Xadhigga Xasan Gallaydh iyo Hoos-u-dhaca Xorriyadda Saxaafadda ee Somaliland
Magaalada Gabiley ayaa Arbacadii, September 9, 2026, waxa ka dhacday dhacdo mar kale sawir taban ka bixisay xaaladda xorriyadda saxaafadda ee Somaliland, kadib markii ciidamada ammaanku ay xabsiga u taxaabeen Xasan Saleebaan Haaruun (Xasan Gallaydh), oo ah aasaasaha iyo tafatiraha guud ee shabakadda Gallaydh.com iyo Gallaydh TV.
Xasan Gallaydh ayaa laga soo qabtay magaalada Gabiley xilli uu ku gudo jiray safar shaqo, isaga oo halkaas u tagay ka qaybgalka xafladda qalin-jabinta ardayda Jaamacadda Timacadde. Xadhiggan ayaa si degdeg ah u dhaliyay cadho iyo cambaarayn ka timid daneeyeyaasha saxaafadda iyo xuquuqda aadanaha, waxaanu iftiimiyay xaqiiqada qadhaadh ee ay wajahayaan suxufiyiinta madaxbannaan ee ka hawlgala gudaha Somaliland.

Eedaha Booliska iyo Xaqiijin La'aanta
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in wariyaha loo haysto eedo la xidhiidha "faafinta warar been-abuur ah". Boolisku waxa ay sheegeen in eedaysanaha wax laga weydiiyay xogo uu ku baahiyay warbaahinta, balse uu waayay wax caddayn ah oo uu ku xaqiijiyo jiritaanka wararkaas.
"Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Xasan Saleebaan Haaruun (Gallaydh), oo ku eedaysan faafinta warar been-abuur ah. Eedaysanaha waxa loo diyaarinayaa in si degdeg ah loo horgeeyo hay'adaha sharciga si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga," ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay booliska.
Si kastaba ha ahaatee, boolisku may caddayn warka rasmiga ah ama faallada ay ku andacoonayaan in uu been-abuurka yahay, taas oo sii kordhisay shakiga laga qabo in xadhiggani uu yahay mid siyaasadaysan.
Sababta Dhabta ah: U-doodista Xorriyadda Saxaafadda iyo Dhaliisha Xukuumadda
In kasta oo boolisku ay sababta xadhigga ku tilmaameen warar been-abuur ah, xaqiiqada salka ku haysaa waxa ay u muuqataa mid aargudasho ah. Xadhiggan ayaa imanaya maalin keliya kadib markii Xasan Gallaydh iyo suxufiyiin kale ay magaalada Hargeysa ku qabteen shir jaraa'id oo ay xukuumadda ugu baaqayeen in xorriyaddiisii loo soo celiyo wariye Cabdiqani Xuseen Abokor (Baylood) oo isna dhawaan la xidhay.
Madashaas, Xasan Gallaydh waxa uu xukuumadda ku dhaliilay in Cabdiqani Baylood la xidhay iyada oo aan wax eed ah oo rasmi ah loo haysan, balse hadda la raadinayo sidii eedo macmal ah loogu samayn lahaa. Hadalka ugu xasaasisanaa ee madashaas laga jeediyay ayaa ahaa mid uu Xasan farta ku fiiqay is-beddelka weyn ee ku yimid Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo xisbigiisa. Wariyaha ayaa madasha ka yidhi,
"Madaxweyne Cirro markii uu mucaaradka ahaa, wariye uuna xabsiga ku booqan muu jirin."
Hadalkaas ayaa xusuusiyay dadweynaha sidii xisbiga Waddani uu xilligii uu mucaaradka ahaa ugu doodi jiray ilaalinta xorriyadda qawlka iyo difaaca madaxbannaanida saxaafadda, isaga oo maantana ku kacaya ficilladii uu shalay canbaaraynayay. Sidoo kale, waxa jira warar xooggan oo sheegaya in xukuumaddu ay si weyn u dhibsatay faallooyinka iyo barnaamijyada ka baxa Gallaydh TV, kuwaas oo si madaxbannaan oo dhiirran diiradda u saara arrimaha nolosha aasaasiga ah ee bulshada sida sicir-bararka, laydhka, caafimaadka, iyo falanqaynta hufnaanta shaqada xukuumadda.
Tani ma aha markii ugu horraysay ee Xasan Gallaydh loo xidho shaqadiisa suxufinimo. Xilligii xukuumaddii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wariyaha ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu tebiyay warar la xidhiidhay rabshado ka dhacay xabsiga dhexe ee Hargeysa. Arrintani waxa ay markhaati ka tahay in Gallaydh yahay wariye madaxbannaan oo aan ka gaban tebinta xaqiiqada dhabta ah ee jirta, iyada oo aan loo eegin madaxweynaha talada haya.
Hoos-u-dhaca Xorriyadda Saxaafadda iyo Rikoorka Xukuumadda Cirro
Xadhigga Xasan Gallaydh ayaa qayb ka ah olole ballaadhan oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda oo si xawli ah ugu soo kordhayay Somaliland. Laga soo bilaabo markii Madaxweyne Cirro uu talada dalka la wareegay sannadkii 2025, diiwaanka xad-gudubyada ka dhanka ah saxaafaddu waxa uu gaadhay heerkii ugu sarreeyay taariikhda dhow ee dalka. Xogaha la ururiyay ayaa muujinaya in ku dhawaad 47 wariye la xidhay intii ay jirtay xukuumadda hadda talada haysaa.
Tiradan naxdinta leh ayaa dhalisay dood weyn oo la xidhiidha awood-sheegashada xukuumadda iyo cidhiidhiga lagu hayo madaxbannaanida warbaahinta. Xisbiga Waddani ayaa xilligii uu mucaaradka ahaa waxa uu olole ballaadhan ku galay dhowrista xorriyadda hadalka, isaga oo xukuumaddii hore ku dhaliili jiray caga-juglaynta iyo xadhigga suxufiyiinta. Maanta, ficillada xukuumaddani waxa ay u muuqdaan kuwo gebi ahaanba baalmarsan ballanqaadyadii dimuqraadiyadeed ee ay shacabka u sameeyeen. In kasta oo Somaliland ay sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday madaxbannaani ka baxsan Soomaaliya, haddana sumcaddii dimuqraadiyadeed ee ay beesha caalamka kaga raadinaysay aqoonsiga ayaa ah mid si weyn u dhaawacmaysa maalinba maalinta ka dambaysa, sababo la xidhiidha falalkan isdaba-joogga ah ee lagu cabudhinayo codadka madaxbannaan.
Falcelinta Bulshada iyo Cambaaraynta Xadhigga
Xadhigga Xasan Gallaydh waxa uu dhaliyay cadho weyn iyo falcelin ballaadhan oo ka timid siyaasiyiinta, ururrada u dooda xuquuqda aadanaha, xisbiyada siyaasadda, iyo ururrada saxaafadda. Halkan hoose waxa ku xusan qaar ka mid ah shakhsiyaadka iyo hay'adaha ugu tunka weyn ee si adag u cambaareeyay falkan, uguna baaqay in wariyaha xorriyaddiisii loo soo celiyo:




