top of page

Djibouti: Maxaa Ka Dambeeya Mowqifkeeda Ka Dhanka ah Aqoonsiga Somaliland?

Marka hore, waa lama huraan in la fahmo xaqiiqo aan la dafiri karin: bulshada ku dhaqan Somaliland iyo Djibouti waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo taariikhi ah, dhaqan, qaraabo, iyo isfahan bulsho. Waa dad aad iskugu dhow marka loo eego guud ahaan bulshooyinka kale ee Soomaalida Geeska Afrika. Xiisad siyaasadeed oo soo baxda marna ma tirtirto xidhiidhkaas; khilaaf ha dhaco ama hadal adkaa ha la is weydaarsado, ugu dambayn waxa la isugu soo noqdaa qalbi furnaan iyo is-qaddarin.


Si kastaba ha ahaatee, siyaasadda dawladaha ma aha mid ku dhisan jacayl bulsho oo keliya. Waxa ay ku dhisan tahay dano qaran, cabsi istiraatiiji ah, iyo xisaab dhaqaale. Halkaas ayay ka dhalataa waxa lagu tilmaami karo “Is-diiddada Djibouti”: dal si dhab ah u aqbalay madax-bannaanida Somaliland (de facto), balse si adag uga soo horjeeda aqoonsi rasmi ah (de jure).


Arrintani markii hore waxay u ekaan kartaa is–khilaaf aan macquul ahayn, balse marka si qoto dheer loo lafa-guro, waxay noqotaa istiraatiijiyad aad u xisaabsan oo ku dhisan badbaadada iyo sii jiritaanka xukunka haatan ka taliya Djibouti.



Qayta 1AAD: Tageeridda Madaxbaanidda Somaliland


Ka hor inta aan si buuxda loo fahmin sababaha Djibouti uga soo horjeeddo aqoonsiga rasmiga ah ee Somaliland, waxaa lama huraan ah in dib loo jaleeco xaqiiqo taariikhi ah oo inta badan si ula kac ah loo iska indho tiro: Djibouti muddo dheer ayay u dhaqmaysey sidii dal si dhab ah u aqbalay jiritaanka Somaliland, xataa ka hor inta dalal badan oo gobolka ahi aysan u tixgelin wax ka baxsan “arrin gudaha oo Soomaaliyeed”. Taageeradan qarsoon ma ahayn mid hal mar dhacday ama ku kooban hadal diblomaasiyadeed oo mugdi ah, balse waxay ahayd mid ficil iyo hab-maamul ku dhisan, taas oo muujinaysay in Djibouti si qoto dheer u fahamsanayd xaqiiqada ka jirta Somaliland iyo Soomaaliya.


Baasaboorka Somaliland: Aqoonsi Aan Afka Laga Sheegin

Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu cadcad waxa ahaa baasaboorka Somaliland. Muddo sannado ah, Djibouti waxay ka mid ahayd dalalka yar ee muwaadiniinta Somaliland si sharci ah ugu geli jireen baasaboorkooda gaarka ah. Tani ma ahayn arrin fudud ama khalad farsamo; waa go’aan siyaasadeed oo si toos ah u muujinaya aqbalidda jiritaanka hay’ad dawladeed soo saarta dukumeenti safar. Dal kasta oo oggolaada baasaboorka dal kale, xitaa si aan rasmi ahayn, wuxuu aqbalayaa ugu yaraan jiritaanka nidaam sharci iyo hay’ad dawladeed oo ka dambaysa. Sidaas awgeed, Djibouti waxay ficil ahaan u aqoonsanayd Somaliland inay tahay hay’ad dawladnimo leh, inkasta oo aysan ku dhawaaqin aqoonsi buuxa.


