top of page

Freedom House: Somaliland iyo Dimuqraadiyadda Gobolka

Qiimeynta Freedom House 2025 waxay muujinaysaa in Somaliland ay ka sarreyso inta badan dalalka gobolka, taas oo iftiiminaysa kala duwanaanshaha u dhexeeya aqoonsi caalami ah iyo dimuqraadiyad dhab ah.

Qiimeynta Freedom House 2025 ayaa noqotay mid si weyn u kala shaandhaysay sawirka dimuqraadiyadeed ee dalalka Geeska Afrika iyo kuwa ku xeeran. Iyadoo dalal badan ay sheegtaan dimuqraadiyad ama ay helaan aqoonsi buuxa oo caalami ah, haddana bulshadoodu aanay haysan xorriyad dhab ah.


Cabbirrada la isticmaalay oo kala ah—doorashooyin xor ah, xorriyadda hadalka, awoodda hay’adaha, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta—waxay si toos ah u muujiyeen halka ay dal walba ka taagan tahay.




Natiijadu waxay caddeysay in Somaliland, inkasta oo aan la aqoonsan, ay dhaqan-gelisay dimuqraadiyad ka bisil tan dalal badan oo la aqoonsan yahay. Tani waxay si gaar ah u iftiimisay is-diiddada u dhexeysa sharciyadda caalamiga ah iyo xaqiiqada dimuqraadiyadeed. Somalilandna waxay ka dhex iftiintay sawirkaas.





Kenya – 51/100

Kenya waa dalka ugu sarreeya gobolka marka la eego Freedom House, iyadoo haysata nidaam doorasho oo joogto ah tan iyo 1990-meeyadii. Inkasta oo ay jiraan rabshado iyo muran doorasho, haddana codbixintu waa mid toos ah, muwaadinkuna si toos ah ayuu u doortaa hoggaamiyihiisa. Maxkamadaha Kenya mararka qaar waxay awood u yeeshaan inay burburiyaan natiijooyin doorasho, taas oo muujinaysa madax-bannaani hay’adeed. Warbaahinta iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa firfircoon, inkasta oo ay wajahaan cadaadis siyaasadeed. Sidaas awgeed, Kenya waxaa loo arkaa dimuqraadiyad shaqaynaysa balse leh daldaloolo muuqda.



Somaliland – 47/100

Somaliland waxay gashay kaalinta labaad ee gobolka, taas oo ah guul dimuqraadiyadeed oo aan la iska indho tiri karin. Tan iyo horraantii 2000-meeyadii, waxay qabatay 5 doorasho madaxweyne iyo 3 doorasho baarlamaan, dhammaantoodna si toos ah, nabad leh, oo ay dadku codkooda dhiibteen. Xukunka si nabad ah ayaa loo kala wareejiyey, madaxweynayaal talada ku wareejiyey mucaaradkoodii. Inkasta oo ay jiraan caqabado sida dib-u-dhacyo doorasho iyo cadaadis saxaafadeed, haddana hannaanka guud waa mid la saadaalin karo. Marka la eego aqoonsi la’aanta, heerkan dimuqraadiyadeed wuxuu Somaliland ka dhigayaa tusaale goboleed.


Tanzania – 35/100

Tanzania muddo dheer waxaa lagu yaqaannay xasillooni siyaasadeed, balse xorriyadda siyaasadeed ayaa si tartiib ah hoos ugu dhacday. Doorashooyinkii u dambeeyay waxaa lagu tilmaamay kuwo aan tartan dhab ah lahayn, iyadoo xisbiyada mucaaradka la cabbudhiyey. Warbaahinta madax-bannaan iyo ururrada rayidka ah ayaa la kulmay xannibaado sharci iyo amni. Dowladda waxay xasilloonida u adeegsataa marmarsiiyo ay ku xakamayso siyaasadda. Freedom House waxay tan u aragtay xasillooni lagu helay xorriyad-dhimis.



