac, kuwaas oo si toos ah gacan uga geysanaya xasilloonida iyo horumarka Gobolka.
Diidmooyinka ka imanaya Maamulka Muqdisho marna saamayn kuma yeelan karaan sharciyadda, madaxbannaanida, ama danaha faa’iido-wadaagga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.”



