Xorriyadda Hadalka iyo Gacan-birta Xukuumadda: Maxaa Ka Dambeeya Weerarka Ka Dhanka ah Garyaqaan Guuleed Dafac?
- Hassan Gallaydh

- May 21
- 4 min read
Somaliland, oo in ka badan sodon sano ku faanaysay horumarinta dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka ee Geeska Afrika, ayaa hadda u muuqata mid wajahaysa imtixaan adag oo ku saabsan dulqaadka siyaasadeed. Xiisad xooggan ayaa ka dhalatay hadal hanjabaad ah oo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Maxamed Carab, kaas oo sheegay in xukuumaddu ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto garyaqaan uu ku eedeeyay inuu u adeego dano shisheeye, isla markaana uu shaki gelinayo madax-bannaanida iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.
Inkasta oo Wasiirku aanu madasha ka carabaabin magaca garyaqaanka, haddana bahda sharciga, saxaafadda, iyo dadweynaha ayaa isla markiiba fahmay in fallaadhaasi ku socoto Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac, oo si weyn loogu garan og yahay Guuleed Dafac. Eedeyntan culus ayaa timid wax yar uun kadib markii Guuleed uu bartiisa bulshada ku soo bandhigay falanqayn sharci iyo mid siyaasadeed oo uu su'aal kaga keenayo qorshaha xukuumadda ee ah in Safaaradda Somaliland ee Israel laga furo magaalada Qudus (Jerusalem).

Doodda Qudus iyo Qadiyadda Aqoonsiga
Si ka duwan sida ay xukuumaddu u dhigtay, doodda Garyaqaan Guuleed Dafac muu ahayn mid ka dhan ah heshiiska diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Israel. Taa beddelkeeda, muuqaalkiisa iyo qoraalladiisa waxa uu ku daah-furay inuu si adag u taageersan yahay aqoonsiga iyo iskaashiga labada dal. Walaaciisu wuxuu salka ku hayay dhinaca sharciga caalamiga ah (International Law) iyo istaraatiijiyadda diblomaasiyadda.
Guuleed wuxuu soo jeediyay in magaalada Qudus ay tahay goob uu ka taagan yahay muran caalami ah oo u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israel, isla markaana inta badan beesha caalamku (oo ay ku jiraan xulafada waaweyn ee Israel) ay safaaradahooda ka furteen magaalada Tel Aviv. Wuxuu ku dooday in Somaliland, oo iyaduba raadinaysa in beesha caalamku ay tixgeliso sharcigeeda iyo xuduudaheeda, ay tahay inaanay xilligan xasaasiga ah faraha la gelin muran dhuleed oo caalami ah, taas oo ka cadhaysiin karta dalalka Carabta iyo Islaamka ee Hargeysa ay weli xidhiidhka la leedahay. Sidaas darteed, wuxuu ku taliyay in safaaradda Somaliland laga furo Tel Aviv si looga fogaado cawaaqib xumo diblomaasiyadeed.
Dooddaas furan oo ah mid dastuuri ah oo muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu ka dhiibto aragtidiisa ku aaddan siyaasadda qaranka, ayaa xukuumaddu u fasirtay "shisheeye-kalkaalnimo" iyo diidmo liddi ku ah aqoonsiga, taas oo abuurtay dareen cabsi ah oo ku saabsan in la cabudhinayo madax-bannaanida fikirka.
Guuleed Dafac: Ma Mucaarad Qaran-diid ah baa, mise Wadani Dhaliil Jecel?
Eedeynta Wasiirka ee ah in Guuleed Dafac uu diiddan yahay aqoonsiga ayaa ah mid si weyn uga hor imanaysa sooyaalka garyaqaanka. Markii ugu horreysay ee lagu dhawaaqay is-afgaradka iyo aqoonsiga dhinaca Israel, Guuleed wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannada faro-ku-tiriska ah ee sida adag, cilmiyaysan, iyo geesinimada leh fagaareyaasha caalamka iyo warbaahinta uga difaacay go'aanka Somaliland.
Diiwaanka ayaa muujinaya in ka badan labaatan (20) doodood, wareysiyo, iyo maqaallo uu ku qoray luuqado kala duwan, kuwaas oo uu kaga hortagay borobagaandada iyo weerarrada diblomaasiyadeed ee kaga imanayay dhinaca Muqdisho. Aqoonyahanno badan iyo dadka la socda arrimaha bulshada ayaa qiraya in difaacii Guuleed ee maalmihii adkaa ee la shaaciyay aqoonsiga uu ka saameyn badnaa kana cilmiyeysnaa xataa dadaalkii inta badan xubnaha Golaha Wasiirrada.
