Xasaradda Shidaalka Somaliland: Maxaa La Gudboon Xukuumadda?
- Hassan Gallaydh

- Mar 19
- 6 min read
Hargeysa, Somaliland – Wareegto cusub oo ka soo baxday Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo lagu doonayay in lagu xakameeyo qiimaha shidaalka ee dalka gudihiisa, ayaa wajahaysa fashil weyn kadib markii ay gabi ahaanba dhaqan-geli wayday kaalmaha shidaalka ee Somaliland.
In kasta oo wasaaraddu ay si rasmi ah ugu jaan-goysay in litirka shidaalka ah (Batroolka) lagu iibiyo 9,701 Shilling Somaliland ah ($0.89 USD), haddana xaqiiqada dhabta ah ee suuqa ka jirtaa waa mid taas ka duwan. Saacadihii la soo dhaafay, qiimaha shidaalku waxa uu u kacay si xawli ah, isaga oo haatan ku dhow 12,000 oo Shilling Somaliland ah halkii litir, mana muuqato wax calaamad ah oo muujinaysa in ganacsatadu ay u hoggaansameen amarka xukuumadda.

Tani waxa ay muujinaysaa awood la'aanta dowladda ee xakamaynta suuqa xorta ah xilli ay jiraan dhacdooyin dibadda ah oo si weyn u daciifinaya silsiladaha saadka ee caalamka, gaar ahaan dagaalka xooggan ee ka socda Bariga Dhexe iyo xidhnaanshaha Marinka Hormuz oo ah halbowlaha shidaalka adduunka.
Kahor intii uusan dagaalku qarxin, qiimaha litirka shidaalku waxa uu Somaliland ka ahaa celcelis ahaan 8,400 SLSH ($0.81 USD). Kor u kaca degdegga ah ee haatan jiraa waxa uu u muuqdaa mid ku socda heerkii abid ugu sarreeyay, taas oo culeys weyn oo dhanka nolosha ah ku keenaysa shacabka, gaadiidlayda, iyo warshadaha dalka.
Amarka Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Cadaadiska Booliska
Si loola tacaalo is-indha-tirka ganacsatada, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Md. Cabdale Maxamed Carab, ayaa soo saaray wareegto degdeg ah (Tixraac: 18/03/2026), taas oo uu ku farayo Taliyaha Ciidanka Booliska iyo dhammaan Guddoomiyeyaasha Gobollada in ay tallaabo adag oo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo jebisa go'aanka lagu cayimay qiimaha shidaalka.
Bayaanka Wasiir Cabdale ayaa si adag u mamnuucay in ganacsatadu ay shidaalka kaydsadaan si ay suuqa uga yaraado, qiimahana ay u kordhiyaan (Ixtikaar). Wasaaradda Ganacsiga ayaa sidoo kale go'aamisay in shidaalka naaftada ee loogu talagalay warshadaha laydhka iyo wakaaladaha biyaha lagu iibiyo $140 foostadiiba, halka shidaalka gaadiidka ee hore u yaallay dalka kahor dagaalka Bariga Dhexe lagu gooyay $165 foostadiiba.
"Waxaa la farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka in aad kala shaqaysaan Wasaaradda Ganacsiga sidii ay u fuli lahayd wareegtadan... cid kasta oo isku dayda in ay jebiso wareegtadan waa in aad tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan," ayaa lagu yidhi qoraalka Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Falanqayn: Muxuu Amarkan U Shaqayn Waayay?
In kasta oo dowladdu ay u muuqato mid ka falcelinaysa cabashada dadweynaha, kana hortagaysa in ganacsatadu ay xaaladda ka faa'iidaystaan, haddana culayska booliska iyo wareegtooyinku keligood ma xallin karaan loolanka ka dhasha suuqa xorta ah (Free market economy).
Dhibaatada dhabta ah ee amarkan hortaagan ayaa ah is-khilaaf dhanka aragtida dhaqaalaha ah. Wareegtada xukuumaddu waxay si gaar ah u beegsanaysaa shidaalka dalka horay u dhex yaallay ee la keenay kahor intii aanu dagaalku qarxin, kaas oo ganacsatadu ay dibadda kasoo iibsadeen xilli uu qiimuhu hooseeyay. Ujeeddada dowladdu waa in laga hortago in ganacsatadu ay si xaqdarro ah shacabka ugu qaaliyeeyaan kayd ay raqiis ku keeneen iyaga oo ka faa'iidaysanaya argagaxa dagaalka (Price gouging).
