top of page

Somaliland iyo Israel oo si Rasmi ah isku Dhaafsaday Danjirayaal

JERUSALEM (May 18, 2026) — Madaxweynaha Israel Isaac Herzog ayaa Isniintii qasriga madaxtooyada ee magaalada Jerusalem si diirran ugu qaabilay safiirkii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Israel, Dr. Maxamed Xaaji, kaas oo si rasmi ah ugu gudbiyay waraaqihiisa aqoonsiga diblomaasiyadeed.


Tallaabadan taariikhiga ah ayaa ku soo beegantay xilli Somaliland ay u dabbaaldegayso xuska 35-guurada ka soo wareegtay 18-kii May ee dib-ula-soo-noqoshada madax-bannaanideeda, taas oo madasha ka dhigtay mid xambaarsan macne qaran oo weyn.


Sida uu xusay Madaxweyne Herzog, madashan ayaa sidoo kale taariikhda gashay kadib markii kooxda muusigga ee madaxtooyada Israel ay markii ugu horraysay garaaceen astaanta qaranka Somaliland, arrintaas oo si weyn u farxad gelisay Safiir Maxamed Xaaji.


Somaliland and Israel Formally Exchange Ambassadors in Jerusalem

"Waxaan saaka farxad weyn ku qaabilay safiirkii ugu horreeyay abid ee Somaliland u fadhiya Israel, Dr. Maxamed Xaaji, oo i gudbiyay waraaqihiisa aqoonsiga," ayuu yidhi Herzog.
"Iskaashigan cusub ee muhiimka ah ee u dhexeeya waddamaheennu waxa uu horseedi doonaa mustaqbal wada-shaqayneed oo dhinacyo kala duwan leh - taas oo faa'iido u ah labadeenna shacab iyo guud ahaan gobolka."

Herzog ayaa sheegay in Israel ay si dhab ah u doonayso in ay Somaliland kala yeelato iskaashi buuxa oo taabanaya dhinacyada horumarka, tamarta, amniga cuntada iyo sayniska.

Sii Xoogaysiga Xidhiidhka iyo Sooyaalka Taariikheed

Dhankiisa, Safiir Dr. Maxamed Xaaji ayaa caddeeyay in xidhiidhka labada dal uu hadda marayo meel aad u sarraysa, isaga oo xusay in xidhiidhkasi furayo albaabo cusub oo lagaga wada shaqayn karo arrimaha siyaasadda, amniga iyo bulshada. Safiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in ictiraafka Israel ay shacabka Somaliland u arkaan guul weyn, isla markaana si ballaadhan dalka looga soo dhaweeyay.


Dr. Maxamed Xaaji waxa uu dib u xasuusiyay madasha sooyaalkii taariikheed ee labada waddan, isaga oo xusay in Israel ay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday madax-bannaanida Somaliland sannadkii 1960-kii markii dalku ka xoroobay Boqortooyada Ingiriiska.


Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa magaalada Jerusalem ku qaabilay Safiirka cusub, isaga oo bogaadiyay xidhiidhka laba geesoodka ah. Saar ayaa hambalyo u diray shacabka iyo dawladda Somaliland munaasabadda 18-ka May. Wasiirka ayaa adkeeyay inuu sii wadi doono xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, tallaabadan oo loo arko bilowga weji cusub oo ah xidhiidh diblomaasiyadeed oo toos ah.

Ahmiyadda Istaraatiijiyadeed ee Xidhiidhkan

Waraaqo gudbintan ayaa daba socota heshiis rasmi ah oo labada dal ay wada galeen bishii December ee sannadkii 2025, kaas oo Israel ay ugu dhawaaqday aqoonsigeeda Jamhuuriyadda Somaliland. Bishii la soo dhaafay, golaha wasiirrada Israel ayaa ansixiyay magacaabista Michael Lotem oo noqday safiirkii ugu horreeyay ee Israel u fadhiya Somaliland, in kasta oo uu xilligan yahay safiir aan deggenayn (non-resident ambassador), taas oo ka turjumaysa marxaladda hore ee geeddi-socodka diblomaasiyadda.


Bishii January, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Saar ayaa booqasho taariikhi ah ku yimid Somaliland, bishii xigtay ee February-na Somaliland ayaa ku dhawaaqday magacaabista Dr. Maxamed Xaaji.


Khubarada falanqeeya arrimaha gobolka ayaa aaminsan in xidhiidhkani xambaarsan yahay ahmiyad istaraatiijiyadeed oo qoto dheer. Dhulka Somaliland oo ku teedsan badda Cas isla markaana ka soo horjeeda Yemen, ayaa si weyn u soo jiitay indhaha Israel, gaar ahaan xilligan oo ay gobolka ka jirto khatarta kooxda Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto.


Masuuliyiinta Somaliland ayaa hore u xusay in iskaashiga Israel uu saldhig u noqon karo xidhiidh xagga amniga, sirdoonka, iyo iskaashi tiknoolajiyadeed. Dhankiisa, Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isna hore u caddeeyay in xukuumaddiisu ay si degdeg ah ula kaashan doonto Somaliland dhinacyada beeraha, caafimaadka, tiknoolajiyadda iyo kobcinta dhaqaalaha.


Munaasabaddan oo ahayd mid muhiim u ah fagaaraha diblomaasiyadda ee Israel, waxa sidoo kale Madaxweyne Herzog waraaqahooda aqoonsiga u gudbiyay safiirrada cusub ee dalalka Kuuriyada Koonfureed, Vatican-ka, Australia iyo Vietnam.

bottom of page