top of page

Madaxweeyne Cirro Oo Gaadhay Wall Street

Updated: Jan 18

Madaxweyne Cirro ayaa The Wall Street Journal ku faahfaahiyey aqoonsiga Israel iyo doorka istaraatiijiga ah ee Somaliland ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maqaal taariikhi ah ku daabacay wargeyska caalamiga ah ee The Wall Street Journal, kaas oo ka mid ah wargeysyada ugu saamaynta badan dunida Galbeedka. Qoraalka madaxweynuhu waxa uu ahaa mid si xeel dheer u iftiiminaya qaddiyadda Somaliland iyo aqoonsiga ay dhawaan ka heshay dalka Israel.



Madaxweeyne Cirro waxa uu marka hore ka warramay taariikhda Somaliland iyo sidii ay 1960-kii u ahayd dal xor ah ka hor intii aanay la midoobin Soomaaliya. Waxa uu xusay in Israel ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyey ee aqoonsaday Somaliland xilligaas, isla markaana ay mar walba muujiyeen garab istaag ku salaysan qiyamka dimuqraadiyadeed.


Madaxweynuhu waxa kale oo uu dib u milicsaday xasuuqii ay taliskii Siyaad Barre u geysteen shacabka Somaliland dabayaaqadii 1980-meeyadii, isaga oo sheegay in Israel ay ka mid ahayd codadkii cambaareeyey tacaddiyadaas.


Madaxweeyne Cirro waxa uu maqaalka ku tilmaamay Somaliland dal ka badbaaday argagixisada, colaadaha sokeeye, isla markaana ku dhisan nidaam dimuqraadi ah. Waxa uu ka digay in Geeska Afrika uu maanta noqday goob ay ku loolamayaan quwado caalami ah sida Turkiga iyo Shiinaha, kuwaas oo doonaya in ay saameyn ballaadhan ka helaan Soomaaliya.


Waxa uu adkeeyey in Somaliland ay tahay lamaane amni iyo ganacsi oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana mudan in beesha caalamku ula macaamisho si ka duwan Soomaaliya.

Gunaanadka maqaalka, Cirro waxa uu sheegay inuu sugayo maalinta calanka Somaliland laga taago safaaradda Somaliland ee Israel, taas oo uu ku tilmaamay astaan muujinaysa in qaddiyadda Somaliland ay gashay marxalad cusub. Waxa uu intaas ku daray in dalal kale oo Afrikaan ah ay saf ugu jiraan aqoonsiga Somaliland.


Maqaalkani waxa uu muujinayaa istaraatiijiyadda cusub ee diblumaasiyadda Somaliland: in qaddiyadda dalka si toos ah loogu bandhigo warbaahinta caalamka, halkii lagu koobnaan lahaa wada-hadallo qarsoon.


bottom of page