top of page

Shan Maalmood: Xogta Dhammaystiran Ee Dagaalka Maraykanka, Israa'iil Iyo Iiraann

Xaaladda gobolka Bariga Dhexe ayaa gabi ahaanba isbeddeshay wax ka yar hal isbuuc gudihiis. Isku dhacyadii hoose ee in muddo ah soo jiitamayay ayaa isku beddelay dagaal toos ah. Dagaalkan oo dhex maray isbahaysiga Maraykanka iyo Israa'iil dhinac ah, iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo xulafadeeda dhinaca kale, ayaa si xowli ah ugu fiday berriga, badda iyo hawada, isaga oo gobolka geliyay xaalad go'doon iyo burbur ah.


Sida ay xaqiijisay Karoline Leavitt oo warbaahinta kula hadashay Aqalka Cad, xukuumadda Washington ayaa dagaalkan ka leh afar hadaf oo istiraatiiji ah. Hadafyadaas ayaa kala ah burburinta barnaamijka gantaalada riddada dheer ee nidaamka Iiraan, tirtiridda awoodda ciidamada badda Iiraan ee gobolka, kala furfuridda kooxaha wakiilada ah ee Iiraan ee mas'uulka ka ah weerarada lagu qaado isbahaysiga Maraykanka, iyo ugu dambayn in laga hortago in Iiraan ay waligeed hesho hub nukliyeer ah.


Si loo fahmo baaxadda qalalaasahan oo maalinba maalinta ka dambaysa sii fidayaya, halkan waxaan ku soo koobnay dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ruxay caalamka shantii maalmood ee ugu horraysay dagaalkan taariikhiga ah, laga soo bilaabo 28 kii February ilaa 4 tii March.


Iran War, Trump and Netenyahu

Maalintii 1aad (February 28th):

Maalintan ayaa gashay diiwaanka taariikhda casriga ah, iyada oo isbahaysiga Maraykanka iyo Israa'iil ay qaadeen duqaymo isku dubaridan oo si lama filaan ah ugu hoobtay gudaha Iiraan.

  • Duqaymaha Istiraatiijiga ah: Maraykanka iyo Israa'iil ayaa qaaday olole cirka ah oo lala beegsaday ku dhawaad 500 oo bartilmaameed oo ku yaalla galbeedka iyo bartamaha Iiraan. In ka badan 200 oo diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil ah, gantaalada Maraykanka iyo diyaaradaha droneska ayaa burburiyay nidaamyada difaaca hawada, xarumaha gantaalada laga rido iyo xarumaha nukliyeerka sida Natanz.

  • Geeridii Ayatollah Ali Khamenei: Dhacdadii ugu cuslayd waxay ahayd dilkii loo geystay Hoggaamiyihii Ruuxiga ahaa ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei oo lagu dilay duqayn ka dhacday Tehraan. Madaxweyne Donald Trump ayaa farriin muuqaal ah ku shaaciyay in ay bilowdeen "hawlgallo dagaal oo waaweyn". Duqaymahan ayaa sidoo kale sababay dhimashada 168 carruur ah iyo 14 macallimiin ah oo ku sugnaa dugsi hoose oo ku yaalla Iiraan.

  • Aargoosiga Iiraan Iyo Beegsiga Saldhigyada: Iiraan ayaa si degdeg ah ugu jawaabtay roob gantaalo iyo drones ah oo ay ku garaacday Israa'iil, gaar ahaan magaalada Haifa. Sidoo kale, Iiraan waxay beegsatay in ka badan 14 saldhig oo Maraykanku ku leeyahay 6 waddan. Saldhigyada la garaacay waxaa ka mid ah Al Udeid (Qadar), Ali Al Salem (Kuweyt), Al Dhafra (Imaaraadka), xarunta Taliska 5aad ee Badda Maraykanka (Baxrayn), iyo saldhigyo ku yaalla Ciraaq, Urdun iyo Sucuudiga. Iiraan ayaa sidoo kale burburisay raadaar ku yaalla Qadar waxayna duqaysay garoomada iyo dekedaha Kuweyt, Imaaraadka iyo Cumaan. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhacdadan ka yeeshay fadhi degdeg ah.

Maalintii 2aad (March 1st):

Kadib naxdintii geerida Khamenei, xukuumadda Tehraan ayaa qaadday tallaabooyin aargoosi ah oo aan loo meel dayin, kuwaas oo si toos ah u beegsaday danaha Maraykanka iyo xulafadiisa.

