Ethiopia Oo Dhisaysa Garoon Taariikhi Ah
- Hassan Gallaydh

- Jan 10
- 1 min read
Updated: Jan 18
Mashruuc $12 bilyan ah oo la dhammeynayo 2030 ayaa Ethiopia ka dhigi doona xarunta duullimaadyada Afrika, kuna xoojin doona hoggaankeeda gaadiidka cirka.
Dawladda Ethiopia ayaa si rasmi ah u guda gashay dhishamaha garoonka ugu weyn qaaradda Afrika kaas oo 28 KM u jira magaalada Addis ababa. Garoonkan oo dhismihiisa la dhammaystiri doono sannadka 2030-ka, waxa ku baxaysa 12 Bilyan oo Dollar Maraykanka, waana mashruucii labaad ee Ethiopia hir geliso qarnigan 21aad ka dib biyo xidheenkii la dhammeeyey sannadkii hore.

26 kun oo shaqaale ah ayaa ka hawl geli doono marka la dhammeeyo garoonkan oo ay gacanta ku hayso shirkadda diyaaradaha ee Ethiopia Airlines. Waxaana markiiba adeegsan doona 270 diyararadood oo loo diyaariyey goobihii la dhigi lahaa.
In ka badan 110 Milyan oo Rakaab ahĀ ayaa la qorshayey ee in sannad kasta ay adeegsadaan garoonkan ugu weyn qaaradda Afrika.
Tan ayaa Ethiopia ka dhigaysa in ay noqoto xarunta duullimaayada qaaradda Afrika, waxaana ay xudun u noqon doontaa dhammaanba duullimayda isaga gooshaya waddamada Caalamka ee ka baxaya ama ku soo degaya qaaradda Afrika.