Xidhiidh Diblomaasiyadeed

Arrinta labaad ee muujinaysa taageeradan qarsoon waa xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay labada dhinac. Djibouti waxay xafiisyo diblomaasiyadeed ku lahayd Hargeysa, halka Somaliland-na ay si la mid ah xafiis uga furnayd Djibouti. Inkasta oo aan loogu yeedhin safaarado rasmi ah, haddana xafiisyadani waxay ahaayeen kuwo si buuxda u shaqeeya, u fududeeya wada-shaqayn siyaasadeed, ganacsi, iyo mid bulsho. Xidhiidhkan noocan ah ma sameeyaan dalal u arka dhinaca kale “maamul goboleed aan jirin”; waa hab-dhaqan ay adeegsadaan dawladaha aqoonsan xaqiiqada dhabta ah, balse ka taxaddaraya cawaaqibta siyaasadeed ee ka iman karta tallaabo rasmi ah.


Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Waxaa intaa dheer, in siyaasiyiin iyo masuuliyiin Somaliland ah ay marar hore qaateen baasaboorrada diblomaasiyadeed ee Djibouti. Tani waa arrin ka sii qoto dheer aqbalidda baasaboorka caadiga ah. Baasaboorka diblomaasiyadeed waxaa la siiyaa shakhsiyaad loo arko inay matalayaan hay’ad siyaasadeed ama dawladnimo, waxaana la siiyaa si loo fududeeyo hawlo rasmi ah. In Djibouti ay tallaabadan qaadday waxay mar kale muujinaysaa in ay si hoose u aqoonsanayd doorka siyaasadeed ee Somaliland, isla markaana ay u arkaysay hoggaankeeda mid mudan in si gaar ah loola macaamilo.


Istiraatiijiyad Qaran

Dhammaan tallaabooyinkan marka la isu geeyo, sawirku waa mid cad: Djibouti marnaba ma ahayn dal diidan jiritaanka Somaliland ama ku doodaya in aanay waxba kaga duwanayn gobollada kale ee Soomaaliya. Taageeradaasi waxay ahayd mid deggan, xeeladaysan, oo ku salaysan dano la fahmi karo. Hase yeeshee, waxaa jiray xad cad oo Djibouti aysan marnaba ka tallaabsan: aqoonsiga rasmiga ah ee caalamiga ah. Halkaa ayay ku joogsatay, halkaa ayayna ka bilowdeen xisaabaadka culus ee istiraatiijiga ah.


Su’aasha dhabta ah ee isweydiinta mudan ma aha in Djibouti ay aqoonsanayd Somaliland iyo in kale, taasi hore ayay u caddaatay, ee waa maxay sababta ay u diiday tallaabada ugu dambaysa. Jawaabtu kuma jirto jacayl la’aan ama cadaawad toos ah, balse waxay ku jirtaa cabsi qoto dheer oo ku saabsan waxa dhici kara marka xaqiiqada Somaliland loo beddelo sharci caalami ah. Aqoonsigu wuxuu ka dhigan yahay in Somaliland ka gudubto heerka “saaxiib la maamuli karo” una gudubto heerka “dal la tartami kara”, taas oo si toos ah u taabanaysa danaha dhaqaale, amni, iyo xukun ee Djibouti. Sidaas darteed, Djibouti waxay dooratay waddo dhex-dhexaad ah: taageero dhab ah oo aan rasmi ahayn, iyo mucaaradnimo cod dheer marka la soo hadal qaado aqoonsi buuxa.


Tani waa waxa ka dhigay mawqifka Djibouti mid u muuqda mid is khilaafsan, balse marka si qoto dheer loo eego, ah istiraatiijiyad si fiican loo xisaabiyey, mid ku dhisan ilaalinta danaha qaranka, xitaa haddii ay ku timaaddo khilaaf muuqda oo lala galo deris aad isugu dhow.


Qaybta 2AAD: Sababta Ay uu Diidantahay Aqoonsi Rasmi Ah


Aqoonsiga Somaliland waa isbeddel qaab-dhismeed oo si toos ah u taabanaya nidaamka dhaqaale, amni, iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika. Sababta dhabta ah ee Djibouti uga soo horjeeddo aqoonsiga Somaliland, isla markaana ay haddana u aqbasho madax-bannaanideeda dhabta ah, waxa ay ku jirtaa cabsida ka dhalanaysa in deris la aqoonsan yahay uu si buuxda u shaqeeyo, taas oo burburin karta dhammaan tiirarkii ay ku taagnayd istiraatiijiyadda xukunka Djibouti.