  • Weerarada Safaaradaha Iyo Saldhigga CIA: Weeraro qorshaysan oo loo adeegsaday gantaalo iyo diyaarado ismiidaamiya ayaa lala beegsaday qunsuliyadaha iyo safaaradaha Maraykanka ee ku yaalla waddamada Khaliijka qaarkood. Arrintii ugu layaabka badnayd waxay ahayd weerar toos ah oo lagu qaaday xarun qarsoodi ah oo hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ay ku leedahay gudaha dalka Sucuudi Carabiya.

  • Beegsiga Maraakiibta Shidaalka: Iiraan ayaa si rasmi ah u xidhay Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, waxaana ciidamada badda Iiraan ay beegsadeen dhowr maraakiib shidaal oo marayay biyaha Khaliijka, taas oo argagax gelisay suuqyada tamarta adduunka. Ciidamada Iiraan waxay badda Cumaan ku dhufteen laba markab oo shidaal oo kala ah Skylight oo laga leeyahay Palau iyo MKD VYOM oo laga leeyahay jasiiradaha Marshall. Arrintan ayaa sababtay in in ka badan 150 markab ay ku xanibmaan badda gobolka.

  • Burburinta 24 Gobol Ee Iiraan: Maraykanka iyo Israa'iil ayaa dhankooda in ka badan 1,200 oo bambooyin ku garaacay 24 gobol oo ka tirsan Iiraan, iyaga oo si weyn u wiiqay awoodda difaaca hawada iyo kaydadka gantaalada.

  • Roobka Gantaalada Ee Iiraan: Tehraan ayaa dhowr weji oo gantaalada riddada dheer ah la dhacday Israa'iil, kuwaas oo ku dhacay magaalooyinka Tel Aviv iyo Bet Shemesh. Waxay sidoo kale beegsatay 27 xarumood oo Maraykanku ku leeyahay gobolka Khaliijka oo ay ku jirto xarun sirdoon oo CIA ay ku leedahay Sucuudiga.

Maalintii 3aad (March 2nd):

Maalintan saddexaad, saamaynta dagaalku waxay si buuxda ugu fiday dalalka deriska ah, iyada oo isku dhacyadu ay noqdeen kuwo fool ka fool ah.

  • Duqaymaha Joogtada Ah: Isbahaysiga ayaa diiradda saaray burburinta kaydadka gantaalada Iiraan iyaga oo garaacay xarunta nukliyeerka ee Natanz iyo isbitaalo ku yaalla Tehraan. Weerar is xigay oo ka dhacay fagaaraha Niloofar ee Tehraan ayaa lagu dilay in ka badan 20 qof oo rayid ah. Dhanka kale Iiraan ayaa gantaalo la dhacday Israa'iil, waxaana hubka shucaaca loo yaqaan (Cluster munitions) oo ku dhacay meel u dhow Tel Aviv uu dhaawacay 12 qof.

  • Qadar Oo Fashilisay Unugyada IRGC: Laamaha sirdoonka ee dalka Qadar ayaa hawlgal degdeg ah ku xidhay xubno ka tirsan unugyo hurdo oo xidhiidh la leh ciidamada IRGC ee Iiraan, kuwaas oo qorshaynayay in ay falal xumaan ah ka fuliyaan gudaha dalka Qadar.

  • Beegsiga Safaaradaha Iyo Maraakiibta: Iiraan ayaa duqaysay safaaradda Maraykanka ee Kuweyt oo xilligaas xidhnayd waxayna sidoo kale badda ku garaacday laba markab ganacsi oo markaykanka iyo honduras laga kala leeyahay.

  • Shil Khasaaraha Sii Kordhiyay Iyo Fowdada Dagaalka (Friendly Fire): Dhacdadii ugu xumayd ee dhanka milatariga isbahaysiga soo wajahday waxay ka dhacday hawada dalka Kuweyt, kadib markii diyaarado dagaal oo Maraykanku leeyahay si lama filaan ah loo soo riday. Markii dambe ayaa la xaqiijiyay in dhacdadani aysan ahayn weerar uga yimid Iiraan, balse ay ahayd shil dhacay kadib markii nidaamyada difaaca ee isbahaysigu ay si khaldan uu beegsadeen diyaaradahooda (Friendly fire). Tani waxay si cad u muujinaysaa xaaladda isku dhex yaaca ah, cabsidii badnayd iyo fowdada baahsan ee hareeyay hawlgallada milatari ee gobolka.

  • Furinta Lubnaan Iyo Ciraaq: Kooxda Xisbullah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday dagaal, waxayna weeraro ku bilowday Israa'iil. Maleeshiyaadka Ciraaq ee Iiraan taageerto ayaa duqeeyay xarumaha Maraykanka ee Erbil iyo Baqdaad. Sidoo kale diyaarad drone ah ayaa dhaawac fudud gaarsiisay saldhigga Akrotiri ee Ingiriisku ku leeyahay Qubrus. IRGC ayaa mar kale ku hanjabtay in ay xidhayso Marinka Hormuz.