Garyaqaan Guuleed, oo haysta shahaadada takhasuska sare ee PhD dhinaca sharciga, waa aqoonyahan ka soo baxay jaamacadaha waddanka isla markaana bare ka noqday. Noloshiisa xirfadeed wuxuu u huray u-doodista xuquuqal insaanka, ilaalinta sarreynta sharciga, iyo horumarinta hannaanka dawlad-dhiska Somaliland. Marna loogama baran inuu ku lug yeesho dhaqdhaqaaqyo qaran-diid ah ama uu u adeego ajendeyaal shisheeye. Taasi waxay sii xoojinaysaa su'aasha ah: Xukuumaddu miyay haysaa caddaymo dhab ah oo muujinaya eedahan, mise waa marmarsiiyo siyaasadeed oo lagu aamusinayo cod weyn?
Maxay Isku Seegeen Xukuumadda iyo Garyaqaanku?
Si loo fahmo xididdada dagaalkan, waa in dib loo raaco dhacdooyinkii u dambeeyay ee u dhexeeyay garyaqaanka iyo xukuumadda Madaxweyne Cirro. Guuleed Dafac muu ahayn uun qof daawade ah, balse wuxuu ahaa cod firfircoon oo naqdiya nidaamka. Bilowgiiba, wuxuu dhaliilay dhismaha Golaha Wasiirrada, isagoo su'aal geliyay tayada iyo khibradda xubnaha qaar.
Waxa uu sidoo kale hormuud ka ahaa ololayaal lagaga soo horjeedo musuqmaasuqa iyo sicir-bararka. Dhawaan, wuxuu si furan u naqdiyay heerka hufnaan-darrada maamul, isagoo tusaale u soo qaatay eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumaddu ay si degdeg ah u dhisteen guryo dhaadheer (G+1) muddo kooban oo ay xilka hayeen. Intaas waxa dheer, wuxuu si weyn uga horyimid go'aankii shirkadaha isgaadhsiintu ay ku kordhiyeen qiimaha adeegga internet-ka, isagoo abaabulay dareenka shacabka kana dalbaday xukuumadda inay difaacdo macaamiisha tabaalaysan.
Dulqaad-darrada Xukuumadda iyo Cawaaqibka Xorriyadda
Isku-darka dhaliilahan joogtada ah ee dhinaca adeegyada bulshada, maamul-wanaagga, iyo hadda oo uu ku daray faallaynta siyaasadda arrimaha dibadda, ayaa u muuqda inay buuxiyeen weelkii dulqaadka ee xukuumadda. Hanjabaadda Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa xambaarsan fariin khatar ah: in cid kasta oo su'aal gelisa, ama isku dayda inay toosinto go'aamada masiiriga ah ee xukuumadda, lagu shaambadayn doono "shisheeye-kalkaal" ama la kulmi doonto xadhig iyo cadaadis sharci.
Haddii xukuumaddu ay fuliso hanjabaaddeeda oo ay beegsato Garyaqaan Guuleed Dafac iyada oo u haysata inuu fikirkiisa cabbiray, waxay dhaawac weyn u gaysan doontaa sumcaddii dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku dhex lahayd beesha caalamka. Xilligan oo Somaliland ay dunida ka iibinayso aqoonsigeeda, hubka ugu weyn ee ay haysato waa in ay tahay qaran xor ah, sharci dhowr ah, oo ixtiraama madax-bannaanida fekerka.
Cabudhinta dhaliisha dhisani ma aha calaamad muujinaysa awood dawladeed, balse waa astaan muujinaysa jileec iyo kalsooni-darro maamul. Beesha caalamka, gaar ahaan dalalka dimuqraadiga ah ee Somaliland ay is-garab-taagga ka rajaynayso, ayaa si dhow isha ugu haya dhacdooyinkan. In sharciga loo adeegsado hub lagu aamusiyo codadka madaxa-bannaan waa waddo halis ah oo ay tahay in xukuumadda Madaxweyne Cirro ay ka fiirsato inta aanay qaadin tallaabo keeni karta cawaaqib-xumo gudaha iyo dibaddaba ah.



