Yaa Beddelaya Ayatollah Ali Khamenei Kadib Duqaymihii Ruxay Tehraan?
- A Gallaydh Editorial

- Mar 2
- 6 min read
Hoggaanka sare ee Iiraan ayaa ku jira xaalad is-dhexyaac iyo degdeg ah si ay u helaan beddelka Hoggaamiyihii Sare Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo dalka xukumayay muddo 37 sano ah kahor intii aan lagu khaarajin duqayn lama filaan ah oo ay wadajir u fuliyeen Maraykanka iyo Israa'iil. Tani waa markii labaad oo kaliya taariikhda Kacaanka Islaamiga ah ee 1979 kii la dooranayo hoggaamiye sare oo cusub.
Liiska xubnaha loo saadaalinayo in ay xilkan qabtaan ayaa isugu jira wadaaddo mayal adag oo aaminsan in dagaalka reer Galbeedka la sii wado, iyo xubno qunyar socod ah oo raadinaya xal diblomaasiyadeed oo dalka go'doonka ka saara.

Waa Maxay Ayatollah, Maxaase Laga Rabaa Hoggaamiyaha Sare?
Fahamka loolankan waxa uu u baahan yahay in la ogaado waxa uu yahay 'Ayatollah' iyo awoodda Hoggaamiyaha Sare. Darajada "Ayatollah" oo afka Carabiga macnaheedu yahay (Aayaddii Ilaahay) waa maqaamka diineed ee ugu sarreeya mad-habta Shiicada. Si qofku u gaadho darajadan, waa in uu tobannaan sano ku qaataa barashada fiqiga, sharciga Islaamka iyo falsafadda, isaga oo noqonaya caalim awood u leh in uu soo saaro fatwooyin diineed oo la isku halleyn karo.
Sida uu qabo dastuurka Iiraan, Hoggaamiyaha Sare (Supreme Leader) waa in uu noqdaa wadaad haysta darajada Ayatollah. Shuruudaha kale ee looga baahan yahay waxaa ka mid ah in uu leeyahay caddaalad, geesinimo, awood maamul iyo faham qoto dheer oo ku saabsan siyaasadda casriga ah iyo tan caalamiga ah. Hoggaamiyaha Sare waxa uu leeyahay go'aanka kama dambaysta ah ee arrimaha masiiriga ah sida dagaalka, nabadda, maamulka ciidamada qalabka sida, iyo barnaamijka nukliyeerka ee dalkaasi isku hayo caalamka.
Awoodda doorashada shakhsigan waxaa leh Golaha Khubarada (Assembly of Experts), oo ah gole ka kooban 88 wadaad oo shacabku doorto siddeeddii sanoba mar. Hase yeeshee, musharaxiinta golahan waxaa marka hore si adag u shaandheeya Golaha Ilaaliyeyaasha Kacaanka (Guardian Council), taas oo xaqiijinaysa in dad daacad u ah nidaamka uun ay soo baxaan.
Guddiga Maamulka Ku Meel Gaadhka Ah
Inta laga dooranayo hoggaamiyaha cusub, dalka waxaa hagaya guddi maamul oo ku meel gaadh ah. Guddigan oo dalka ka saaraya dhibaatadii ugu weynayd ee soo marta tobannaan sano ayaa ka kooban Madaxweyne Masoud Pezeshkian, Madaxa Caddaaladda Gholamhossein Mohseni Ejei iyo wadaadka weyn ee Ayatollah Ali Reza Arafi. Sida uu Axaddii xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi, waxaa la filayaa in hoggaamiyaha cusub lagu dhawaaqo horraanta toddobaadkan.
Musharaxiinta Ugu Cadcad Ee Loo Saadaalinayo Xilka

Gholamhossein Mohseni Ejei: Xeer Ilaaliyaha Mayalka Adag
Ejei waxa uu soo ahaa Madaxa Caddaaladda ee Iiraan tan iyo bishii Julaay 2021, isaga oo kormeeraya dhammaan nidaamka garsoorka iyo siyaasadda sharciga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Kahor xilkan, waxa uu soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud (2009 ilaa 2014) iyo Wasiirka Sirdoonka (2005 ilaa 2009). Sidoo kale, waa xubin in badan ka tirsanayd Golaha Danta Qaranka (Expediency Discernment Council). Isku darka khibraddiisa sirdoonka iyo awooddiisa garsoorka ayaa ka dhigaysa musharax gacan bir ah ku qaban kara dalka xilligan adag.
Mowqifkiisa Iyo Siyaasadda Dibadda:Ā Ejei waa shakhsi si aad ah u mayal adag (ultra-hardliner) oo gabi ahaanba aaminsan in aan marnaba la aaminin reer Galbeedka. Marka loo barbardhigo Ayatollah Khamenei, Ejei waxa uu noqon lahaa hoggaamiye ka sii adag oo diiradda saara amniga gudaha iyo dhisida "gidaar bir ah" oo dalka ka ooda faragelinta shisheeye. Dabeecaddiisa ku dhisan sirdoonka iyo garsoorka adag awgeed, wuxuu aaminsan yahay in dublamaasiyaddu ay tahay dabin cadowgu u dhigay Iiraan. Khaliijka iyo reer Galbeedka wuxuu kula macaamili lahaa hanjabaad toos ah iyo in uu kooxaha wakiilada ah u maalgeliyo si ka xagjirsan sidii Khamenei, isaga oo u arka awoodda milatari luqadda kaliya ee caalamku fahmo.

