Madaxweyne Cirro miyuu ka leexday ballan qaadkiisi hore?
- A Gallaydh Editorial

- Apr 29
- 2 min read
Go'aanka maanta ka soo baxay Golaha Guurtida ee Somaliland waxa uu dhigayaa in labada Gole ee muddadu ka dhammaatay ay kuraasta sii fadhiyi doonaan tan iyo 2028-ka.
Marka laga qiyaas qaato muddada 27 ka bilood ah ee Guurtidu kordhisay, wakhtiga ugu horreeye ee Somaliland doorasho laga qaban doonaa waxay ku beegan tahay 31-ka August 2028-ka. Waa sannad ka hor xilliga ay dhacayso doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Haddaba labada doorasho ma dhici doonaan laba sano oo isku xiga?
Sida looga bartay geeddi socodka doorashooyinka Somaliland, weli ma dhicin saddex doorasho oo lagu qabtay muddo sannad gudahood ah. Waana caqabad muujinaysa in fulkaane siyaasadeed halkaas ka soo socdo.
Marka la gaadho sannadka 2028-ka, waxa iman kara khilaaf salka ku haya in saddexda doorasho hal mar lays wada raaciyo oo la qabto 2029-ka taas oo ah in mar kale la kordhiyo doorashada labada Gole. Sidoo kale waxa meesha iman doonta in Madaxtooyada la kordhiyo si wakhti iyo dhaqaale loogu helo ta labada Gole.
Mucaaradku marka la joogo 2028-ka waxa ay awoodda saari doonaan in doorashaada madaxtooyada xilligeedii lagu qabto halka xukuumaddu xilligaa ku dedaali doonto qabsoomida Wakiillada iyo deegaanka si madaxweyne Cirro muddo kordhin u helo.
Si kasta oo loo eego, marna suurta gal ma noqon doonto in Somaliland wada qabato laba doorasho oo aad culus xilliga sidan isugu dhow, waana mid keenaysa halis khilaaf siyaasadeed oo halkaas ka soo socda.
Madaxweyne Cirro miyuu ka leexday ballan qaadkiisi hore?
Madaxweyne Cirro waxa uu muddo badan ka dagaallamay muddo kordhin la sameeyey sannadihii la soo dhaafay, marar badan ayuu si cad u sheegay in aanu ogolaan doonin wax muddo kordhin ah, balse maanta waxa soo baxday muddo kordhin sabab u noqon doonta in ta Madaxtooyada xataa la kordhiyo oo wakhti lagu daro.
Inkasta oo xukuumaddiisu weli aanay ka fal celin go'aanka Guurtida, haddana xukuumaddu ma samayn dedaalkii loo baahnaa si looga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Cirro ee la dagaallanka arrimaha muddo kordhinta doorashada.
Xisbiyada mucaaridka ah sidee u arkaan qodobkan?
Labada xisbi mucaarid qodobadii muddo kordhinta lagu diiddanaa ee dhawaan ka soo baxay waxay ahaayeen kuwo si guud u diiddan in muddo kordhin la sameeyo, hayeeshe xisbiga KAAH waxa uu hadda doonayaa in la sii xalliyo qodobka diiwan gelinta cod bixiyeyaasha doorashada.
Xisbiga KAAH oo hadda xildhibaano badan ku leh wakiilladu waxa uu u muuqda in aanu si weyn uga dagaallamin in la yareeyo muddo kordhinta muddada dheer ee maanta Guurtidu samaysay.
Kulmiye waxa uu isaguna hore uga digay in la sameeyo muddo kordhin ka badan 10 bilood, waxana uu u muuqdaa in xukuumadda (waddani ) iyo Kaah marka la barbardhigo Kulmiye yahay xisbiga keliya ee doorashada diyaar u ah.
Guddida doorashada oo wakhtigoodii dhammaan doono?
Guddida doorashada ee Somaliland ee hadda jooga oo ah kuwii qabtay doorashadii 2024-ka lana filayey in ay doorashadanna qaban doonaan, waxa guud ahaanba la laalay codsigoodii 10 ka bilood ahaa. Muddada lagu daray waa mid keenaysa in wakhtigu ka dhaco oo la soo xulo guddi cusub oo doorasho.
Guud ahaan Somaliland waxa sunni ama wax iska caadiya laga dhigay muddo kordhinta aan duruufaha dastuurku xusay keenin.



