top of page

Hawada Somaliland ee La Handaday: Maxay Wasaaradda Duulistu Uga Aamusan Tahay Tallaabooyinka Muqdisho?

HARGEYSA (August 16, 2026) Xoghayihii hore ee Duulista iyo Hawada ee Xisbiga Waddani xilligii ay ku jireen mucaaridka, Cabdikariim Cali Baarjeex, oo ah khabiir ku xeel-dheer arrimaha duulimaadka iyo maamulka hawada, ayaa soo saaray qoraal xasaasi ah oo falanqayn qoto-dheer ku samaynaya hab-maamulka duulista iyo madaarrada Somaliland. Baarjeex waxa uu si qotodheer u taxay arrimo dhowr ah oo uu ku tilmaamay fashil iyo habacsanaan maamul oo ka dhex muuqata xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), gaar ahaan Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland.


Khabiirka ayaa farta ku fiiqay tallaabooyin is-daba-joog ah oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ku majarahabaabinayso madaxbannaanida duulimaadyada Somaliland, iyada oo ku soo rogtay shuruuc cunaqabatayn ah shirkadaha caalamiga ah ee yimaada Hargeysa, halka xukuumadda Somaliland ay ka gaabisay in ay qaaddo tallaabooyin adag oo lagaga hortagayo damacaas Muqdisho.


Somaliland Airspace Dispute: Aviation Expert Details Mogadishu Encroachment & Ministry Inaction | Gallaydh.com


Qodobada muhiimka ah ee khabiir Baarjeex soo bandhigay ayaa kala ah:


1. Masaxidda Magaca Somaliland ee Nidaamka Diyaaradaha

Waagii hore, marka uu qofku tigidh ka goosanayo mareegaha rasmiga ah (online) ee shirkadaha flydubai iyo Ethiopian Airlines isaga oo u socda magaalada Hargeysa, waxa u soo bixi jirtay meesha uu u socdo (destination) oo u qoran Hargeisa, Somaliland. Hase yeeshee, Dawladda Soomaaliya ayaa ku amartay shirkadaha diyaaradaha ee yimaada Somaliland in ay nidaamkooda goosashada tigidhada (booking system) ka masaxaan magaca Somaliland, kuna beddelaan magaca Soomaaliya.


Amarkaas ka soo baxay Muqdisho, labadaas shirkadood ee flydubai iyo Ethiopian Airlines si toos ah ayay ugu hoggaansameen una fuliyeen. Waxa ay magacii Somaliland ku beddeleen Soomaaliya, waxaana hadda marka aad tigidh goosanayso nidaamka ku jira oo keliya magaca Soomaaliya oo ku lamaan Hargeysa (Hargeisa, Somalia) halkii uu hore uga ahaan jiray (Hargeisa, Somaliland).


Tallaabadani waa dafiraad qaawan oo ay shirkadahaasi ku sameeyeen jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay ahayd arrin qaran oo mudan in si adag loola xisaabtamo. Nasiib-darro, markii arrintaasi soo baxday, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland ma ay qaadin wax tallaabo adag ah oo ay kaga hortagayso ama ku hor istaagayso, hawshaasi iyo ku-xad-gudubkaasina sidaas ayay ku hirgaleen.

2. Gacan-gelinta Liiska Rakaabka (Passenger Manifest)

Waxa ku xigtay in Dawladda Soomaaliya ay shirkadaha diyaaradaha ee flydubai iyo Ethiopian Airlines ka dalbatay in loo soo gudbiyo nuqul ka mid ah magacyada iyo liiska rakaabka (Passenger Manifest) ee diyaaradaha u raacaya Hargeysa, Somaliland.

Shirkadihii diyaaradaha ee caalamiga ahaa isla markiiba way fuliyeen amarkaas uga yimid Muqdisho, iyaga oo aan xataa wargelin, wax wadatashi ahna la samayn Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland. Tallaabadan ayaa keentay in Soomaaliya ay si fudud ugu gacan-gasho xogtii qarsoodiga ahayd ee muwaadiniinta reer Somaliland. Nasiib-darro weyn, wasaaraddeena duulistu waxba kama ay odhan arrintaas, waxaana uu amarkaasi ku dhaqan-galay si buuxda.

3. Ku-takrifalka Xogta Shakhsiga ah ee (Advance Passenger Information - API)

Mar kale, Soomaaliya waxa ay shirkadaha diyaaradaha ka dalbatay in loo soo gudbiyo dhammaan macluumaadka shakhsiga ah ee laga ururiyo dhoofayaasha marka ay tigidhada diyaaradaha goosanayaan, ama ay yimaadaan madaarka iyo miiska hubinta dhoofka (check-in counter) si ay isu diiwaangeliyaan una qaataan warqadda raaca diyaaradda (boarding pass).


Macluumaadkan oo loo yaqaanno (Advance Passenger Information - API), xogta ku duugan waxa ka mid ah: magaca oo dhammaystiran, jinsiyadda, lambarka baasaboorka, goorta la bixiyay, xilliga uu dhacayo, goobta iyo taariikhda dhalashada, goobta deganaanshaha iyo xogo kale oo xasaasi ah. Xogtan waxa caadiyan loo sii diraa maamulka ka jira dalka uu qofku u socdo, waxaana ku hawlgala qaybo kala duwan oo dawladdaas ka tirsan sida madaarrada oo ku xisaabtama tirada dadka, socdaalka (immigration) oo hawshooda qabsada, iyo laamaha sirdoonka oo liiska shaandheeya cidii ay u baahdaanna marka ay soo degaan tallaabo ka qaada.


