Marin-habaabinta Wararka iyo Dagaalka Xogta (Information Warfare)
- Dr. Abdiweli Soufi Jibril

- Jan 13
- 3 min read
Updated: Jan 18
Maxaa la Gudboon Muwaadinka Somaliland?
Jamhuuriyadda Somaliland maanta kuma jirto oo keliya loollan siyaasadeed, diblumaasiyadeed iyo mid amni; balse waxa ay si toos ah ugu jirtaa dagaal xogeed (Information Warfare) iyo marin-habaabinta wararka, gaar ahaan baraha bulshada oo si qorshaysan loogu beegsanayo Somaliland.
Dagaalkan la xidhiidha tebinta wararka iyo fasiraadda xogtu waa hubka casriga ah ee lagu jahawareerin karo bulshada Somaliland laguna dhaawaci karo wadajirkooda iyo isku-duubnidooda.

Ujeeddooyinka Dagaalka Xogta iyo Marin-habaabinta Wararka
Ujeeddooyinka dagaalkan noocan ahi waa badan yihiin, waxase ka mid ah:
In la wiiqo sharcinimada qaddiyadda Somaliland.
In la dhaawaco isku-duubnida iyo wada-jirka bulshada Somaliland.
In la abuuro xog-tebin (Narrative) aan jirin oo lagu marin-habaabinayo xaqiiqada dhabta ah ee jirta.Ā
Noocyada Marin-habaabinta Wararka iyo Dagaalka Xogta
War Been-abuur ah (Disinformation): Waa warar si ula kac ah loo sameeyo loona faafiyo, iyadoo looga gol leeyahay in bulshada lagu marin-habaabiyo, laguna saameeyo aragtidooda.
War Khaldan (Misinformation): Waa war aan sax ahayn oo la faafiyo, iyada oo cidda baahinaysaa aanay ujeeddo ka lahayn, isla markaana aanay ka war qabin saxnaanta warka ama raadka uu keeni karo.
Xog Sax ah oo si Khaldan loo Adeegsaday (Malinformation): Waa xog dhab ah oo si ula kac ah loogu adeegsado qaab ka duwan ujeeddadii loogu talo galay ama duruufihii keentay, si bulshada loo marin-habaabiyo.
Farsamooyinka (Tactics) Marin-habaabinta Wararka iyo Dagaalka Xogta:
Samaynta warar been-abuur ah oo aan jirin (Fake News).
Buun-buuninta dhacdooyin gaar ah si loo kiciyo dareenka bulshada (Emotion Manipulation).
Jarjarista muuqaal ama maqal (selective editing) si macne khaldan looga soo saaro.
Soo xulista hadallo ama qoraallo si gaar ahĀ looga leeyahay ujeedooyin siyaasadeed.
Leexinta hadal ku jiray khudbad ama wareysi si loo abuuro xaqiiqo aan jirin.
Soo celcelinta hadallo kicinaya qaybo ka mid ah bulshada.
Adeegsiga cinwaanno ama hordhacyo aan sax ahayn (clickbait). Tusaale ahaan (Bulshada Somaliland oo ku kala qaybsan Aqoonsiga ay heshay).
Samaynta dukumentiyo been-abuur ah oo loo ekaysiiyo kuwo rasmi ah.
Abuurista akoonno baraha bulshada ah (Social Media Accounts) oo sita magacyo la xidhiidha Somaliland oo laguĀ faafinayo warar dhaawacaya sumcadda dalka.
Isku-geynta muuqaallo ama maqal kala duwan loona ekaysiiyo in ay hal arrin ka hadlayaan (Audio-Visual Manipulation).
Maxaa la Gudboon Muwaadinka Somaliland?
Fahamka Marxaladda Cusub
Muwaadin kasta waa in uu ogaadaa in qoraal, cod ama muuqaal kasta oo ka baxa Somaliland uu si fudud u noqon karo war caalami ah (Global Trending). Baraha bulshadu maanta waa jiidda hore ee dagaalka xogta, sida awgeed wax kasta oo la baahinayo waxa uu saamayn karaa sumcadda dalka iyo wada-jirka bulshada.
Hubinta Wararka iyo Xogta
Hubi Isha Warka (source).
Raadi ugu yaraan laba ama saddex ilo oo kale oo warka tebiya.
Hubi taariikhda iyo goobta warka.
Ha ku ekaan cinwaan ama hordhac warka oo keli ah.
Hubi in muuqaalka ama maqalku uu dhamaystiran yahay oo aanu googoānayn ama aan wax laga beddelin.
Iska jir aad war ka qaadato dadka isticmaala calaamadaha, astaamaha, iyo naqshadaha (Media Impersonation) ay leeyihiin warbaahinta caanka ah ee la yaqaano, si loogu faafiyo warar aan sax ahayn iyada oo laga dhigayo in ay soo tabiyeen hayāadahaas warbaahineed.
Ka Fiirsashada Waxa la Qorayo ama la Odhanayo
Sida hadallada kala qaybinaya bulshada.
Sida wararka aan la hubin aan saxda ahayn.
Qaabka hadalka loo odhanayo iyo sida loo tabinayo.
Nooca xoga la faafinayo.
Doorka Maskaxda Macmalka ah (Artificial Intellengecny) ku leedahay dagaalka la Xidhiidha wararka iyo xogta:
AI-gu waxa uu si fudud u samayn karaa: qoraallo, codad, sawirro, iyo muuqaallo been-abuur ah (Deepfake, Voice Cloning, Audio-Visual Manipulation).
Calaamadaha lagu garto:
Maqal iyo muuqaallo la isu geeyay oo aan lahayn macne keli ah.
Cod aan la jaanqaadayn nuxurka hadalka ama u muuqda mid aan dabiici ahayn.
Sawirro wax laga beddelay oo ujeedo gaar ah laga leeyahay.
Muuqaal si gaar ah uga hadlaya hal qodob oo aan ku xidhnayn xaaladda guud (context).
Doorka Xukuumadda:
Si looga hortago in bulshada la marin-habaabiyo ama xog khaldan la soo gaadhsiiyo, waxa lagama maarmaan ah in xukuumaddu si joogto ah bulshada ula wadaagto wararka saxda ah iyo xogta dhabta ah ee ku salaysan xaqiiqada jirta, si loo hello fahamka guud oo laga midaysan yahay iyo xog-tebin (narrative) laga wada duulayo.
Gunaanad
Walalayaal, dhammaanteen waxa ina saaran masāuuliyad qaran ah in aynu hubinno xogta aynu ka helayno baraha bulshada, kana feejignaanno waxa aynu faafinayno. Dagaalka xogtu waa dagaal maskaxeed, difaaciisuna wuxuu ka bilaabmaa hubin, feejignaan, iyo ka-fiirsasho qoto dheer.