Suuqa Itoobiya: Geerida “Monopoly-ga Qafaalan

Dhaqaalaha Djibouti wuxuu muddo dheer ku tiirsanaa hal xaqiiqo oo aan laga baxsan karin: Itoobiya ma lahayn marin badeed kale oo sharci ah. In ka badan 90% ganacsiga Itoobiya waxa uu marayay Djibouti, taas oo waddankaasi ka dhigtay albaabka keliya ee uu ka neefsado dal ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo qof. Xaaladdan “monopoly-ga qafaalan” ahi waxay Djibouti siisay awood aan caadi ahayn oo ay ku dejiso khidmadaha dekedaha, adeegyada gaadiidka, iyo kharashaadka logistics-ka, iyada oo aan ka baqayn tartan dhab ah.


Hase yeeshee, aqoonsiga Somaliland wuxuu xaaladdan ka dhigayaa mid taariikhda gasha. Marka Somaliland noqoto dal sharciyad leh, Dekedda Berbera waxay ka baxaysaa xaaladdii mugdiga ahayd ee aan la aqoonsanayn, waxayna isu beddelaysaa deked buuxda oo caalami ah, ay si kalsooni leh u isticmaali karaan shirkadaha maraakiibta, bangiyada, iyo hay’adaha caymiska. Maalgashiga tooska ah ee caalamiga ahi wuu kordhi doonaa, kaabayaasha dekedda waa la ballaadhin doonaa, waxaana la abuuri doonaa fursado cusub oo warshado iyo adeegyo ku xeeran dekedda.


Itoobiya, oo muddo dheer ku jirtay “xabsi juqraafi ah”, waxay markaas heli doontaa marin kale oo sharci ah, taas oo siinaysa awood ay ku kala doorto, ku gorgortanto, kuna hoos u dhigto kharashaadka ay hadda si khasab ah ugu bixiso Djibouti. Taasi micnaheedu waa in Djibouti luminayso awooddii ay u lahayd dejinta qiimaha, isla markaana dakhli malaayiin doolar ah uu si tartiib tartiib ah uga leexan karo.



Burburka “Kirada Istiraatiijiga ah” (Strategic Rent)

Isbeddelkaasi dhaqaale maaha oo keliya; waa mid amni iyo istiraatiiji ah. Djibouti waxa ay caan ku tahay martigelinta saldhigyo ciidan oo caalami ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maraykan, Shiinaha, Faransiiska, Japan, iyo Talyaaniga. Dhaqaalaha “kirada istiraatiijiga ah” ee ka dhasha saldhigyadan ayaa siinaya dakhli joogto ah, ilaalin dibadeed, iyo miisaan diblumaasiyadeed oo ka weyn cabbirka dalka. Sababta ay quwadahaasi Djibouti u doorteen waxay ahayd isku darka amni, sharci, iyo xaqiiqda ah in deriskeedu uusan lahayn beddel la aqbali karo. Laakiin aqoonsiga Somaliland wuxuu jebinayaa xeerkaas. Xeebteeda dheer, garoonka Berbera oo leh mid ka mid ah runway-yada ugu dhaadheer Afrika, iyo ku dhowaanshaha Bab el-Mandeb waxay ka dhigayaan Somaliland meel si dhab ah ula tartami karta Djibouti. Marka quwadaha waaweyn ay helaan ikhtiyaar kale, Djibouti ma sii ahaan karto “halka keliya ee suurtagalka ah”. Taasi waxay hoos u dhigaysaa awoodda ay ku go’aamin jirtay qiimaha kirada iyo shuruudaha, waxayna wiiqaysaa difaacii istiraatiijiga ahaa ee ay ku tiirsanayd.