Uganda – 34/100

Uganda waxa ay ku jirtaa xukun hal hoggaamiye ah tan iyo 1986, taas oo si weyn u wiiqday dimuqraadiyadda. Doorashooyin waa la qabtaa, balse natiijooyinkooda inta badan lama rumaysna. Mucaaradka waxaa lagu xakameeyaa xadhig, handadaad, iyo sharciyo adag. Ciidamada amniga ayaa door muuqda ku leh siyaasadda. Sidaas darteed, Freedom House waxay Uganda u aragtaa dal leh hannaan doorasho oo magac uu yaal uun ah.



Djibouti – 24/100

Jabuuti waa dal xasilloon amni ahaan, balse siyaasiyan aad u xidhxidhan. Madaxweynaha ayaa muddo dheer talada hayay, doorashooyinkuna si xor iyo xalaal ah uma dhacaan. Warbaahinta iyo mucaaradka waa la cabudhiyaa. Inkasta oo ay martigeliso saldhigyo ciidan oo caalami ah, haddana xorriyadda gudaha aad bay u liidataa. Freedom House waxay Jabuuti ku tilmaantay dal awooddu ku ururtay hal gacan.



Rwanda – 21/100

Rwanda waxaa lagu ammaanaa amni iyo nidaam, balse xorriyadda siyaasadeed waa mid aad u kooban. Xisbiyada mucaaradka waa la cabbudhiyaa, saxaafadduna ma aha mid xor ah. Doorashooyinka natiijadooda horay ayaa loo sii saadaaliyaa. Dowladda waxay mudnaanta siisaa xasiloonida halkii ay ka siin lahayd talo-wadaag. Taas ayaa hoos u dhigtay qiimeynta dimuqraadiyadeed.



Ethiopia – 18/100

Ethiopia waxay gashay marxalad dagaallo sokeeye iyo burbur hay’adeed. Isbeddelladii siyaasadeed ee la filayay sii buuxda umaysan hirgelin. Warbaahinta iyo ururrada rayidka ah ayaa aad loo cabbudhiyaa xilliyada cimiladda siyaasaddu kacsantahay. Xaaladaha degdegga ah ayaa noqday kuwo caadi ah. Freedom House waxay tan u aragtay dib-u-dhac weyn oo dimuqraadiyadeed.



Burundi – 15/100

Burundi waxay ku jirtaa xaalad cabbudhin siyaasadeed oo joogto ah. Doorashooyinkooda ma aha kuwo lagu kalsoonaan karo, sida ay Freedom House iyo ha'yadaha aduunku sheegan. Xadgudubyada xuquuqda aadanaha waa joogto. Mucaaradka iyo saxaafadda waa la aamusiyey. Taasi waxay Burundi ka dhigtay dal xorriyaddiisu aad u hooseyso.



Somalia – 8/100

Somalia waxay qiimeynta Freedom House ee aduunka kaga jirtaa gunta hoose, iyaddo oo ay tahay dal si buuxda loo aqoonsan yahay. Tan iyo 1960-meeyadii, Soomaaliya ma qaban hal doorasho oo toos ah oo ay dadku codkooda siiyaan, balse waxay qabsataa doorashooyin lagu galo taandho ku taal xeradda Xalane. Madaxweynaha waxaa doorta xildhibaano aan si toos ah loo dooran, kuwaas oo iyaguna ku yimid nidaam qabiil ku dhisan, ee aan ku salaysnayn cod dadweyne. Nidaamkan wuxuu ka fog yahay dimuqraadiyad, wuxuuna meesha ka saarayaa matalaadda shacabka. Taasi waa sababta Somalia ay uga hooseyso Somaliland marka la eego xorriyadda siyaasadeed.



Eritrea – 3/100

Eritrea waa dal gebi ahaanba nin uu xidhan. Ma jirto wax doorasho, ma jiro baarlamaan shaqeeya, mana jirto warbaahin xor ah. Xukunka waa mid keli-talisnimo ah. Muwaadiniinta lagama qaybgeliyo go’aan-qaadashada. Sidaas darteed, Eritrea waxay dimuqradiyadda ugu jirtaa meelaha ugu hooseeya adduunka.