Ayatollah Ali Reza Arafi: Maskaxda Shabakadda Diinta
Arafi oo xubin ka ah guddiga ku meel gaadhka ah waa caalim Shiico ah oo saameyn weyn leh. Sannadkii 2019, Khamenei ayaa shakhsiyan ugu doortay in uu ka mid noqdo Golaha Ilaaliyeyaasha Kacaanka, saddex sano kadibna waxa uu ku biiray Golaha Khubarada. Wuxuu maamulaa shabakadda madaariska diineed ee Iiraan, waana Imaamka Jimcaha ee magaalada Qom. Doorkiisa xulashada musharaxiinta siyaasadda iyo hoggaaminta waxbarashada diinta ayaa ka dhigtay udub dhexaad awoodeed oo aan la dhayalsan karin.
Mowqifkiisa Iyo Siyaasadda Dibadda:Ā Arafi waxa loo arkaa muxaafid ku adag diinta balse leh faham dhab-arag ah (pragmatic hardliner). Haddii isaga la doorto, waxa la filayaa in uu noqdo nuqul si weyn u shabaha Ayatollah Khamenei, isaga oo ilaalinaya xeerkii hore ee dalka. Si ka duwan xagjirka indhaha la', Arafi wuu fahamsan yahay baahida loo qabo in dalku dhaqaale ahaan neefsado si nidaamku u sii jiro. Sidaas darteed, in kasta oo uu si aasaasi ah uga soo horjeedo reer Galbeedka, wuxuu u oggolaan karaa madaxweynaha in uu wada-hadallo xaddidan la galo Washington si cunaqabataynta looga qaado dalka. Hase yeeshee, waligii kama tanaasuli doono saamaynta Iiraan ee Bariga Dhexe, isaga oo deriska kula dhaqmi doona diblomaasiyad ay weheliso awood muujin.

Hassan Rouhani: Qunyar Socodkii La Fogeeyay
Rouhani waxa uu ahaa Madaxweynihii Iiraan (2013 ilaa 2021) waana ninkii la saxeexday maamulkii Obama heshiiskii taariikhiga ahaa ee nukliyeerka, kaas oo madaxweyne Donald Trump uu markii dambe ka baxay. Wuxuu ka tirsanaa Golaha Khubarada ilaa 2024 markaas oo si lama filaan ah looga reebay in uu tartamo mar kale. Rouhani arrintaas wuxuu ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah ka qaybgalka siyaasadeed ee shacabka. In kasta oo xulafadiisii la wiiqay, in badan oo ka mid ah nidaamka dhexdiisa ayaa u arka wadaad dhab-arag ah oo dalka u furi kara wada xaajood lala galo reer Galbeedka.
Mowqifkiisa Iyo Siyaasadda Dibadda:Ā Rouhani waa astaanta garabka qunyar socodka ah (moderate) iyo siyaasi si dhab ah u aaminsan diblomaasiyadda furan. Marka loo barbardhigo Khamenei oo cadowtinimo qoto dheer u hayay Washington, Rouhani xulashadiisu waxay dalka u weecin lahayd jiho gabi ahaanba ka soo horjeedda tii hore. Wuxuu aaminsan yahay in badbaadada Iiraan ay ku jirto in ay la jaanqaaddo dhaqaalaha adduunka kana baxdo go'doonka. Siyaasaddiisa dibaddu waxay diiradda saari lahayd in si degdeg ah heshiis lala gaadho Maraykanka iyo in la qaboojiyo xiisadda waddamada Khaliijka. Rouhani wuxuu kooxaha wakiilada ah u arkaa qalab lagu gorgortamo miiska wada-hadallada, halkii ay ka ahaan lahaayeen caqiido ma guurto ah oo nafta loo huro sidii uu Khamenei u arki jiray.