Hase yeeshee, ganacsatada shidaalka ayaa iyaguna eegaya xaqiiqada suuqyada caalamka waxaana hagaya waxa loo yaqaano "Qiimaha Beddelka" (Replacement Cost). In kasta oo shidaalka haatan haamaha ugu jiraa uu yahay mid jaban, waxay aaminsan yihiin in haddii ay ku iibiyaan qiimaha jaban ee ay dowladdu goysay, aanay macaashka iyo lacagta kasoo baxdaa u goyn doonin in ay dibadda kasoo iibsadaan shixnadda xigta, maadaama xidhnaanshaha Marinka Hormuz uu qiimaha foostada caalamiga ah cirka geeyay. Sidoo kale, ganacsato badan ayaa fursaddan u arkay mid ay macaash xad-dhaaf ah ku samayn karaan, iyaga oo si kas ah shidaalkii u kaydsanaya (Ixtikaar).
Isku dhacan u dhexeeya go'aanka dowladda ee lagu xakamaynayo kaydka dalka yaalla iyo dabeecadda ganacsatada ee suuqa xorta ah, waxa uu si degdeg ah u dhalinayaa laba cawaaqib-xumo oo aad u khatar ah:
Suuq Madow (Black Market): Ganacsatadu waxay qarinayaan shidaalkoodii si aan loogu qasbin in ay ku gadaan qiimaha dowladda, waxaana si dhuumasho ah loogu iibinayaa shacabka iyada oo la saarayo qiimo aad u sarreeya oo ka baxsan xakamaynta xukuumadda.
Gabaabsi Macmal Ah (Artificial Shortages): Ganacsatadu way iska joojinayaan iibinta shidaalka gebi ahaanba inta ay xaaladdu ka caddaanayo ama laga helayo qiimo u cuntama. Kaydsigan waxa uu dalka ka abuurayaa gabaabsi tamar oo degdeg ah, taas oo curyaaminaysa isu-socodka gaadiidka iyo warshadaha korontada ee dalka.
Ugu dambayntii, xitaa haddii xukuumaddu ay awood iyo boolis ku muquuniso in kaydka hadda yaalla lagu iibiyo qiimaha la gooyay, marka uu kaydkaasi dhammaado waxa la wajihi doonaa xaqiiqada qadhaadh. Haddii dagaalka Bariga Dhexe uu sii socdo, marinka Hormuz-na uu xidhnaado waqti dheer, qiimaha shidaalku cirka ayuu isku sii shareeri doonaa si kasta oo xukuumadda Somaliland u adkayso awaamiirteeda, waayo awood uguma lahan isbedbedelka iyo saadka suuqyada caalamka.
Tallaabooyinka Istiraatiijiyadeed Ee Ay Tahay In Somaliland Qaaddo
Beddelkii ay dowladdu waqti ku lumin lahayd ciidan iyo wareegtooyin aan suuqa xorta ah la jaanqaadi karin, maxaa u furan xukuumadda Somaliland si ay qaranka uga samatabixiso xiisaddan durbaba saamaynta yeelatay?
Xalka dhabta ahi ma aha ciqaab, balse waa siyaasad dhaqaale oo dabcisan iyo maareyn xasaradeed (Crisis management). Halkan waxaa ah qodobada istiraatiijiyadeed ee ay tahay in xukuumaddu si degdeg ah (Short to Medium-term) ugu dhaqaaqdo:
1. Dhimista Ama Joojinta Kumeel-Gaadhka Ah Ee Cashuurta Shidaalka (Tax Holiday): Tallaabada ugu horreysa ee dowladi qaadi karto waa in ay xilkasnimo muujiso oo ay ka tanaasusho qayb ka mid ah cashuurta ay ka qaaddo shidaalka kasoo dega dekedda Berbera. Joojin kumeel-gaadh ah (Tax holiday) ama dhimis boqolleyda cashuurta ah oo la sameeyo muddo go'an (Tusaale, saddexda bilood ee soo socota), ayaa ah jidka keliya ee rasmiga ah ee xukuumaddu ay si dhab ah hoos ugu dhigi karto qiimaha tafaariiqda, iyada oo aan qasaare gaadhsiinayn ganacsatada. Tani waxay toos u gaadhaysaa jeebka shacabka.
