Madaxweyne Cirro iyo Saddexda Imtixaan ee Horyaalla
- Hassan Gallaydh

- Feb 12
- 2 min read
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ku guuleystay codkii ugu badnaa ee taariikhda dalka la siiyo 2024, isla markaana helay kalsooni cusub kaddib aqoonsigii December, ayaa wajahaya saddex arrimood oo u baahan tallaabo degdeg ah: abaaraha ba’an, dhammaystirka iyo dib-u-habaynta xukuumaddiisa, iyo cabashooyinka saami-qaybsiga ee Awdal iyo Sanaag.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa lagu doortay codkii abid ugu badnaa ee madaxweyne la siiyo sannadkii 2024-kiii. Mar kale waxa uu helay kalsooni shacab oo aad u xooggan ka dib aqoonsigii uu keenay bishii December ee sannadkii inna dhaafay.
Hayeeshe waxa jira saddex arrimood oo gaabis xooggani uu ka muuqdo una baahan in uu madaxweynuhu si deg deg ah wax uga qabto kuwaas oo kala ah;

Abaaraha
Dalka Somaliland waxa ka jira abaaro aad u daran. Roobkii Guga iyo Dayrta ayaa deegaannnada aad ugu yaraa halka qaarkoodna aanu roobku ku tiixin. Xaalad biyo la'aan ah ayaa dalka ka taagan si gaar ah gobollada bari iyo xeebaha galbeed. Bisha Ramadaan oo foodda innagu soo haysa dad badani ma helayaan biyo ay cabbaan. Hawl galka xukuumadda ee wax ka qabashada Abaaruhu waa mid aad u kooban oo aan gaadhsiisnayn heerkii loo baahnaa.
Madaxweyne Cirro waxa hadda la gudboon in uu si gaar ah dedaal uga galo wax ka qabashada abaarta iyo gurmad loo sameeyo reer guuraaga xaalka adag ku jira.
Dhammaystirka Xukuumaddiisa iyo dib u eegista Xulashada Madaxweynaha.
Madaxweyne Cirro oo ku dhex jira sannadkiiisi labaad ee xil haynta, ilaa hadda waxa jira meelo aanu qalinkiisu qaban oo u baahan dhammaystir. Dad badan ayaa sidoo kale qawadsan soo xulashadii koowaad ee xukuumadda madaxweyne Cirro kuwaas oo in muddo ah ku baaqayey in uu dib u hubiyo tayada xukuumaddiisa si loo helo xubno fulineed oo qaadi kara hammiga shacabka Somaliland.
Shacabka Somaliland intooda badan waxa ay aaminsan yihiin in aan madaxweyne Cirro cugan koox kala dabaallankarta hawlaha taagan xillligan.
Saami Qaybsiga iyo Arrinka Gobolka Awdal.
Bulshada reer Awdal oo ah laf dhabarkii Somaliland iyo qayb ka mid ah laamaha uu dalku ka kooban yahay, waxa ay in muddo ah ku cel celinayeen in dib loo eego saamiga xukuumadda maaddama oo aanay baarka ugu sarreeya ka joogin saddexda haayadood ee dawladnimadu ka kooban tahay ee Fulinta, sharci dejinta iyo Garsoorka. .
Madaxweyne Cirro waxa hadda u taalla in uu hoos u dhugto arrinka Awdal gaar ahaanna saami qaybsiga xukuumaddiisa. In uu xal kama dambays ah u keeno xaaladda colaadeed ee Awdal ka jirta. Gogol u fidiyo dadka gudaha ee wax kala tabanaya.
Reer Awdal oo keliya maaha dadka saamiga ka cabanaya, waxa kale oo jira reer Sanaag gaar ahaana beesha dhawaan heshiiska nabadda ku seexday Ceerigaabo oo iyaguna saluugsan saamiga xukuumadda.



