Sababta Ay Somaliland U Xakamayn Kari Wayday Sicirka Shidaalka
- Hassan Gallaydh

- Mar 27
- 3 min read
Updated: Mar 28
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland ayaa ugu dambayn qaadatay go'aankii ay shirkadaha iyo kaalmaha shidaalku ku kordhiyeen sicirka maceeshadda, iyada oo si rasmi ah u soo saartay wareegto lagu go'aamiyay in halkii litir ee baatroolka ah lagu iibiyo 12,500 oo shilin. Tallaabadan ayaa muujinaysa in wasaaraddu ay ka tanaasushay amarkeedii hore ee ahaa in shidaalka lagu iibiyo 9,700 oo shilin.
Tashiga Iyo Isbedbedelka Caalamka
Wasaaraddu waxay sheegtay in go'aankan ay qaadatay kadib markii ay wada tashiyo yeesheen ganacsatada dalka, isla markaana ay qiimayn qoto dheer ku samaysay isbedbedelka suuqyada caalamka. Si kastaba ha ahaatee, qiimo kordhintan rasmiga ah ayaa ku soo beegmaysa xilli maanta uu yara hoos u dhacay qiimaha shidaalka ee suuqyada dunida, lana filikarin in hoos u dhacaasi uu sii socdo maalmaha foodda inagu soo haya.

Xaqiiqada Dhaqaalaha Xorta Ah Iyo Xaddidaadda Awoodda Dawladda
Si loo fahmo sababta ay xukuumaddu ugu guuldarraysatay in ay meelmariso qiimihii hooseeyay ee ay hore u soo saartay, waa in la eego xaqiiqada qallafsan ee nidaamka dhaqaalaha xorta ah (Free Market Economy) iyo awoodda dhabta ah ee dawladda.
Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa si cad u tilmaamaya in dawladda iyo shacabkuba ay tahay in ay fahmaan in xukuumaddu aanay awood buuxda u lahayn go'aaminta iyo xakamaynta qiimaha shidaalka.
Dhaqaalaha Somaliland waa mid si buuxda ugu tiirsan suuq xor ah, halkaas oo shirkado gaar loo leeyahay ay iska leeyihiin silsiladda saadka ee laga soo bilaabo iibsiga suuqyada caalamka ilaa soo dejinta dekedda Berbera iyo qaybinta kaalmaha shidaalka. Shirkadahani waxay shidaalka ku soo iibsadaan lacag adag oo doolar ah, iyaga oo la jaanqaadaya qiimaha suuqa adduunka. Haddii xukuumaddu ay ku qasabto in ay shidaalka ku iibiyaan qiimo ka hooseeya intii ay soo siisan doonaan, natiijada dabiiciga ah ee ka dhalanaysaa ma aha in shidaalka la jabiyo, balse waa in ganacsatadu ay joojiyaan soo dejinta ama ay qariyaan kaydka uu yaal. Arrintani waxay si degdeg ah u abuurtaa shidaal la'aan baahsan iyo suuq madow oo sicirku ku laba jibaarmo.
Khubarada dhaqaaluhu waxay xusayaan in dawladdu ay maarayn karto qiimaha shidaalka oo keliya marka ay gacanta ku hayso aalado dhaqaale oo waawayn, kuwaas oo saddex ah. Waa in dawladdu ay iyadu dalka keento shidaalka si ay khasaaraha maaliyadeed u dhabar adaygto iyada oo kabaysa qiimaha (Fuel Subsidies). Waa in dalku uu yahay mid isagu shidaalka soo saara oo xakamayn kara qiimaha salka. Ama waa in ay leedahay kayd istiraatiiji ah oo aad u weyn kaas oo ay xilliyada xasaradaha suuqa ku sii dayn karto si loo jabiyo sicirka.
Somaliland shuruudahaas midna ma buuxiso. Ma aha dal shidaal soo saara, dawladduna ma soo dejiso shidaalka mana laha awood maaliyadeed oo ay malaayiin doolar ku kabto sicirka tamarta, maadaama ay tahay dawlad aan ictiraaf haysan oo aan deyn ka heli karin hay'adaha maaliyadda ee caalamka sida Bangiga Adduunka (World Bank) ama IMF.
Ganacsiga gaarka loo leeyahayna marnaba si iskiis ah raalli ugama noqon doono in uu khasaare qaato si uu u fuliyo amar dawladeed.
Sidaas darteed, dawlado ka awood iyo dhaqaale badan Somaliland ayaan maanta awoodin in ay xakameeyaan sicirka tamarta, waxaana khubaradu ka digayaan in waqti la isaga lumiyo soo saarista amaro aan dhaqangalaynin. Marka kasta oo dawladdu ay soo saarto go'aan qiimo xakamayn ah oo haddana uu sicirku suuqa kaga kaco awood la'aan awgeed, ceeb iyo sumcad darro uun baa ka raacaysa hay'adaha dawladda, waxaanay luminaysaa kalsoonida shacabka.
Saamaynta Xasaradda Bariga Dhexe Iyo Doorka Cashuuraha
Arrintani waa mid salka ku haysa falgal dhaqaale oo caalami ah, mana aha go'aan la iska gaadhi karo ama xog lagu maamuli karo. Inta ay socoto xasaradda Bariga Dhexe ee u dhaxaysa Maraykanka, Israa'iil iyo Iiraan, isla markaana uu xidhan yahay Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, qiimaha shidaalku kor uun buu u sii kacayaa. Tallaabada keliya ee muuqata ee ay xukuumaddu xaaladdan kaga falcelin karto ayaa ah in ay samayso cashuur dhaaf (Tax Exemptions) si culayska looga yareeyo shacabka tabaalaysan, waana midda keliya ee dhab ahaan ku jirta gacanteeda.
Tusaalaha Dalalka Jaarka Iyo Mas'uuliyadda Shacabka
Xaaladdan adag ee caalamiga ah waxay u baahan tahay in bulshadu ay iyadu is xakamayso. Waxaa shacabka ku gudboon in ay yareeyaan isticmaalka shidaalka ee aan lagama maarmaanka ahayn, iyaga oo iswaafajinaya baahidooda iyo awoodda jeebkooda.
Xasaraddan tamareed ma aha mid ku kooban Somaliland oo keliya. Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, oo hoggaamiya dal ka dhaqaale iyo awood badan, soona dejista kayd shidaal oo aad u weyn, ayaa dhowaan qaylo dhaan culus u diray shacabkiisa. Wuxuu ugu baaqay in ay si aad u xaddidan oo mas'uuliyad leh u isticmaalaan kaydka shidaalka ee dalkaas, isaga oo ku adkeeyay in mudnaanta koowaad la siiyo baahiyaha aasaasiga ah, lagana fogaado isticmaalka xad dhaafka ah ilaa inta ay xaaladda adduunku ka degayso.



