Maxaad kala Socotaa Sida ay u Fashilantay Dacaayaddii Muqdisho iyo Aljazeera ee Barakicinta Dadka Gaza ay la Xidhiidhayeen Somaliland?
- Dr. Abdiweli Soufi Jibril

- Feb 22
- 2 min read
Tan iyo maalintii lagu dhawaaqay Aqoonsiga Somaliland, madaxda Muqdisho iyo warbaahinta xulfada la ah, gaar ahaan Aljazeera, waxa ay caado ka dhigteen in ay aqoonsiga Somaliland ku sifeeyaan mid shardi looga dhigay in dadka reer Gaza loo soo rarro Somaliland.
Inkasta oo xukuumadda Somaliland marar badan si cad u beenisay wararkaas, haddana waxa ay madaxda Muqdisho—gaar ahaan Madaxweynaha, Ra’iisal-wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gaashaandhigg—si joogto ah ugu celceliyeen in ay hayaan xog rasmi ah oo aan shaki lahayn oo muujinaysa in Somaliland aqbashay in walaalaha Falastiin ee Gaza loo soo rarro gudaha Somaliland.

Shirka Washington DC (19 Feb 2026)
Hadaba, dacaayaddaa Somaliland lagu beegsanayey muddadii aqoonsigu jiray waxa soo afjaray shirkii shalay (19 Feb 2026) ka dhacay magaalada Washington DC, kaas oo uu qabsaday Golaha Nabadda (Board of Peace).
Ujeeddada shirkaasi waxay ahayd Hirgelinta Qorshaha Nabadaynta iyo Xasilinta Gaza ee uu dejiyey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Waxa ka soo qayb galay shirkaa in ka badan 40 waddan oo ay ka mid yihiin 10 dal oo muslimiin ah:
Masar, Qatar, Saudi Arabia, UAE, Morocco, Kuwait, Bahrain, Kazakhstan, Azerbaijan iyo Uzbekistan.
Go’aamadii ka soo baxay Shirka:
Dhammaadka dagaalka Gaza: Madaxweyne Trump waxaa uu kaga dhawaaqay kelmaddii uu ku furay shirka in dagaalkii Gaza dhammaaday.
Dib-u-dhiska Gaza: Shirku waxa uu ballan qaaday lacag dhan $17 bilyan ($10 bilyan oo Maraykanku bixiyey iyo $7 bilyan oo wadamadda muslimiintu bixiyeen) oo loogu talogalay in Marinka Gaza dib loogu dhiso, dadka ku noolna nolol loogu sameeyo.
Magacabiista Guddiga Maamulka Rayidka ee Gaza: Waxaa la dhisay (National Committee for the Administration of Gaza - NCAG) oo ah maamul ku-meel-gaadh ah oo mas’uul ka noqon doona hawlaha maalinlaha ah ee maaraynta Gaza.
Ciidanka Xasilinta ee Caalamiga ah (ISF): Waxa la dhisay ciidanka ISF oo tiradoodu gaadhayso ilaa 20,000 oo askari. Ciidamadaa oo u xilsaarnaan doona ilaalinta nabadda iyo xasiloonida Marinka Gaza. Wadamada ka qayb qaadanaya keenista ciidamadaa waxaa ka mid ah wadanada Islaamka ee 𝐈𝐧𝐝𝐨𝐧𝐞𝐬𝐢𝐚, 𝐌𝐨𝐫𝐨𝐜𝐜𝐨, 𝐊𝐚𝐳𝐚𝐤𝐡𝐬𝐭𝐚𝐧, 𝐊𝐨𝐬𝐨𝐯𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐥𝐛𝐚𝐧𝐢𝐚.
Tababarka Booliska Falastiin: Waxa la qorsheeyey diyaarinta 12,000 askari oo boolis Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ay tababari doonaan Masar iyo Urdun.
Wadamada muslimiinta ee ka qayb galay shirka waxa ay taageereen go’aamada soo baxay, waxa ayna ballanqaadeen in ay door muuqda ka qaadan doonaan hirgelintooda. Inkasta oo qaar ka mid ah ururrada Falastiiniyiinta aanay si buuxda u wada aqbalin, haddana waa hindise caalami ah oo ay beesha caalamku heshiis ku tahay fulintiisa.
Hawlaha nabadaynta ee uu wado 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐁𝐨𝐚𝐫𝐝 𝐨𝐟 𝐏𝐞𝐚𝐜𝐞) 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐚𝐲𝐧𝐞 𝐓𝐫𝐮𝐦𝐩 𝐡𝐨𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 oo shirkiisii shalay (19 Feb 2026) dhacay bilow u yahay, 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐬𝐢 𝐜𝐚𝐝 𝐮 𝐛𝐮𝐫𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚𝐧, 𝐦𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐧𝐚 𝐮𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐜𝐚𝐚𝐲𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐩𝐫𝐨𝐩𝐚𝐠𝐚𝐧𝐝𝐚-𝐝𝐢𝐢 𝐫𝐚𝐤𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝 𝐞𝐞 𝐥𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐮𝐦𝐜𝐚𝐝-𝐝𝐢𝐥𝐨. Iyada oo laga dhigayey xaqiiqo dhab ah beentaa iyo dacaayaddaas oo ay si weyn u faafisay warbaahinta Aljazeera, oo si qaawan dagaal warbaahineed ula gashay qaddiyadda Somaliland.
Sidoo kale, waxa iyana bannaanka usoo baxay in 𝐛𝐞𝐞𝐧𝐭𝐚 𝐜𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐆𝐚𝐫𝐠𝐮𝐮𝐫𝐭𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐝𝐢𝐢𝐬𝐮 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐢𝐧𝐝𝐡𝐨-𝐥𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐡 𝐚𝐲 𝐮𝐠𝐮 𝐜𝐞𝐥𝐜𝐞𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 aanay sal iyo raad toona lahayn.
𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐆𝐮𝐮𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐨𝐛𝐚𝐧𝐢𝐦𝐨.
Qore Dr Cabdiweli Suufi Jibriil