Somaliland oo Noqota Muraayad Siyaasadeed

Si kastaba ha ahaatee, khatarta ugu weyn ee Djibouti ma aha deked ama saldhig dhakhligiis hoos uu dhac ku yimaado; waa tusaalaha siyaasadeed ee Somaliland noqoto marka la aqoonsado. Somaliland waxay muddo ka badan soddon sano ku dhisantay dawladnimo, iyadoo aan helin gargaar ballaadhan ama aqoonsi caalami ah. Waxay dhistay nidaam lacageed, amni, iyo dimuqraadiyad ku dhisan doorashooyin iyo wareejin xukun oo nabad ah.


Djibouti, dhanka kale, waa dal si adag loo maamulo, hal hoggaamiye hayay talada muddo dheer, hal xisbi ka talinayay tan iyo maalintii ee xoriyadeeda qaadatay, kana fog tartan siyaasadeed oo furan. Aqoonsiga Somaliland wuxuu noqonayaa caddeyn muuqata oo ah in goosasho ama kala-tag uu keeni karo dawlad shaqaysa, xasiloon, oo dimuqraadi ah. Tusaalahaas nool wuxuu halis ku yahay sheekada xukunka Djibouti, wuxuuna dhalin karaa su’aalo gudaha ah oo ku saabsan maamulka, awood-qaybsiga, iyo xuquuqda muwaadiniinta. Ma aha in Somaliland ay Djibouti ku duuli karto; waa in ay ku cabsi gelin karto isbarbardhig.



Qaybta 3AAD: Somaliland oo Madaxbannaan iyo Soomaaliya Daciif ah


Istiraatiijiyadda Djibouti waxay ku tiirsan tahay dheelitir aad u jilicsan: Somaliland waa inay noqotaa dal madaxbannaan si ay u wiiqdo Soomaaliya, balse aan marnaba loo oggolaan in ay noqoto dal si buuxda loo aqoonsan yahay. Djibouti, aragtideeda, Soomaaliya mideysan oo xooggan waa khatar u dhiganta, haddii aanay ka khatar badnayn, Somaliland la aqoonsaday.


“Soomaaliweyn”: Riyo Djibouti u Aragto Halis

Cabsida ugu weyn ee Djibouti ka qabto Soomaaliya xooggan waa soo noolaynta fikradda “Soomaaliweyn”—riyadii mideynta dhammaan dhulalka ay Soomaalidu degto: Soomaaliya, Somaliland, Djibouti, Soomali Galbeed ee Itoobiya, iyo Waqooyi-bari Kenya. Inkasta oo fikraddani maanta u muuqato mid laga guuray, haddana Djibouti waxay u aragtaa khatar mar walba suurtagal ah haddii Soomaaliya hesho xasilooni, awood ciidan, iyo midnimo.


Arrintan waxa sii adkeeya qaab-dhismeedka gudaha Djibouti lafteeda. Dalkaasi wuxuu ku dhisan yahay isku-dheellitir jilicsan oo u dhexeeya laba bulsho oo waaweyn: Issa (Soomaali) iyo Afar. Soomaaliya mideysan oo awood leh waxay si gaar ah u kicin kartaa dareenno ku saabsan midnimo, ama xataa sheegasho dhuleed oo ku wajahan Djibouti, taas oo si toos ah u halis gelinaysa jiritaanka qaranka Djibouti.


Waxaa intaas ka sii daran “riyada habeen madow” ee ay siyaasiyiinta Djibouti ka cabsadaan: xaalad ay Soomaaliya xooggan iyo Itoobiya isku af-gartaan qaybsiga Djibouti. Xaaladdan argagaxa leh, Soomaaliya waxay sheegan kartaa dhulka ay Soomaali-du ku badan tahay, oo ay ku jirto caasimadda Djibouti, halka Itoobiya ay la wareegi karto dhulka canfarta ee Tadjourah iyo Obock si ay u hesho marin badeed rasmi ah. Heshiis noocaas ahi, inkasta oo uu u muuqdo mid mala-awaal ah, haddana maskaxda istiraatiijiga ah ee Djibouti waa mid mar walba xisaabisa khatar kasta oo suurtagal ah.


