top of page

Af-Soomaaliga Ma Qori Karaa Qaranku?

Haddii aynaan carruurta barin sida loo qoro Af-Soomaali nidaamsan, waxaan luminaynaa agabkii ugu muhiimsanaa ee aqoon, dhaqan, iyo dawladnimo ku dhismayeen.


Waxaan ku faannaa in Af-Soomaaligu yahay luuqad hodan ah: suugaan aan dunida kale la mid ahayn, maahmaah miisaan leh, gabay iyo geeraar si qoto dheer u qaabeeya fikirka Soomaalida. Laakiin marka su’aashu noqoto “ma qori karnaa Af-Soomaali?”—qoraal dheer, fikir dhisan, dood leh, iyo hab aqooneed—halkaas ayay ka muuqataa dhibaato qarsoon oo muddo dheer nala socotay: qoraalku Af-Soomaaliga waxbarashadda lagu ma xuso.


graphic design depicting writing in somali. somali writing

Intii uu dalku ka soo kabanayay burbur, dagaal sokeeye, iyo kala daadsanaan bulsho, manhajka waxbarashada Somaliland marar badan ayaa la beddelay, marar badan ayaa dib loo habeeyey. Isbeddelladaas badankood waxay diiradda saareen maaddooyin, buugaag, iyo qaab-dhismeedka fasallada. Laakiin hal tiir oo aasaasi ah ayaa mar walba ka maqnayd: tababarka qoraalka Af-Soomaaliga.


Maanta, haddii aad qof kasta oo ku soo barbaaray waxbarashada casriga ah ee Somaliland weydiiso inuu qoro maqaal ama qoraal cilmiyeed oo kooban—iyadoo mawduucu sahlanyahay—dad badan waxay ku wareeri lahaayeen: halka laga bilaabo, sida fikirka loo kala hormariyo, sida weedh loo dhiso, sida caddayn loo keeno, iyo sida gunaanad loo sameeyo. Tani ma aha caajis ama karti la’aan; waa natiijo ka dhalatay nidaam aan waligiis ku tababbarin qorista.


Suugaan badan, qoraal yar


Fasallada Af-Soomaaliga waxaan ku barannaa suugaan badan: gabayo, sheekooyin, maahmaahyo, iyo qoraallo xambaarsan dhaqan. Taasi waa muhiim. Laakiin suugaantu kaligeed ma buuxin karto baahida. Haddii ardaygu uu “akhristo” gabay, balse uusan “qorin” fikirkiisa, uusan dhisin dood, uusan samayn warbixin, uusan sameyn sharaxaad, luuqaddu waxay ku ekaanaysaa xusuus iyo madadaalo—mana noqoto aalad aqooneed oo wax dhista.


Qoraalku waa halka luuqaddu ku noqoto cilmi, maamulka dawladnimada, waxbarashada jaamacadeed, iyo horumarinta bulshada. Qoraalku waa halka fikirku ka noqdo wax la xafidi karo, la wadaagi karo, lana saxikaro. Qoraalku waa meesha luuqaddu ku yeelato “xusuus qaran”: keyd warbixinno, doodaha siyaasadeed, daraasado, buugag xirfadeed, iyo xeerar.

Marka aynaan carruurta barin qorista, waxaan si dadban u sheegnay: “Af-Soomaali waa luuqad hadal iyo suugaan, laakiin ma aha luuqad shaqo iyo aqoon.” Taasi waa dhaawac weyn.


Qoraalku waa cabbirka aqoonta


Qoraalka ardayga ma aha kaliya xirfad luuqadeed. Waa cabbirka:

  • sida uu u fahmay casharka

  • sida uu u kala hormarin karo fikradaha

  • sida uu u aqoonsan karo daliil iyo dood

  • sida uu u isticmaali karo ereyo sax ah

  • sida uu u muujin karo faham qoto dheer


Ardayga aan qorin, waxa ku adkaanaysa inuu si qaan-gaar ah u fikiro. Waayo, qoraalku waa “fikir la qaabeeyey.” Marka ardayga la siiyo fursad uu ku qoro, maskaxdiisu waxay barataa nidaam, caddeyn, iyo tartiib.


Qoraalku ma aha masuuliyad manhaj kaliya


Dabcan, manhajka waa inuu qeexaa muhiimadda wax qorka, waa in la siiyaa miisaan iyo tixgelin rasmi ah. Laakiin xitaa haddii manhajku ka gaabsaddo, macallimiintu waxay leeyihiin awood ay ku billaabi karaan isbeddel dhab ah.


