Al-Jazeera iyo Dagaalka Warbaahineed ee ay ku Hayso Somaliland
- Dr. Abdiweli Soufi Jibril

- Jan 28
- 5 min read
Updated: Jan 29
𝐅𝐚𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐲𝐧 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚: “للقصة بقية | الصراع على القرن الإفريق
Barnaamij ka baxay Warbaahinta Al-Jazeera taariikhdu markay ahayd 27 January 2026, qaybtiisa Carabiga, kuna baxay cinwaanka:
“للقصة بقية | الصراع على القرن الإفريقي”
Barnaamijkan oo socday muddo ku dhow 50 daqiiqo, marka hore waxa uu u muuqday mid ku dhisan baadhitaan saxaafadeed (journalistic investigation). Hase yeeshee, marka si qoto dheer loo eego qaabka loo diyaariyey, martida la waraystay, luqadda la isticmaalay, ereyada la xushay, iyo qodobada la falanqeeyey, waxa si cad u muuqata in barnaamijku ahaa mid si gaar ah loogu talo galay:
In lagu wiiqo Qaddiyadda Somaliland
In la bixiyo sawir khaldan oo ka fog xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland

Farsamooyinka Marin-Habaabinta ee Barnaamijka
Barnaamijkaa Al-jazeera ka baxay waxa uu si badheedh ah isugu dayey in uu marin-habaabiyeyo 𝐐𝐚𝐝𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 isaga oo adeegsaday farsamooyinka warbaahineed oo kala duwan, kana mid yihiin:
Martida La Soo Xulay oo Hal-Dhinac u Badnaa
(Selective Bias)
Muqdisho
Barnaamijku waxa uu waraystay saddex wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo la siiyey wadar ahaan 34 daqiiqo:
Wasiirka Warfaafinta 2 dq
Wasiirka Hawl. Guud 3 dq
Wasiirka Arrimaha Dibadda: waraysi dheer oo qaatay ilaa 28 daqiiq
Somaliland
Hal mas’uul oo ka tirsan xukuumadda Somaliland lama martiqaadin
Waxa la waraystay laba khabiir:
Boobe Yuusuf Ducaal
Maxammed Cismaan Guudle
Mid kasta waxa la siiyey wax ka yar 2 daqiiq
Khubaro
Madaxbannaan
Saddex khabiir oo barnaamijka lagu casuumay dhammaantood waxay si isku mid ah uga soo horjeedeen Qaddiyadda Somaliland
👉 Isku-dheelitirka martidu wuxuu noqday 6 dhinaca Muqdisho ah vs 2 dhinaca Somaliland ah, taas oo si cad uga baxsan:
Anshaxa saxaafadda
Dhexdhexaadnimada
Xeerarka xirfadda warbaahinta caalamiga ah
𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥 𝐂𝐢𝐝 𝐊𝐚𝐥𝐞 𝐮 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚 (𝐏𝐫𝐨𝐱𝐲 𝐅𝐚𝐫𝐦𝐢𝐧𝐠)
Qaabka barnaamijka loo sameeyay ayaa Somaliland loogu talo galay inay u muuqato wakiil u shaqaynaya quwado kale taas oo keeni karta loollan ka dhaca gobolka.
Halka, baranaamijku si badheedh ah u qariyey in ay 𝐐𝐚𝐝𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐭𝐢𝐦𝐢𝐝 𝐫𝐚𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛, 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨, 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥 𝐝𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐛𝐮𝐮𝐱𝐝𝐚 𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐨 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝟑𝟎 𝐬𝐚𝐧𝐨.
Fariinta uu barnaamijku gudbinayo ayaa ah: 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐲𝐧 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐭𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥 𝐲𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐮 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚𝐲𝐚 𝐚𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐧𝐨 𝐜𝐢𝐝 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲.
𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐋𝐮𝐪𝐚𝐝 𝐗𝐚𝐦𝐛𝐚𝐚𝐫𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐰𝐪𝐢𝐟 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 (𝐏𝐫𝐞-𝐥𝐨𝐚𝐝𝐞𝐝 𝐋𝐚𝐧𝐠𝐮𝐚𝐠𝐞)
Barnaamijku si uu hoos uu ugu dhigo Qaddiyadda Somaliland uguna jiheeyo daawadayaasha hal aragti oo keli ah, waxa uu si ula kac ah u adeegsaday ereyo xambaarsan propaganda, sida: 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥 (إقليم) 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐨𝐨𝐧𝐢-𝐮-𝐠𝐨𝐨𝐬𝐚𝐝 (انفصالي).
𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐫𝐞𝐲𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐬𝐢 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧 𝐮 𝐭𝐢𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥 𝐚𝐚𝐧 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐚𝐝 𝐦𝐢𝐝 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐲𝐧 𝐬𝐢𝐝𝐚𝐚 𝐚𝐰𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐭𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐢𝐧 𝐥𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐚𝐝𝐨.
𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐛𝐛𝐚𝐧𝐞
(𝐕𝐢𝐜𝐭𝐢𝐦 𝐅𝐫𝐚𝐦𝐢𝐧𝐠)
Barnaamijku waxa uu Somaliya ka dhigay in ay tahay dhinaca sharciga ku taagan ee laga gardaran yahay, dhibbane ka ah xaaladda imika taagan.
Halka uu Somaliland uu ka dhigayo dhinaca gardarran ee ku xadgudbaya xaq Somaliya leedahay, doonayana inuu bedelo xaqiiqada jirta.
𝐗𝐚𝐪𝐢𝐢𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐝𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐋𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲 (𝐂𝐚𝐥𝐜𝐮𝐥𝐚𝐭𝐞𝐝 𝐎𝐦𝐢𝐬𝐬𝐢𝐨𝐧/ 𝐄𝐱𝐞𝐜𝐮𝐭𝐢𝐨𝐧)
Kooxda diyaarisay Barnaamijku si ay u jiheeyaan aragtida dadka daawanaya, una abuuraan sawir hal-dhinac ah, waxa ay si ula kac ah uga reebeen ama u qariyeen 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐚𝐦𝐚 𝐱𝐨𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐟𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐮 𝐚𝐡 𝐐𝐚𝐝𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 sida:
𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐢𝐢 1960 iyo duruufihii uu ku yimid.
𝐗𝐚𝐬𝐮𝐮𝐪𝐢𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐢𝐢 xukunkii Siyaad Barre ka geystay deegaannada Somaliland.
𝐃𝐢𝐛-𝐮𝐥𝐚-𝐬𝐨𝐨-𝐧𝐨𝐪𝐨𝐬𝐡𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐱𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐝𝐚 ee 1991.
𝐑𝐚𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐱𝐨𝐫𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐝𝐚 oo ay ugu coodeeyeen 97%.
𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 ee ka shaqayanayey Somaliland muddo 35 sano ah.
𝐃𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 ee hanaqaaday.
𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐬𝐢𝐥𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐚𝐲 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 kula nooshahay wadamada jaarka ah.
𝐐𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐡𝐨𝐫𝐞 𝐮 𝐡𝐚𝐲𝐧 𝐱𝐨𝐠 𝐤𝐮 𝐟𝐢𝐥𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚𝐧𝐢 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐠𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲𝐚 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐤𝐨𝐨𝐱 𝐟𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐠𝐨 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐱𝐬𝐚𝐧 𝐱𝐚𝐲𝐧𝐝𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚.
𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫 𝐊𝐡𝐚𝐥𝐝𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 (𝐒𝐡𝐚𝐲𝐝𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧 / 𝐃𝐞𝐦𝐨𝐧𝐢𝐳𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧)
Qodobkani waa ka ugu halista badan leh ee ay adeegsatay Al-jazeera, kaasi oo bulshada Somaliland ka dhigaya umad aan damiir lahayn, dano gaar ahna wata.
Waxa si gaar ah awoodda loo saaray suurto galnimada Saldhig Ciidan oo laga hirgaliyo Berbera iyo arrinka dadka reer Gaza, oo barnaamijku dhowr goor xusay in Somaliland loo soo rarayo.
Inkasta oo Somaliland ay ku celcelisay beeninta arrinka Gaza, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel-na uu si toos ah u sheegay waraysi uu bixiyey in ayn qabka ahayn heshiiska Somaliland iyo Israel, Haddana barnaamijku waxa uu si badheedha u soo qaatay warbixin ay diyaarisay warbaahin aan ahayn tii waraysatay Wasiirka si loo marin-habaabiyo bulshada daawanaysaa barnaamijka (Wasiirka waxa waraystay Channel 14, Barnaamijkuna waxa uu soo xigtay jariidadda la yidhaa TimesofIsrael).
𝐐𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐟𝐚𝐫𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐮 𝐱𝐚𝐦𝐛𝐚𝐚𝐫𝐬𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐢𝐛𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐬𝐚𝐰𝐢𝐫 𝐚𝐡 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 “𝐒𝐡𝐚𝐲𝐝𝐚𝐚𝐧” 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐭𝐮𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥 𝐝𝐞𝐠𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐦𝐮𝐭𝐚𝐲𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐨, 𝐥𝐚𝐧𝐚 𝐜𝐢𝐪𝐚𝐚𝐛𝐨.