Hassan Khomeini: Dhaxalka Aasaasihii Kacaanka
Khomeini waa in awoow u ah aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Ayatollah Ruhollah Khomeini. Waxa loo arkaa shakhsi qunyar socod ah balse waligii xafiis dawladeed ma qaban, isaga oo maamula dhismaha xabaashii awoowgiis ee Tehraan. Hay'adda falanqaynta ee (Council on Foreign Relations) ayaa aaminsan in magacaabistiisu ay noqon karto buundo isku xidha nidaamka kacaanka iyo garabyada doonaya isbeddelka. Khubaradu waxay soo jeedinayaan in xulashadiisu ay baabbi'in karto go'doonka caalamiga ah ee dalka, isla markaana ay dejin karto cadhada shacabka gudaha.
Mowqifkiisa Iyo Siyaasadda Dibadda:Ā Khomeini waxa uu matalaa garabka isbeddel doonka, isaga oo taageero weyn ka haysta dhalinyarada iyo indheergaradka dalka. Haddii uu xilka qabto, siyaasaddiisu waxay noqon lahayd isbeddel taariikhi ah oo cirka iyo dhulka u jira aragtidii Khamenei. Halka Khamenei uu xoogga saarayay "dhoofinta Kacaanka" iyo faragelinta gobolka, Hassan Khomeini waxa uu u xagliyaa siyaasadda "deris wanaagga" iyo in xoogga la isugu geeyo xallinta mashaakilka gudaha Iiraan. Dalka wuxuu u furi lahaa reer Galbeedka, isaga oo aaminsan in sharcinimada nidaamka lagu badbaadin karo oo keliya in shacabka la siiyo xorriyad kana fogaanaya isku dhacyada milatari ee kharashka badan ee burburiyay xidhiidhkii Iiraan iyo waddamada Carabta.

Ayatollah Mohammed Mehdi Mirbagheri: Xagjirka Aaminsan Hubka Nukliyeerka
Mirbagheri waa wadaad weyn oo si weyn ay u taageeraan garabka mayalka adag, wuxuuna xubin ka yahay Golaha Khubarada. Wuxuu xidhiidh dhow la lahaa Ayatollah Mohammad Taghi Mesbah Yazdi oo dhintay, kaas oo aaminsanaa in Iiraan ay tahay in ay samaysato "hub gaar ah" oo uu ula jeeday hubka nukliyeerka. Mirbagheri waxa uu hadda madax ka yahay Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Qom oo ah xarunta ugu weyn ee tacliinta Iiraan. Haddii isaga la doorto, waxay calaamad u noqon doontaa in Iiraan ay gabi ahaanba xidhay albaabadii diblomaasiyadda.
Mowqifkiisa Iyo Siyaasadda Dibadda:Ā Mirbagheri waa wadaad matala garabka ugu xagjirsan uguna khatarta badan Iiraan (Ultra-hardliner). Fikirkiisu waa mid aad uga fog uguna mayal adag kii Ayatollah Khamenei. Halka Khamenei uu mararka qaar oggolaan jiray diblomaasiyad xaddidan isla markaana uu soo saaray fatwo diidan samaynta hubka nukliyeerka, Mirbagheri waxa uu fagaaraha ka aaminsan yahay in Iiraan ay tahay in ay si buuxda u samaysato hubka wax gumaada si ay isku difaacdo. Wuxuu aaminsan yahay in gabi ahaanba la iska xidho reer Galbeedka oo aan wax xidhiidh ah lala yeelan. Hoggaamintiisu waxay gobolka Khaliijka u horseedi lahayd xasarad joogto ah, isaga oo dalka gelin lahaa dagaal furan oo uu u arko mid lagama maarmaan u ah sarraynta caqiidadiisa. Dalalka deriska ah wuxuu kula macaamili lahaa cabsigelin toos ah, isagoo gobolka oo dhan gelinaya khatarta dagaal nukliyeer ah.
Xubnaha Kale Ee Loo Saadaalinayo
Inkasta oo aanay safka hore kaga jirin tartanka ugu culus, haddana magacyadan ayaa ku jira liiska gaaban ee loo tixgelin karo xilka Hoggaamiyaha Sare haddii la isku mari waayo musharaxiinta waaweyn:
Mojtaba Khamenei:Ā Waa wiilka labaad ee uu dhalay Ali Khamenei. In kasta oo uu saameyn qarsoon oo aad u weyn ku dhex lahaa ciidamada Ilaalada Kacaanka iyo sirdoonka, doorashadiisa ayaa ah mid aad u adag maadaama aabbihii uu hore u diiday nidaamka dhaxaltooyada, awooddiisiina ay wiiqantay kadib burburkii gaadhay xarumihii taliska.
Ayatollah Ahmad Khatami:Ā Waa wadaad aad u mayal adag oo caan ku ah khudbadaha kulul ee ka dhanka ah Maraykanka iyo Israa'iil ee uu ka jeediyo salaadda Jimcaha ee Tehraan. Waxa uu xubin ka yahay Golaha Khubarada, balse khibraddiisa maamul ee maareynta hay'adaha dawladda ayaa aad u xaddidan marka loo eego xubnaha kale.
Ayatollah Sadeq Larijani:Ā Waa madaxii hore ee caddaaladda Iiraan, waana walaalka Cali Larijani oo isna ah dublamaasi weyn. In kasta oo uu yahay khabiir si qoto dheer u yaqaanna sharciga diinta, sumcaddiisa siyaasadeed ayaa hoos u dhacday sannadihii u dambeeyay kadib markii ashkhaas ku dhow dhow lagu eedeeyay kiisas la xidhiidha musuqmaasuq.



