E-Visa: Somaliland iyo Diblomaasiyadda Duulimaadka
- Hassan Gallaydh

- Jan 7
- 2 min read
Updated: Jan 18
Aqoonsiga Israel kaddib, Somaliland waxa horyaalla fursad ay ku muujiso madax-bannaanideeda, iyadoo si adag uga jawaabaysa shirkadaha duulimaadka ee weli ku takri-fala nidaamka e-Visa ee Soomaaliya.
Muddo dheer, Somaliland waxa ay ku hawlanayd halgan diblomaasiyadeed oo ku dhisan adkaysi, degganaansho iyo qancin. Waxay dooratay waddo ka fog sawaxan, kuna salaysan dhismaha hay’ado, nabad, iyo kalsooni caalami ah. Laakiin mararka qaar, qaddiyaddu uma baahna kaliya dulqaad; waxa ay u baahan tahay go’aan cad iyo tallaabo muuqata. Arrinta e-Visa-ga iyo sida shirkadaha duulimaadku ula dhaqmaan Somaliland maanta waa tusaale cad.

Inkasta oo Somaliland ay leedahay nidaam e-Visa u gaar ah, haddana qaar ka mid ah shirkadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Garoomada Hargeysa iyo Berbera waxay weli ku khasbaan rakaabka inay qaataan e-Visa-ga Soomaaliya. Tani ma aha arrin farsamo oo keliya; waa ku tumasho siyaasadeed oo si toos ah u dhaawacaysa madax-bannaanida Somaliland.
Arrintu waxay sii yeelatay miisaan cusub kaddib aqoonsigii dhawaan ay Israel siisay Somaliland. Aqoonsigu ma aha warqad la dhigto armaajo; waa fursad la adeegto. Waa qalab siyaasadeed, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed. Haddii Somaliland ay doonayso in ay dunida tusiso in aqoonsigu yahay wax la taaban karo, waa inay ka bilowdaa meelaha ugu muuqda: duulimaadka, fiisaha, iyo xuduudaha hawada.
Maanta, diyaarad kasta oo ku timaadda Somaliland iyada oo aqbashay e-Visa-ga Soomaaliya waxay si dadban u sheegaysaa in Somaliland aysan lahayn nidaam sharci ah oo u gaar ah. Taasi waa fariin khaldan oo sii wiiqaysa dadaalka qaranka.
Haddaba, Somaliland waxa ay u baahan tahay siyaasad cusub oo ka ad-adag tii hore:
Shirkad kasta oo diidda e-Visa-ga Somaliland waa in laga joojiyaa hawada Somaliland.
Lama aqbali karo “ganacsi caadi ah” oo ku dhisan dayacaad siyaasadeed.
Duulimaadku ma aha kaliya gaadiid; waa aqoonsi.
Isla markaana, maamulka Somaliland waa inuu fursadda Israel ka faa’iidaystaa si xeeladaysan. Halkii la sugi lahaa shirkado hore u dayacay qaddiyadda Somaliland, waa in la bilaabaa wadahadallo lala yeesho shirkadaha duulimaadka Israel, si loo furo xariiqyo cusub oo toos ah ama transit ah. Taasi waxay Somaliland siinaysaa laba faa’iido:
Inay muujiso in ay leedahay xulashooyin kale.
Inay dhisto xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo ku dhisan ixtiraam.
Caalamka maanta waxa uu ku shaqeeyaa cadaadis iyo dan. Qofka aan difaacan nidaamkiisa, cid kale uma difaacdo. Somaliland haddii ay ogolaato in shirkado ku shaqeeya dalkeeda ay iska indho-tiraan sharcigeeda, waxa ay si tartiib ah u luminaysaa dooddeeda aqoonsi.
Diblomaasiyadda casriga ahi kuma koobna hadallo uun; waxa ay ku jirtaa go’aanno saameyn leh. Diyaarad la joojiyo mararka qaar way ka miisaan badan tahay war-saxaafadeed.
Ugu dambayn, su’aashu ma aha in Somaliland ay awood u leedahay inay tallaabo qaaddo; su’aashu waa: ma doonaysaa inay dunida tusiso in madaxbannaanidu tahay wax la dhaqangeliyo, ee aan la baryin?
Haddii jawaabtu tahay haa, markaa e-Visa-ga iyo shirkadaha duulimaadka waa meesha ugu horreysa ee laga bilaabo.

