top of page

Muddo-Kordhintu Ma Aha Tiro Sannado iyo Bilo ah ee Waa Cudur Siyaasadeed oo Khatar ku ah Xasilloonida Dalka

Muddo-kordhin kasta oo Somaliland ka dhacdaa ma aha arrin la odhan karo waa tiro sannado iyo bilo ah, mana aha dib-u-dhac doorasho oo keli ah. Waa astaan cad oo muujinaysa cudur siyaasadeed ku jira nidaamka dawladnimo ee dalka; cudur baabi'inaya macnaha muddo-xileedyada dastuurku u xadeeyey xilalka doorashada lagu yimaaddo, una oggolaanaya masuul mar la doortay inuu kursiga ku sii fadhiyo muddo ka dheer wakhtigii sharcigu siiyey. Taasina waxay si toos ah u wiiqaysaa lexe-jeclada iyo kalsoonida bulshadu ku qabto dawladnimada iyo nidaamka dimuqraadiga ee dalka.


Nabadda iyo xasilloonida Somaliland kuma dhisna awood ciidan oo xooggan, dhaqaale baaxad leh, ama aqoonsi caalami ah oo dhamaystiran. Waxa ay ku taagan tahay hanti ka qiimo badan intaa oo dhan: kalsoonida iyo lexojeclada shacabka Somaliland uu u hayo nidaamka dawladnimo.


Somaliland’s Term Extensions: A Political Disease Threatening Stability

Kalsoonidaas waxa laf-dhabar u ah in muwaadinku aaminsan yahay in xukunka lagu yimaaddo doorasho, laguna wareejiyo cod sanduuq lagu riday. Haddaba, haddii doorashooyinku noqdaan kuwo mar kasta dib loo dhigo, muddo-xileedyaduna noqdaan kuwo si fudud la isaga kordhiyo muddadii la doono, waxa si wayn u dhaawacmaya kasloonida siyaasadeed ee bulshadu siisay nidaamka siyaasiga ah ee dalka ka jira.

Guurtida iyo Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Somaliland

Haye yeesha maanta waxa taagan su'aal adag oo ah:


"Golaha Guurtidu ma gole u taagan ilaalinta iyo badbaadinta Nidaamka Dawladnimo ee dalka, mise waxa uu noqday gole xagal-daacinaya habka dimuqraadiga ah iyo xasiloonida siyaasadeed ee jirta?"


Xaqiiqada kale ee jirtaa waxa weeyi in kuraasta Golaha Guurtidu ay isu bedeleen dhaxal uu waalidku uga tago ilmihiisa taas oo cambaar iyo ceeb ku ah dawladnimada casriga ah ee ku shaqaysa nidaamka dimuqraadi ah. Hadaba, mudane dhaxal ku yimid oo aan doorasho galayan isagu, sidee ayuu u yeelan karaa awood uu ku jaangooyo xaqa dastuuriga ah ee bulshadu u leedahay in ay doorato cidda metelaysa?

Su'aasha Siyaasad ee Hortaalla Somaliland

Su'aasha dhabta ah ee Somaliland hortaallaa ma aha: Doorashadu wakhti intee leeg ayay dib u dhacday? ee waxa weeyi: intee inleeg ayuu gole aan doorasho ku iman uu awood u yeelanayaa in uu jaangooyo xaqqa dastuuriga ah ee umaddu leedahay isaga oo aan cidna tixgalin?

Madaxweynaha JSL iyo Xukuumaddiisa

Madaxweynaha JSL iyo xukuumaddiisa waxa horyaalla imtixaan siyaasadeed oo culus: sidee ayay uga jawaabayaan muddo-kordhinta jabinaysa ballanqaadyadoodii farahabadnaa oo ahaa "in aan dalka ka dhici doonin muddo-kordhin dambe".


Xisbiga Waddani waxa uu muddo dheer ku dhaliili jiray xukuumadihii Kulmiye muddo-kordhinta iyo dib-u-dhaca doorashooyinka. Xukuumaddii uu soo dhisay wa ay ku dhacday imtixaankaa oo waxa horyaalla arrimihii ay dhaliili jirtay markay mucaaridka ahayeen.

Khatarta Muuqata ee ku soo Wajahan Qaranka Somaliland

Kharta Muddo-kordhinta joogtada ahi ma keenayso qalalaase iyo xasilooni darro degdeg ah. Khatarta dhabta ee ay keenaysa waa in si tartiib ah oo aan la dareemin ay u dhimato lexo-jeclada iyo kalsoonida bulshadu ku qabto nidaamka siyaasig ah ee dalka.


Gaar ahaan da'yarta Somaliland Gen Z oo jiilka ka yar 30 sano, jiilkani waxa ay ku nool yihiin duni isu furan, xog badan la is waydaarsanayo, isbarbardhig joogto ah leh, iyo filashooyin siyaasadeed oo ka sarreeya kuwii jiilasha hore.

Jiilkani waxa uu rabaa rajo siyaasadeed, isla-xisaabtan siyaasadeed, shaqo, adeegyo, hoggaaminta dalka oo la cusuboonaysiiyo, iyo nidaam ay codkooda ku arkaan inuu keenayo natiijo muuqata.


Haddii ay xoogaysato aragtida ah in kuraasta lagu sii fadhiyo muddo-kordhin, dhaxal siyaasadeed, iyo heshiisyo ay tiro koobani ku qaabayn karaan doorashooyinka, waxa ay keenaysaa in ay kala fogaadaan jiilka dhalinyarta iyo nidaamka dawladnimo, taasi oo khatar ku ah xasiloonida iyo siyaasadda dalka.

Ugu Dambayn

Khatarta ay xambaarsan tahay muddo-kordhintu mar aha inay doorashada dib u dhigtay 10 bilood, 17 bilood, ama 27 bilood. Khatartu waa jihada ay muddo-kordhintu u horseedayso siyaasadda dalka iyo kalsooni-darrada ay keenayso.

Hadaba, hadii aan siyaasiyiinta iyo haldoorka Somaliland aanay xal deg-deg ka gaadhin waxa la yidhaa “Muddo-kordhin” waxa muuqata in ay iman karaan khataro aan hore loo saadaalin, xallinkooduna adkaan doono.


Sidaa waxa yidhi Wasiirkii hore ee Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyada JSL Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi oo qoraalkan soo saaray.


bottom of page