Madaxweyne Cirro oo Madal Caalami ah Ka Muuqday: Somaliland oo Meel Sare Ka Joogta Shirka Dowladaha Adduunka ee Dubai
- Gallaydh News Desk

- Feb 3
- 2 min read
Updated: Feb 10
Ka qaybgalka Madaxweynaha Somaliland ee Shirka Dawladaha Adduunka ayaa muujinaya dadaalka xukuumaddiisu ugu jirto in Somaliland si joogto ah uga muuqato fagaarayaasha caalamiga ah, una xoojiso xidhiidhada siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah si rasmi ah uga qayb galay Shirka Waddamada Adduunka ee ka dhacaya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, shir ay isugu yimaaddaan hoggaamiyeyaasha dunida, madaxda hay’adaha caalamiga ah, ganacsato waaweyn, iyo khubaro caalami ah oo ka arrinsada mustaqbalka siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka caalamka.

Shirkan oo loo yaqaan World Governments Summit ayaa ah madal caalami ah oo sannad walba lagu falanqeeyo isbeddellada dunida ka socda, laguna gorfeeyo hoggaaminta casriga ah, tignoolajiyada, maamul wanaagga, amniga, iyo iskaashiga dowladaha. Ka soo muuqashada Somaliland ee madashan waxay xambaarsan tahay fariin siyaasadeed oo cad oo muujinaysa in Somaliland si dhab ah uga shaqaynayso in ay qayb ka noqoto doodaha waaweyn ee caalamka.
Sawirro laga soo qaaday goobta shirka ayaa muujinaya Madaxweyne Cirro oo madal la wadaagaya madax sare oo caalami ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha dalka Sierra Leone Julius Maada Bio iyo Raysal Wasaaraha Spain Pedro Sánchez, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Afrika, Yurub, Aasiya iyo Ameerika. Muuqaalkaas ayaa si gaar ah u muujinaya in Somaliland lagu qaabilay shirka si la mid ah dalalka kale ee caalamka ka soo qayb galay.
Intii uu shirku socday, Madaxweyne Cirro waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay hoggaamiyeyaal, wakiillo dawladdeed, iyo maalgashadayaal caalami ah, isaga oo diiradda saaraya xoojinta iskaashiga dhaqaale, maalgeshiga kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo doorka istiraatiijiga ah ee Somaliland ku leedahay Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dekedaha, iyo amniga marin-biyoodka.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale waraysiyo siiyay warbaahin caalami ah oo shirka joogtay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen warbaahinno Carbeed iyo kuwo reer galbeed ah, isaga oo ka hadlay xasilloonida Somaliland, nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka ka jira, iyo rajada ay Somaliland ka qabto mustaqbalkeeda diblumaasiyadeed.
Ka qaybgalka Somaliland ee Shirka Waddamada Adduunka waxa uu muujinayaa in xukuumadda Madaxweyne Cirro ay mudnaan gaar ah siinayso diblumaasiyadda furan iyo ka muuqashada fagaarayaasha caalamiga ah, taas oo Somaliland u noqon karta waddo ay ku xoojiso sumcaddeeda, kuna ballaariso saaxiibadeeda caalamiga ah, xilli ay sii xoogaysanayaan dadaallada ay ugu jirto aqoonsi caalami ah iyo iskaashi dhaqaale oo waara.



