top of page

Dunida Oo Wajaheysa Masiibo Dhaqaale: Is-taagga Shidaalka Khaliijka Iyo Saamaynta Ba'an Ee Uu Ku Yeeshay Caalamka.

Cabsida ku aaddan in dalalka Bariga Dhexe ay joojiyaan shidaalka ay soo saaraan ayaa sii xoogaysanaysa marba marka ka sii dambaysa. Waxa maalintii 10aad galay dagaal ka soconaya gobolka oo saamayn ba'an ku yeeshay dhaqaalihii caalamka. Markii ugu horraysay tan iyo markii Ruushku duulaanka ku qaaday Ukraine sannadkii 2022, qiimaha shidaalka ayaa toddobaadkan kor u dhaafay 100 doolar foostadiiba. Kordhintan ayaa ka dhalatay hubanti la'aanta dhanka tamarta ah kadib markii uu 28 kii February qarxay dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iiraan.


Haddii dalalka Carabtu si rasmi ah u joojiyaan shidaalka ay soo saaraan, waxa ay noqon doontaa arrin keenta in shidaalku uu gaadho qiimihii ugu sarreeyay ee abid lagu kala iibsado taariikhda intii dunidu jirtay. Khubarada dhaqaaluhu waxay saadaalinayaan in qiimaha oo hadda 100 doolar kor u dhaafay laga cabsi qabo in uu maalmaha soo socda gaadho 200 oo doolar.


Oil prices rise as strait of hormuz closes. Ships stuck in gulf.

Marinka Hormuz: Halbowlaha Dhaqaalaha Adduunka Ee Go'ay

Ku dhawaad boqolkiiba 20 shidaalka adduunka ayaa ka yimaada gobolka Khaliijka, waxana inta badan lagu daabulaa maraakiib waaweyn oo sii mara Marinka Hormuz. Marin biyoodkan ciriiriga ah oo ku yaalla inta u dhaxaysa Iiraan iyo Cumaan ayaa dhumucdiisu tahay oo keliya 21 mayl badeed (39 kiiloomitir) meesha ugu cidhiidhsan.


In ka badan 20 milyan oo foosto ayaa maalintii marta marinkan, taas oo u dhiganta shan meelood meel ka mid ah shidaalka caalamku isticmaalo, waana rubuc ka mid ah dhammaan shidaalka badda laga dhoofiyo. Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, isu socodkii badda ee Marinka Hormuz ayaa ku dhawaad istaagay. Weerarada lagu hayo maraakiibta iyo carqaladaynta qalabka hagidda safarka ayaa ku qasbay inta badan shirkadaha maraakiibta in ay shixnadahooda ku xidhaan dacallada marin biyoodka, halkii ay halis gelin lahaayeen in ay ka gudbaan.


La'aanta qulqulka shidaalkan, silsiladihii saadka ee caalamka ayaa si weyn u go'ay. Iyada oo sahaydu xadidan tahay baahiduna ay kordhayso, qiimaha ayaa hubaal ah in uu sare u kici doono, taas oo cadaadis saaraysa macaamiisha iyo ganacsiyada caalamka.

Dhimista Wax-soo-saarka Khaliijka Iyo Cawaaqibka Xirnaansho Buuxa

Waddamada Baxrayn, Kuweyt, Qadar iyo Sucuudiga ayaa ah dalalka laga cabsi qabo in ay gebi ahaanba joojiyaan soo saariddooda shidaalka iyo gaasta, iyaga oo ka falcelinaya khatarta amniga ee gobolka. Waddamada qaar sida Qadar oo ah dalka labaad ee soo saara gaasta ugu badan caalamka ayaa durba ku dhawaaqay in ay hakiyeen dhoofintii gaasta dabiiciga ah kadib weerarada ka imaanaya Iiraan. Arrintan ayaa gabi ahaanba istaajisay suuqyadii saliidda iyo gaasta ee caalamka.


Haddii la wajaho xirnaansho buuxa oo ah in Khaliijku gabi ahaanba xidho isha shidaalka, caalamku wuxuu wajihi doonaa masiibo dhaqaale oo aan horay loo arag. Ma jirto waddo kale oo lagu beddeli karo 20 ka milyan ee foosto ee maalinlaha ah. In kasta oo waddamada qaar ay isku dayi karaan in ay adeegsadaan dhuumaha kale ee shidaalka, tusaale ahaan dhuumaha Bariga iyo Galbeedka ee Sucuudiga (East West Crude Oil Pipeline) iyo dhuumaha Imaaraadka Carabta ee Habshan Fujairah, haddana awooddoodu waxa ay ku kooban tahay oo keliya 4.7 ilaa 5.5 milyan oo foosto maalintii. Taasi waxay ka dhigan tahay in caalamku waayi doono in ka badan 15 milyan oo foosto maalintii. Cawaaqibka arrintani waxay noqon doontaa sicir barar baahsan (Stagflation), warshadaha oo xidhma, iyo shaqo la'aan saameysa darafyada adduunka.