Haddaba, qofka u socda Hargeysa iyo Somaliland, ma jirto sabab macquul ah oo macluumaadkiisa shakhsiga ah loogu diro dal kale, looguna gacan-geliyo hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Tani waa khatar toos ah oo ku wajahan amniga iyo bed-qabka muwaadiniinta Somaliland. Nasiib-darro, hawshaas khatarta amni ah Wasaaradda Duulistu waxba kama ay qaban, mana ay joojin, sidaas ayaanay ku fushay.

4. Canshuurta Horumarinta Madaarrada Soomaaliya ee $30

Intaas kuma ay joogsan Soomaaliya, balse qof kasta oo ka baxaya Hargeysa una socda Muqdisho, iyo qof kasta oo ka soo duulaya Muqdisho una soo socda Hargeysa, waxa dusha laga saaray lacag dhan $30 oo lagu magacaabay "Airport Development Fee" oo loogu talagalay in lagu dhiso laguna dayactiro madaarrada Soomaaliya.


Lacagtan oo qof kasta tigidhkiisa lagu daro, waxa qaada oo ururiya shirkadaha diyaaradaha, dabadeedna waxay ku wareejiyaan Dawladda Soomaaliya. Mar kale, wasaaraddeena duulista oo arrintaas si buuxda uga warqabtaa waxba kama ay qaban, mana ay joojin lacagtaas laga qaadayo reer Somaliland ee lagu dhisayo madaarrada Soomaaliya, ilaa maantana arrintaasi way socotaa.

5. Dhibaatada E-Visa, Nidaamka eTAS iyo Bahdilaadda Qurbejoogta

Soomaaliya, iyada oo ka faa'iidaysanaysa tallaabooyinkii hore ee cunaqabataynta ahaa ee u hirgalay, waxa ay samaysatay nidaam dal-ku-gal lagu bixiyo oo loo yaqaan e-visa. Waxa ay ku wargelisay dhammaan shirkadaha diyaaradaha, oo ay ku jiraan kuwa yimaada Somaliland, in aanay soo qaadi karin qof aan sidan e-visa oo lacagtiisu tahay $60. Muddo yar kadib, waxa ay soo rogeen nidaamka oggolaanshaha safarka ee elektaroonigga ah (Electronic Travel Authorisation System - eTAS), kaas oo keenaya in xataa qofka oo sita fiisaha dalka loo diidi karo in uu diyaaradda ka soo raaco madaarka uu joogo.


Arrintani waxa ay si toos ah u saamaysay muwaadiniinta reer Somaliland ee sita baasaboorrada qalaad ee u socday dalkooda hooyo, kuwaas oo ku xanibmay garoomadii ay ka soo dhoofi lahaayeen sida Dubai iyo Addis Ababa.


Hawshani waa mid culeyskeeda leh, waana khatar amni oo xogtii muwaadiniinta Somaliland ay ugu gacan-galayso dal shisheeye. Waxa ay culeys dhaqaale ku keentay qurbejoogtii, waxayna meel-ka-dhac ku tahay qaranimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo sababtay in qurbejoog badani ay dalkoodii u iman waayaan caqabaddan awgeed. Wasaaraddeena Duulistu wax dhab ah kama ay qaban arrintan, marka laga reebo qoraallo aan shaqaynayn iyo shirar jaraa'id oo madhan, waana caqabad ilaa maanta taagan.


Toddobaadkii hore, xilli ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu xusayso Toddobaadka Qurbejoogta Somaliland, aniga iyo dad badan oo qurbejoog ah oo diiday in ay qaataan e-visa-ha Soomaaliya waxaanu soo marnay jidka dhulka ah ee Addis Ababa, Jigjiga iyo Wajaale. Waxaanu xannibaad iyo baadhitaan dhib badan kala kulannay magaalo qaran, halka hoolka weyn ee qaboojiyayaasha leh ee huteelka Serena ay ka socotay maaweelada xafladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.


Wakhtiga arrimahan aan kor ku soo sheegay oo dhami dhacayeen, ma mucaaradka baa dalka mas'uul ka ahaa mise xukuumadda talada haysa? Wasaaradda Duulista Hawadu sidan ha isu dhaanto, waayo shacabku isbeddel dhab ah iyo waxqabad muuqda ayay sugayaan, waana ta ay codkooda ku bixiyeen.


Xogta Qoraaga:

Cabdikariim Cali Baarjeex waa Khabiir sare oo ku xeel-dheer arrimaha Duulista iyo Hawada, ahna Mulkiilaha Machadka Arrimaha Duulista iyo Hawadda Sky Aviation Consultant.

Waxa uu hore u soo noqday Xoghayihii Duulista iyo Hawada ee Xisbiga Waddani.

Wixii faahfaahin dheeraad ah booqo: skyavicon.com

bottom of page