top of page

Warqad Furan: Toosin iyo Tilmaan ku Wajahan Culayska Dhaqaale Ee soo Kordhay

Tan iyo markii ay bilaabantay colaadda Bariga Dhexe, gaar ahaan bad-xidhanka marinka muhiimka ah ee Hormus, dunida waxa soo food saartay werwar,, culays dhaqaale oo baaxad leh. Sidoo kale,Ā  waxa hoos-u-dhac ku yimid xaddiggii ganacsiga shidaalka caalamka, kadib markii ay meesha ka baxeen ku dhowaad 20 milyan oo foosto oo maalintii ka gudbi jirey marin biyoodkaas. Isbeddelkani wuxuu saameyn taban ku yeeshay isu-socodkii badeecadaha, wax-soo-saarkii wershadaha, iyo noloshii maalinlaha ahayd ee bulshooyinka caalamka.


Read the KAAH Open Letter by Chairman Mohamud Hashi Abdi on Somaliland's 2026 economic crisis.

Dalalka dunidu, iyagoo la tacaalaya culayskan soo kordhay, waxay qaadeen tallaabooyin degdeg ah oo kala duwan. Tusaale ahaan, dalalka horumaray, sida Maraykan iyo Jabbaan, waxay fasaxeen siina daayeen kaydadkoodii shidaal, halka dalalkaĀ  qaarkoodna ay dhimeen cashuurihii la saari jirey shidaalka islamarkaana kabeen kharashaadkii ku baxayey shidaalka sida gaarka ah u taabanaya qoysaska dan yarta ah, gaadiidka muhiimka u ah isu-socodka bulshada iyo isu-gudbinta badeecadaha gudaha (diesel).Ā  Dalalkaasi waxa ka mid ah Hindiya, Kiiniya, Thailand iyo Itoobiya. Tallaabooyinkani waxay ka qayb qaateen xakamaynta dhibaatooyinkii la soo dersay dawladahan, waxayna tusaale cad u yihiin habka ay u dhaqmaan dawladaha xil-kaska ah ee aan hoggaamintoodu ahayn mid sabool ah.


Waxa nasiibdarro weyn ah in xukuumaddu aannay qaadin talaabooyin wax ku ool leh oo ay ku xakamaynayso qiimaha shidaalka, sicir-bararka iyo sarif-bararka xadhkaha goostay. Gudaha JSL qiimaha foostadii petrol ahi waxay maraysaa $215, halka qiimaha foostada diesel ka ahina gaadhay $165 (low diesel) ilaa $175 (high diesel). Isugeynta cashuurta iyo kharashaadka adeega kaydka, halkii foosto ee petrol ah waxa saaran $22.10, halka foostadii diesel ka ahaydna la saaray kharash dhan $19.22. Tabaabushe la'aanta iyo talo xumada xukuumaddan waxa markhaati u ah inaysan wax cashuur-dhimis ah u samaynin shidaalka ilaa maanta, islamarkaana aannay la iman qorshe sar go'an oo wax ka qabato culayska dhaqaale ee ay la tiicayaan bulshada JSL.

Haddaba, si aynnu uga gaashaamanno marxalladdan uguna diyaargarawnoĀ  dhibaatooyinka mustaqbalka, waxa lagama maarmaan ah in aynnu la nimaadno qorshe cad oo hufan, islamarkaana, xukuumad ahaan iyo shacbi ahaanba, aynnu qaadno tallaabooyinkan soo socda:


1. Waa in dawladdu cashuur dhimis degdeg ah u samayso shidaalka dalka soo gelaya, islamarkaana ay kabto shidaalka u gaarka ah gaadiidka muhiimka u ah isu-socodka dadweynaha iyo daabulka badeecadaha daruuriga ah.


2. Dawladda waxa waajib ku ah inay si ku meel-gaadh ah u hakiso kharashaadka dawladda ee aan daruuriga ahayn (austerity measures), islamarkaana kharashaadkaa loogu leexiyo meelaha muhiimka ah oo ay ka mid tahay kabka shidaalka iyo hirgelinta tallaabooyinka aynnu xusnay;


3. Dawladda waxa laga doonayaa in ay abuurto xeerar iyo hannaan degdeg ah oo lagu dardargelinayo maalgelinta tamarta cagaaran, sida qorraxda, iyo dabaysha, taasi oo hoos u dhigaysa ku tiirsanaanta 100% ku dhow ee tamarta shidaalka;


4. Dawladda waxa marxalladdan waajib ku ah xoojinta wax-soo-saarka cuntada gudaha, dhiirigelinta beeraleyda yaryar, horumarinta waraabka iyo ka faa'iideysashada biyaha roobka xilli-roobaadka, horumarinta tamarta cagaaran, iyo dhiirigelinta iyo suuqgeynta wax-soo-saarka gudaha;


5. Dawladdu waa inay qaadato siyaasad dhalingeddis ku samaysa habka aynnu u dhaqanno xoolaheenna noolĀ  (transformative policy). Fadhiisinta xoolaha iyo abuurista seerayaal casri ahi waxay kordhinaysaa tirada xoolaheenna, waxayna kor u qaadaysaaĀ  tayada cadkooda iyo caanahooda.


6. Shacbigeenna waxa la gudboon in xoog la saaro tabaca beeraha ee baadiyaha. Sidoo kale, qoysaskeennu waa inay guryahooda ku beertaan dallagyada ku bislaada mudada kooban.


7. Qoysaskeenna waxa la gudboon isticmaalka wax-soo-saarka maxalliga ah si loo yareeyo saamaynta sicir-bararka ku dhacay cuntada dibedda laga keeno. Cuntadeenna maxalliga ah oo aynnu isticmaalno waxay tashiilaysaa kharashaadka ka baxa qoysaskeena, waxayna sidoo kale yaraynaysaa lacagta adag ee dalkeenna ka baxaysa;


8. Shacbiga waxa la gudboon inay bartaan dhaqammada wanaagsan ee tashiilka iyo wax-keydsiga, in la adeegsado gaadiidka dadweynaha lana wadaago safarrada gaagaaban, in la isticmaalo tamar yar, iyo in waxyaabaha gudaha laga soo saaro la iibsado.

Ugu danbeyn, casharka ugu weyn ee laga baranayo qalalaasahan waa in amniga tamarta iyo cuntadu yihiin laf-dhabarta xasilloonida dhaqaale ee dal leeyahay. Sidaa darteed, waxaan ku baaqayaa inaynu, dawlad ahaan iyo shacbi ahaanba, si qotodheer ugu diyaargarawno sidii aynnu adkaysi dhab ah ugu yeelan lahayn marxalladaha iyo duruufaha adag ee caalamku galay. Guntii iyo gebogabadii, waxaan leeyahay, tabaabushe fiican, tacab badan, iyo hoggaamin tolmoon ayuu qaran ku tanaadi karaa.


Allaa Mahad Leh

Guddoomiyaha Xisbiga KAAH,

Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi

bottom of page