Siyaasadda Xafiiska: Maxaa loola colooba Shaqaalaha Kartida Badan
- A Gallaydh Editorial

- Jan 29
- 4 min read
Goobaha shaqada qaarkood, kartidu ma keento abaalmarin—waxay kicisaa kalsooni-darro iyo coolaadin. Shaqaalaha daacadda ah ee waxqabadka leh badanaa laguma qiimeeyo hufnaantooda, balse waxaa lagu bartilmaameedsadaa shaambado sumcad-dil ah si loo wiiqo kalsoonidooda loogana hor istaago horumar ay keeni lahaayeen.
Shaqo waa meel kartidda lagu cabbiro, hufnaan lagu dhiso, lana filayo in qof walba ku helo qiimihiisa. Laakiin nasiib-darro, waaqica shaqooyin badan oo ka jira Somaliland—kuwa dawladeed iyo kuwa gaar loo leeyahayba—ma aha sidaas. Mararka qaarkood, haddii aad tahay qof dadaal badan, karti leh, daacad ah, oo shaqadiisa si hufan u qabta, halkii lagaa bogaadin lahaa waxaa laga yaabaa in lagula coloobo.

Arrintani kuma koobna xafiisyada dawladda oo keliya; waa dhibaato ku fiday xafiisyo badan oo gaar loo leeyahay iyo kuwaa hay'adaha caalamiga ah ba. Waxaa jira jiil ballaadhan oo shaqaale ah oo xilalka ku yimid waddooyin aan ku salaysnayn aqoon iyo karti, balse ku yimid qaraabo-kiil, magac-qoys, ama “heblaayo hebel baa dhalay.” Dad badan oo noocaas ah uma qalmaan boosaska ay hayaan, mana laha aqoonta, hufnaanta, iyo masuuliyadda ay shaqadu u baahan tahay. Sidaas awgeed, joogitaanka qof karti leh oo shaqadiisa si fiican u guta wuxuu u noqdaa muraayad ka tarjumaysa tabardarridooda soo na saarta kalsoonidarridooda.
Halkaas ayay mushkiladdu ka bilaabataa. Qofka dadaalaya, fikir cusub keenaya, ama wax hagaajinaya, wuxuu si toos ah ugu muuqdaa uu “khatar” nidaamkan ku dhisan fadhiidnimo iyo dan gaar ah. Shaqaalaha noocaas ah ma arkaan horumarka guud ee xafiiska; waxay arkaan oo keliya sida uu dadaalkaagu u wiiqayo kursigooda. Sidaas darteed, halkii ay kula shaqayn lahaayeen, waxay bilaabaan in ay kula xintamaan.
Marka la arko inaad tahay qof ka dhex muuqda shaqaalaha kale—afkaar cusub soo bandhigaya, hawlo hore u jiitamayay dhammaystiraya, ama hufnaan keenaya—hadal-heyntaadu iyo sumcad dil kaagu bilaabataa. Laguma weeraro si toos ah; balse waxaa lagula beegsadaa xantii xafiiska iyo aflagaaddo.

Waxaa lagu shaambadeeyaa magacyo si ula kac ah loo xulay:–
“Qof isla-weyn” – si loo muujiyo in kalsoonidiisu tahay kibir
“Qof qab-weyn” – si kartida loogu tarjumo is-muujin
“Qof wadashaqaynta ku xun” (difficult to work with) – inkastoo uu kaliya yahay qof shaqada si sax ah raba inuu uu guto
“Qof kaligiis isla saxsan” – si loo yareeyo fikirkiisa xirfadeed
“Qof ad-adag ama xidhxidhan” – marka uu diido khalad ama musuq
“Qof dadka amarrada ku celceliya” – marka uu masuuliyaddiisa gudanayo
“Qof maamulka rabba inuu iska dhaadhiciyo” – marka uu talo wax ku ool ah soo jeediyo
“Qof doonaya inuu is-muujiyo” – marka waxqabadkiisu muuqdo
“Qof xil doonaya ” – marka uu karti iyo hoggaan muujiyo
“Qof siyaasadaysan” – si looga shakiyo ujeedkiisa
“Qof aan dulqaad lahayn” – marka uu diido shaqo liidata
“Qof hadal badan” – marka uu xaqiiqda sheego
“Qof aan la qabsan karin jawiga xafiiska” – marka uu diido dhaqammo khaldan
“Qof dhibaato abuura” – marka uu su’aal geliyo khaladaad jira
Ujeeddadu waa: in hoos lagu dhigo, lagu niyad-jabiyo, ama lagaa hor istaago horumar kasta oo aad samayn karto. Xitaa mararka qaarkood, colaaddu kuma koobna shaqaale kula siman oo keliya; waxaa dhici karta in ay ka timaaddo cid kaa sarreysa, oo ka baqaysa in kartidaadu mar uun iftiimiso tabar-darridooda ama su’aal geliso sababta ay iyagu u joogaan halka ay joogaan.
Waa run, Somaliland waa dal shaqooyinku ku yar yihiin, qof kastana wuxuu u arkaa booskiisa mid la ilaashado. Laakiin marka difaacaasi isu beddelo cabbudhin karti iyo cadaalad-darro, wuxuu noqdaa cudur halis ku ah hay’ad kasta iyo mustaqbalka dalka laftiisa.
Si kastaba ha ahaatee, ma aha in la sawiro muuqaal madow oo keliya. Dad badan oo daacad ah, hufan, oo karti leh way jiraan, welina way shaqeeyaan. Laakiin dhibaatadan waa mid u baahan in laga hadlo, si gaar ahna loogu wacyigeliyo dhalinyarada shaqada ku cusub, kuwaas oo mararka qaarkood u qaata in dhibka ay la kulmayaan uu yahay fashil shakhsi ah, halkii uu ka ahaan lahaa cillad nidaamsan.
Haddaba, maxaa lagaa gudboon markaad la kulanto marxalad sidan oo kale ah? Jawaabtu ma aha caro, dagaal furan, ama niyad-jab. Jawaabtu waa adkaysi iyo daacadnimo. Sii wad shaqadaada si hufan. Cidna waji-xun ha tusin. Ha joojin dadaalkaaga. Ka dhig shaqadaada mid hadasha, adiga oo aan hadal badan ku bixin is-difaac. Haddii aad hayso shaqo dawladeed, xusuusnow in kursigu yahay mid ku-meel-gaar ah, balse sumcaddaadu tahay mid waarta. Shaqee adiga oo og in aad berri ka maqan tahay, balse waxqabadkaagu hadhi doono.
Haddii xadgudub sharci dhaco, ha ka aamusin—mari waddada sharciga. Laakiin mar walba, naftaada waxyaabaha qaar uu diid: diid xaasidnimada, diid niyad-jabka, diid in aad la mid noqotid kuwa ku colaadinaya. Kartidu dembi ma aha, dadaalkuna dembiile kama dhigo qofka.
Haddii kartidaadu cid kale dhibto, taas macnaheedu ma aha in aad khaldan tahay—waxay ka dhigan tahay in aad jidka saxda ah ku socoto.
Qoraalkan wuxuu ka mid yahay silsiladda Siyaasadda Xafiiska oo noqonaya tiir jooga ku ah Gallaydh.com— oo ah taxane falanqaynaya xaqiiqooyinka aan la sheegin ee goobaha shaqada.