Soomaaliya Daciif ah: Tartame Aan Jirin

Sidaa darteed, Djibouti waxay si miyir leh u dooratay istiraatiijiyad kale: Soomaaliya ha ahaato mid daciif ah, kala qaybsan, oo mashquul ku ah dhibaatooyinkeeda gudaha. Soomaaliya burbursan, oo u kala jaban Muqdisho, Puntland, iyo Somaliland, ma laha awood ay ku horumariso dekedaheeda, uguna faa’iidaysato xeebteeda dhererkeedu yahay 3,300km, taas oo ah tan ugu dheer Afrika dhul-weyne. Xeebtaas, marka ay Soomaaliya daciif tahay, waxay ahaanaysaa mid dhaqaale ahaan “dhimatay”.


Djibouti si cad uma doonayso inay la tartanto hal deris oo keliya sida Somaliland; waxa ka sii daran waa in ay la tartanto Soomaaliya mideysan oo leh shan ama lix dekedood oo ah—Muqdisho, Kismaayo, Hobyo, Boosaaso, iyo kuwo kale. Tartankaas, Djibouti kama badbaadi karto, maadaama ay tahay dal yar oo dhaqaale ahaan ku tiirsan dekedo oo keliya.



Somaliland oo “Buffer Zone” ah: Derbi iyo Gaashaan

Halkaas ayay Somaliland ka noqotaa qalab istiraatiiji ah oo xukunka Djibouti u adeegsado badbaadadeeda. Somaliland oo si dhab ah u madaxbannaan balse sharci ahaan aan la aqoonsan waxay u shaqaysaa sidii derbi juqraafi ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Djibouti. Inta Somaliland ku jirto xaalad “grey zone” ah, aan si buuxda u ahayn dal la aqoonsan yahay, waxay xaddidaysaa awoodda Soomaaliya ay ku gaadhi karto xuduudaha Djibouti ama ku muujin karto sheegasho qaran.


Isla markaana, xaaladdan dhinac uu kac ahayn (unrecognized) waxay hubisaa in Somaliland aanay noqon tartame buuxa oo sharci iyo dhaqaale ahaanba la mid ah Djibouti. Bangiyada caalamiga ah, shirkadaha caymiska, iyo hay’adaha sharciga ku shaqeeya weli way ka taxaddaraan maalgashiga buuxa ee dal aan la aqoonsanayn. Taasi waa waxa Djibouti rabto: Somaliland ha noqoto meel shaqaynaysa, balse aan dhamaystirnayn.



Gunnaad: Xisaab Qabow, Ma aha Nacayb

Sidaa awgeed, mawqifka Djibouti ee Somaliland iyo Soomaaliya ma aha mid ku dhisan nacayb, shucuur, ama xumaan gaar ah; waa xisaab qabow oo xukunkeedu isku badbaadinayo. Djibouti waxay rabtaa Soomaaliya oo taag-daran si aysan khatar ugu noqon jiritaankeeda, Somaliland-na meel madax-bannaan si ay u noqoto derbi ka celinaya Muqdisho, laakiin aan marnaba la aqoonsan si aysan u noqon dal si buuxda ula tartama Djibouti.


Tani waa “Iskhilaafka Djibouti”, Waa dheelitir khatar ah, balse ilaa maanta u shaqeeyay Djibouti, inkasta oo isbeddellada gobolka iyo dunida ay sii adkaynayaan in dheelitirkaasi sii jiro mustaqbalka.



Note:

Qoraalkan diiraddiisu waxa ay ahayd in si qoto dheer loo iftiimiyo cabsida, xisaabta istiraatiijiga ah, iyo khataraha ay Djibouti ka aragto madaxbannaanida iyo aqoonsiga Somaliland. Hase yeeshee, aqoonsiga Somaliland wuxuu sidoo kale yeelan karaa fursado istiraatiiji, dhaqaale, iyo amni oo Djibouti anfaca, haddii si ka duwan loo eego. Maqaal kale oo gaar ah ayaannu ku falanqayn doonnaa faa’iidooyinka ay Djibouti ka heli karto Somaliland la aqoonsaday, iyo sababta ay ugu baahan tahay inay dib u eegto istiraatiijiyaddeeda “dagaalka qabow” ee gobolka.


bottom of page