Waxaa si fudud loo samayn karaa:

  • Todobaadkii hal qoraal kooban (150–250 eray) fasalka Af-Soomaaliga

  • Hal maqaal bil kasta (300–500 eray) oo la hagaajiyo (draft + feedback + final)


Laakiin waxa ka sii muhiimsan: qoristu ma aha in ay ku koobnaato Af-Soomaaliga oo keliya.


Qoridda Af-Soomaaligu waa in uu galaa maaddooyinka kale


Waxbarashada casriga ahi waxay ardayga baraysaa in uu afkaartiisa ku muujiyo qoraal, cilmi kasta. Sidaas darteed, Somaliland waxay u baahan tahay in:

  • Culuumta bulshada (Social Studies) ay yeelato warbixino iyo falanqayn qoraal ah

  • Sayniska (Sciences) uu yeesho “lab report” Somali ah, hal mar semester-kii

  • Diinta iyo tarbiyadda (Islamic/values) loo qoro “reflection” iyo cashar-kooban

  • Xisaabta iyo STEM-ka loogu daro sharaxaad qoraal ah: “sideen u xaliyey?”


Hal mar semester-kii oo ardayga lagu yiraahdo “qor qoraal xirfadeed,” waxay ka beddeli kartaa habka uu u arko luuqadda.


Bulsho qori karta = qaran dhisan


Meel kasta oo dawladnimo laga dhiso, waxaa dhisa dadka wax qori kara:

  • codsiyo (applications), warbixinno, qorsheyaal

  • shuruuc iyo xeerar

  • daraasado iyo cilmi-baadhis

  • qoraallo siyaasadeed iyo dood dadweyne

  • buugag waxbarasho iyo manhajyo


Haddii bulshadda badankeedu ay ku adkaato qorista luuqaddeeda, waxay si dabiici ah ugu tiirsanaanaysaa luuqado shisheeye si ay u qorto wax kasta oo rasmi ah. Taasina waxay dhalisaa sinnaan la’aan: kuwa Ingiriis/Carabi ku fiican ayaa helaya fursadaha, kuwa kale na waa la riixayaa, inkasta oo ay maskax ahaan iyo karti ahaanba u qalmaan.


Maxaa nagu kalifay in aan Gallaydh.com Af-Soomaali ku qorno?


Mid ka mid ah sababaha aan u doorannay in Gallaydh.com lagu qoro Af-Soomaali—inkasta oo Ingiriisigu ka sahlan yahay, caalamkana si fudud u gaadha—waa in aan si toos ah uga qayb qaadanno dhismaha “qoraalka Af-Soomaaliga” ee casriga ah. Somaliland waxay u baahan tahay meel lagu arko Af-Soomaali aan ku koobnayn suugaan oo keliya, balse lagu qoro:

  • falanqayn

  • warbixin

  • aragti

  • talobixin siyaasadeed

  • dood qaran


Haddii aan mar walba u baxsanno Ingiriisi marka mawduucu noqdo “analysis” ama “geopolitics,” waxaan si dadban u qiraynaa in Af-Soomaaligu aanuu qaadi karin culayska afkaarta casriga ah. Gallaydh.com waxa uu doonayaa in uu jebiyo aragtidaas, kuna muujiyo in Af-Soomaali lagu qori karo qoraalo mug iyo miisan leh—si ardayga, macallinka, iyo muwaadinku u arkaan tusaale nool.


Gunaanad: Qoraalka Af-Soomaaligu waa amni qaran


Horumarinta Qoraalka Af-Soomaaligu ma aha arrin la dib dhigi karo ama lala sugi karo xaalad ku haboon; waa tiir aasaasi ah oo ay ku dhisan tahay jiritaanka qaranka. Waa dhismaha aqoonta, waa xoojinta dawladnimada, waa ilaalinta dhaqanka, waana albaabka ay dhalinyaradu kaga qayb qaadan karaan nolosha casriga ah.


Qaran aan carruurtiisa barin qorista luuqaddiisa hooyo, wuxuu si tartiib ah u luminayaa awoodda uu isku sharxi karo, isku difaaci karo, kuna dhisi karo mustaqbalkiisa. Qoraalku waa xudunta dawladnimada: sharci, waxbarasho, siyaasadda, cilmiga, iyo warbaahinta dhammaantood waxay ku tiirsan yihiin dad wax qori kara.


Haddii Somaliland rabto jiil qaran dhisa, waa in ay dhistaa jiil wax qori kara. Qoristu ma aha eray dhigid oo kaliya ; waa hab-fikir. Waana halkuu Af-Soomaaligu ku noqon luuqad hodon ku ah—hadal, suugaan, aqoon, iyo hoggaaminba.

bottom of page