𝐈𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐛𝐚𝐝𝐡𝐞𝐞𝐝𝐡 𝐛𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐮 𝐮 𝐱𝐮𝐬𝐢 𝐰𝐚𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐢𝐧 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐨 𝟑𝟓 𝐬𝐚𝐧𝐨 𝐚𝐡 𝐚𝐲 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐝𝐨𝐨𝐫 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐬𝐢𝐥𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐬.
𝐈𝐬-𝐛𝐚𝐫𝐛𝐚𝐫𝐝𝐡𝐢𝐠 𝐊𝐡𝐚𝐥𝐝𝐚𝐧: 𝐄𝐫𝐢𝐭𝐫𝐞𝐚, 𝐊𝐮𝐫𝐝𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐦𝐚𝐳𝐢𝐠𝐡 (𝐏𝐫𝐞𝐜𝐞𝐝𝐞𝐧𝐭 𝐏𝐚𝐧𝐢𝐜)
Mid ka mid ah farsamooyinka ay Al-Jazeera adeegsatay waxa ka mid ah in Qaddiyadda Somaliland lala simo, lalana xidhiidhiyo dhaqdhaqaaqyo kale oo aad uga duwan wax xidhiidh ahna aan la lahayn sida:
*𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐄𝐫𝐢𝐭𝐫𝐞𝐚.
𝐐𝐚𝐲𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐊𝐮𝐫𝐝𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐮 𝐧𝐨𝐨𝐥 𝐰𝐚𝐝𝐝𝐚𝐦𝐝𝐚 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪, 𝐒𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚, 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧.
𝐐𝐚𝐲𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐚𝐳𝐢𝐠𝐡 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐭𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐀𝐥𝐠𝐞𝐫𝐢𝐚.
Ujeeddadu ma aha in la sameeyo isbarbardhig sax ah ee waa in la cabsi galiyo bulshooyinka Carabta, Somalilandna laga dhigo khatar amni oo ku soo wajahan.
𝐊𝐡𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐌𝐮𝐮𝐪𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 (𝐏𝐫𝐨𝐟𝐞𝐬𝐬𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐋𝐚𝐩𝐬𝐞𝐬)
Qaabka Barnaamijka loo diyaariyey waxa ka muuqatay goldaloolooyin waaweyn oo ka baxsan anshaxa iyo xirfadda saxaafadda ( Ethics and professionalism), gaar ahaan warbaahinta Al-jazeera oo leh halku-dheg ay ku celceliso marwalba
“الرأي والرأي الآخر ”.
Khaladaadkaas waxa ka mid ah:
𝐃𝐡𝐞𝐞𝐥𝐥𝐢𝐭𝐢𝐫 𝐥𝐚’𝐚𝐚𝐧 xogta, dadka la waraysanayo iyo qaab loo sameeyay barnaamijka.
𝐈𝐬𝐤𝐚-𝐢𝐧𝐝𝐡𝐨𝐭𝐢𝐫𝐢𝐝𝐝𝐚 taariikhda iyo xaqiiqooyinka Qadiyadda Somaliland.
𝐁𝐮𝐮𝐧𝐛𝐮𝐮𝐧𝐢𝐧 aragti hal dhinac u janjeedha, ta kalena la qarinayo.
Fasiraad xogta la tebinayo qaab u adeegaya hal dhinac.
Qodobada iyo xogta barnaamijka lagu baahiyey oo loo qaabeeyay in ay hal dhinac u adeegaan.
Dhinaca Somaliland 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐬𝐢𝐢𝐧 𝐟𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝 𝐮𝐮 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐭𝐢𝐝𝐢𝐢𝐬𝐚.
Ujeeddada qoraalkani waa in uu bulshada Somaliland u iftiimiyo 𝐡𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐮𝐮 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐮𝐮 𝐮 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐨 𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐥-𝐉𝐚𝐳𝐞𝐞𝐫𝐚 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐡𝐚𝐲𝐬𝐨 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝, iyada oo marka horeba aynu la soconay in aanay dhexdhexaad ahayn.
Ugu dambayn, Al-Jazeera keli kuma aha dagaalka noocan ah ee waxa jirta warbaahinno kale oo wada dagaallo la mid ah ka Al-Jazeera. Sidaa awgeed, qof kasta oo reer Somaliland ah waxa ku waajib ah 𝐢𝐧 𝐮𝐮 𝐤𝐮 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐚𝐫𝐮𝐠-𝐬𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐨, 𝐱𝐨𝐠-𝐨𝐠𝐚𝐚𝐥𝐧𝐚 𝐮 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧-𝐡𝐚𝐛𝐚𝐚𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐡𝐚𝐲𝐨 𝐪𝐚𝐝𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢𝐬𝐚. "
Qore: Dr Cabdiweli Suufi.