Qaaradda Aasiya Oo Wajaheysa Dhibaatada Ugu Adag

Ku dhawaad 89 boqolkiiba shidaalka mara Marinka Hormuz wuxuu ku wajahan yahay suuqyada Aasiya. Waddamada Shiinaha, Hindiya, Jabaan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ah iibsadayaasha ugu waaweyn. Xidhiidhka ganacsi ee waddamadan iyo gobolka ayaa ah mid aan la goyn karin, saamaynta dagaalkanina wuxuu si toos ah u curyaamiyay waddamadan:

  • Shiinaha (China):Ā Xukuumadda Beijing ayaa kordhisay iibsiga shidaalka ceyriin labadii bilood ee ugu horreeyay sanadka si ay u buuxiso kaydkeeda, iyada oo isku diyaarinaysa carqaladaha saadka. Shidaalkan dheeriga ah waxa lagu kaydinayaa xarumo istiraatiiji ah si loo isticmaalo haddii dagaalku daba dheeraado. Shiinaha ayaa sidoo kale weydiistay warshadaha sifaynta in ay joojiyaan saxiixa qandaraasyada cusub ee dhoofinta shidaalka, ayna isku dayaan in ay buriyaan shixnadihii horey loogu heshiiyay si dalka gudihiisa loogu kaydiyo.

  • Hindiya (India):Ā Dowladda Hindiya waxay weydiisatay warshadaha sifaynta in ay kordhiyaan soo saarista gaasta dabiiciga ah ee guryaha loo isticmaalo (LPG). Wasaaradda Batroolka ayaa warbixin ay soo saartay Isniintii ku sheegtay in warshadaha lagu amray in ay sare u qaadaan wax soo saarkooda si looga hortago gabaabsi.

  • Kuuriyada Koonfureed (South Korea):Ā Dalkan oo si weyn ugu tiirsan ganacsiga iyo shidaalka dibadda laga keeno ayaa walaac xooggan ka muujiyay weerarada Iiraan ay ku hayso kaabayaasha tamarta. Madaxweyne Lee Jae Myung ayaa Isniintii sheegay in dowladiisu ay xad u samayn doonto sicirka shidaalka gudaha markii ugu horraysay muddo ku dhow 30 sano. Wuxuu xusay in dalkiisu uu raadin doono ilo tamar oo aan soo marin Marinka Hormuz.

  • Jabaan (Japan):Ā Dowladda Jabaan ayaa weydiisatay xarumaha kaydka shidaalka qaranka in ay u diyaar garoobaan suurtagalnimada in la fasaxo shidaalka ceyriin ee kaydka ah. Amar ayaa la siiyay xarunta kaydka shidaalka qaranka ee Shibushi si ay suuqa usoo geliso shidaal ka hortaga hoos u dhaca.

  • Bakistaan (Pakistan):Ā Bakistaan ayaa soo rogtay tillaabooyin lagu tashiilayo shidaalka kadib markii qiimuhu dhaafay 100 doolar, sahaydii gaastana ay istaagtay. Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa ku dhawaaqay in ka badan toban tillaabo oo is dhimid ah si wax looga qabto dhibaatadan. Tillaabooyinkan waxa ka mid ah in la yareeyo shaqaalaha kala bar, iyo in loo guuro nidaam shaqo oo ah afar maalmood usbuucii. Labada bilood ee soo socda, kharashka dowladda waxa la dhimayaa boqolkiiba 20, shidaalka baabuurta dowladdana waxa la dhimayaa kala bar.

  • Bangaladesh (Bangladesh):Ā Maamulka caasimadda Dhaka ayaa soo rogay nidaam shidaal qamayn ah maalintii Axadda, iyaga oo xad u yeelay xaddiga shidaalka ay gadan karaan baabuurta qaar. Isniintii, dowladdu waxa ay xidhay dhammaan jaamacadaha, waxanay soo dadajisay fasaxyadii Ciidul Fidriga si loo yareeyo isticmaalka korontada iyo shidaalka.

  • Fiyetnaam (Vietnam):Ā Wasaaradda ganacsiga ee Fiyetnaam ayaa ugu baaqday ganacsiyada in ay u oggolaadaan shaqaalahooda in ay guryaha ka shaqeeyaan si loo yareeyo isticmaalka shidaalka.

Saamaynta Wadamada Soo Koraya Sida Afrika Iyo Masar

Dhibaatadan ma aha mid ku ekaanaysa Aasiya oo keliya. Waddamada qaaradda Afrika oo aan lahayn kayd shidaal oo weyn iyo meelo ay ku baxsadaan xilligan adag ayaa wajahaya khatarta ugu weyn. Haddii sahayda Khaliijku joogsato, dalalkan waxay wajihi doonaan sicir barar xad dhaaf ah oo ku dhufan doona raashinka, gaadiidka iyo adeegyada aasaasiga ah.


Dalka Masar ayaa durba tillaabo qaaday, iyadoo Wasaaradda Batroolku ay Talaadadii kordhisay qiimaha dhowr nooc oo shidaal ah. Wasaaraddu waxay sheegtay in go'aankani uu salka ku hayo xaaladda adag ee ka dhalatay horumarka joqoraafiyadeed ee Bariga Dhexe iyo saamaynta tooska ah ee ay ku leeyihiin suuqyada tamarta caalamka. Qiimaha naaftada oo ah shidaalka ugu badan ee dalkaas laga isticmaalo ayaa aad kor loogu qaaday.

Gunaanadkii, dagaalka Bariga Dhexe wuxuu dunida geliyay mugdi dhaqaale. Haddii xasaraddu sii socoto, xidhiidhka ganacsi iyo kan diblomaasiyadeed ee caalamku wuxuu wajihi doonaa tijaabadii ugu adkayd, iyada oo badbaadada dalal badani ay ku xidhnaan doonto sida degdegga ah ee xal loogu helo furista Marinka Hormuz iyo dib u soo celinta wax soo saarkii shidaalka ee dalalka Khaliijka.

bottom of page