2. Maareynta Iyo Xakamaynta Kaydka Shidaalka Ee Jira (Inventory Management): Kahor intii uusan xidhmayn Marinka Hormuz, waxaa dalka yiilay kayd shidaal. Si looga hortago in kaydkaas la qariyo (Ixtikaar), waa in xukuumaddu si dhow ula socoto haamaha kaydka ee magaalada Berbera. Beddelkii booliska loo diri lahaa kaalmaha tafaariiqda, waa in dawladdu ogaataa xaddiga shidaal ee dalka yaalla, dibadda u baxaya (Dhoofinta dhanka Itoobiya), iyo inta gudaha la gelinayo. Haddii dalku wajaho gabaabsi halis ah, waa in si kumeel-gaadh ah loo hakiyo shidaalka loo dhoofiyo waddamada jaarka ah si loo badbaadiyo baahida gudaha.
3. Kabida Waaxyaha Istiraatiijiga Ah (Targeted Subsidy For Essential Sectors): Haddii xaaladdu faraha ka baxdo oo dowladduna aanay awoodin in ay wada kabto dhammaan shidaalka dalka, waa in ay samaysaa qorshe ay ku kabayso (Subsidy) oo keliya waaxyaha ugu muhiimsan nolosha si looga hortago sicir barar ku dhufta raashinka. Waa in xukuumaddu ay qiimo dhimis gaar ah ama shidaal jaban siiso:
Shirkadaha Korontada iyo Wakaaladaha Biyaha: Si looga hortago in biilka laydhka iyo biyuhu uu shacabka ku qaaliyoo.
Gaadiidka Rarka Cuntada iyo Xoolaha: Si loo xakameeyo kharashka gaadiidka ee saaran raashinka asaasiga ah.
4. Wada-Hadallo Furan Oo Lala Galo "Quwadaha Shidaalka" Ee Dalka: Xukuumaddu waa in ay ka waantowdaa amar bixinta qallalan, una weecataa miiska wada-hadalka. Suuqyada Somaliland waxaa gacanta ku haya dhawr shirkadood oo waaweyn. Waa in Madaxweynaha ama Wasiirka Maaliyadda ay kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshaan madaxda shirkadahaas waaweyn. Ujeeddadu waa in la isla fahmo dhibaatada, xog dhab ah laga helo qiimaha ay wax ku keenayaan, iyo sidii loo wadaagi lahaa culeyska (Burden sharing) si looga fogaado in shirkaduhu iska joojiyaan shidaal keenista oo uu dalku mugdi galo.
5. Fududeynta Iyo Dhiirrigelinta Jidadka Cusub Ee Saadka (Alternative Supply Chains): Maadaama Marinka Hormuz uu yahay dhibaatada ugu weyn hadda, waa in dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii shidaal looga soo dhoofin lahaa ilo kale oo aan soo marin Badda Cas ama Gacanka Faaris (Tusaale, iskaashi lala sameeyo shirkado shidaalka ka keeni kara suuqyada kale ee caalamka inkasta oo ay qaali ahaan karaan). In dowladda ay fududayso shuruudaha dekedda iyo dajinta shixnadaha degdegga ah waxay dadajin kartaa in shidaal cusubi dalka soo gaadho kahor inta aanu kaydkii hore go'in.
Dagaalka Iiraan iyo xidhnaanshaha Marinka Hormuz waa duruuf caalami ah oo ka baxsan gacanta Somaliland. La tacaalidda cawaaqib-xumada dhaqaale ee ka dhalanaysa ma aha mid ku xallismaysa xoog iyo ciidan la dul dhoobo kaalmaha shidaalka, balse waxay u baahan tahay siyaasad dhaqaale oo maareyn xasaradeed ah (Crisis management), isku-tanaasul dhexmara dowladda iyo ganacsatada, iyo in dowladdu ay tusto shacabka in ay diyaar u tahay in iyaduna ay dakhli lumiso (Cashuur dhimis) si loo badbaadiyo dhaqaalaha danyarta.