South Sudan – 1/100

Koonfur Suudaan waa dalka ugu hooseeya qiimeynta Freedom House. Dagaal sokeeye, burbur dawladnimo, iyo qalalaase joogto ah ayaa ka jira. Ma jiro nidaam doorasho oo shaqeeya. Hay’adaha dawladdu waa kuwo liita. Xorriyadda muwaadiniinta si dhab ah looma cabbiri karo.






Dalalka Ka Soo Horjeeda Somaliland oo iyagu ka Xorriyad-Yar


Waxaa si gaar ah u muuqata is-diiddo siyaasadeed: laba ka mid ah dalalka ugu codka dheer ee ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland—Masar iyo Turkiga—ayaa iyagu si weyn ugu liita heerka xorriyadda. Labaduba waxay adeegsadaan saameyn istiraatiiji ah iyo dano goboleed si ay uga hortagaan Somaliland, balse Freedom House wuxuu muujiyey in dhibaatooyinkoodu ay ka bilaabmaan gudaha.


Turkey – 33/100

Turkiga wuxuu la kulmay hoos-u-dhac dimuqraadiyadeed oo weyn sannadihii u dambeeyay. Xukuumaddu waxay si adag u xakamisay warbaahinta, maxkamadaha, iyo mucaaradka. Saxafiyiin iyo siyaasiyiin badan ayaa xabsiyada ku jira. Doorashooyin way dhacaan balse jawigoodu xor ma aha. In Somaliland ay ka sarreyso Turkiga waxay si cad u muujinaysaa is-diiddada u dhexeysa awoodda iyo xorriyadda.




Egypt – 18/100

Masar waa dal leh xukun milatari oo adag. Doorashooyinka jira ma aha kuwo xor ah ama tartan leh. Mucaaradka waa la cabburaa, saxaafadduna waa la xakameeyaa. Maxkamaduhu ma laha madax-bannaani dhab ah. Si kastaba, Masar waxay si firfircoon uga soo horjeeddaa aqoonsiga Somaliland, iyada oo iyadu ku jirta xaalad xorriyad-yar.






Gunaanad


Inkasta oo Somaliland ay gaadhay heer dimuqraadiyadeed oo ka sarreeya dalalka gobolka intooda badan, haddana fursad horumar baa uu banaan. Dowladda Somaliland waa inay yarayso dib-u-dhacyada doorashooyinka, maadaama dib-u-dhac kastaa wiiqo kalsoonida nidaamka. Waa in la joojiyaa xadhigga saxaafadda, lana xaqiijiyaa xorriyadda hadalka. Nidaamka garsoorka waa in la xoojiyo si uu u noqdo mid madax-bannaan oo la isku halayn karo. Sidoo kale, hay’adaha dimuqraadiyadeed waa in la horumariyaa si loo sii xoojiyo talo-wadaagga iyo isla-xisaabtanka.


Haddii talaabooyinkan la qaado, Somaliland kaliya ma sii hayn doonto kaalinteeda, balse waxay noqon kartaa tusaalaha ugu cad ee dimuqraadiyad Afrika ka hana-qaadda—aqoonsi ha yeesho ama yaanu yeelan.


Freedom House 2025 waxay si cad u muujisay in Somaliland ay tahay dal dimuqraadiyad ahaan ka bisil inta badan gobolka, inkasta oo aan la aqoonsan. In ay ka sarreyso dalal awood leh oo si siyaasadeed uga soo horjeeda aqoonsigeeda waa xaqiiqo burinaysa doodda caalamiga ah ee ku salaysan aqoonsi keliya. Su’aasha maanta taagan ma aha in Somaliland u qalanto aqoonsi, balse waa goorma ayay dunidu aqbali doontaa xaqiiqada dimuqraadiyadeed ee cad ee hortaalla?




Guji linkigan si aad u gasho bogga Freedom House iyo khariidadda muujinaysa xorriyadda caalamka, una arag sida dalalka dunidu u kala sareeyaan: https://freedomhouse.org/explore-the-map?type=all&year=2025

bottom of page