Maalintii 4aad (March 3th):

Maalintii afaraad waxaa masraxa soo galay quwadaha reer Yurub, iyada oo dhaqdhaqaaqyo milatari oo waaweyn laga dareemay Badda Dhexe.

  • Daadguraynta Badda Dhexe: Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa amray in markabka xambaara diyaaradaha dagaalka ee Charles de Gaulle la keeno Badda Dhexe. Sidoo kale, Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa gobolka u daadgureeyay markabka dagaalka ee HMS Dragon, kadib markii diyaarad drone ah oo Iiraan leedahay ay beegsatay saldhigga Akrotiri ee Qubrus.

  • Ka hor tagga Droneska Iiraan: Diyaaradaha dagaalka ee Ingiriiska ayaa hawada u galay sidii ay u difaaci lahaayeen dalalka Urdun, Ciraaq iyo Qadar, iyaga oo soo riday daraasiin diyaaradaha ismiidaamiya ee Iiraan ah.

  • Burburinta Xarumaha Dowladda: Duqaymo Maraykanka iyo Israa'iil ay fuliyeen ayaa gabi ahaanba dhulka la simay xaruntii Golaha Amniga Qaranka Iiraan (SNSC), xarunta nukliyeerka dhulka hoostiisa ah ee Min Zadai, iyo Garoonka Diyaaradaha ee Bushehr halkaas oo lagu burburiyay diyaarad rakaab ah oo nooceedu yahay Iran Air A319. Waxaa sidoo kale dhaawac gaaray qasriga taariikhiga ah ee Golestan Palace. Duqaymahan waxaa lagu dilay Taliye ka tirsan Ciidamada Quds.

  • Cabsida Nukliyeerka: Shirkadda tamarta nukliyeerka ee Ruushka (Rosatom) ayaa si degdeg ah u daadguraysay shaqaalaheeda ka hawlgala dhismaha warshadda nukliyeerka ee Bushehr ee dalka Iiraan.

  • Jabhado Cusub: Israa'iil ayaa si rasmi ah u oggolaatay in ciidamadeedu ay duulaan dhulka ah ku galaan Lubnaan si ay u wajahaan Xisbullah oo sii wadday garaacida saldhigyada Israa'iil. Dhanka kale dalka Qadar ayaa beeniyay in uu wax duqayn ah ka fuliyay gudaha Iiraan, xilli kooxaha Kurdiyiinta ee galbeedka Iiraan ay bilaabeen olole hubaysan iyaga oo taageero ka helaya Maraykanka.

Maalintii 5aad ( March 4th):

Maalintii shanaad waxay xaqiijisay in dagaalku uu weji cusub galay, isaga oo ku fiday aagag horleh isla markaana dhaliyay qax caalami ah.

  • Duqaymo Gudaha Fog: Guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Maraykanka (Joint Chiefs of Staff) ayaa shaaciyay in Maraykanku uu bilaabi doono in uu duqaymo la beegsado gudaha fog ee dhulweynaha Iiraan. Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa isna ku digay in hawlgallada milatari ay weli ku jiraan marxaladoodii hore.

  • Qarxinta Markab Iiraan Leedahay Iyo Gantaalka Turkiga: Dagaalka ayaa ku fiday Badweynta Hindiya, kadib markii markabka quusa ee Maraykanka uu qarxiyay markab dagaal oo Iiraan leedahay, sida uu xaqiijiyay Xoghayaha Difaaca Hegseth. Dhanka kale, nidaamyada difaaca hawada ee isbahaysiga NATO ayaa soo riday gantaal Iiraan riday oo dul marayay hawada Ciraaq iyo Suuriya kaas oo ku wajahnaa hawada dalka Turkiga.

  • Xidhitaanka Safaaradaha Iyo Daadguraynta: Maraykanka ayaa xidhay safaaradihiisa saddex waddan oo gobolka ah, wuxuu yareeyay shaqaalihiisa diblomaasiyadeed, wuxuuna uga digay muwaadiniintiisa in ay si degdeg ah uga baxaan gobolka. Dhanka kale, dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in uu furay marin hawo oo xasiloon (Safe air corridors) si waddamada caalamku ay u daadgureeyaan muwaadiniintooda ku xayiran gobolka.

Khasaaraha Dagaalka Ee Shanti Maalmood Ee Ugu Horraysay

Sida laga soo xigtay ilo kala duwan, khasaaraha isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray heerar aad u sarreeya guud ahaan gobolka:

  • Iiraan: Ugu yaraan 1,097 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Iiraan ilaa galabnimadii Arbacada, sida ay soo warisay hay'adda HRANA. Dadka dhintay waxaa ku jira 168 carruur ah iyo 14 macallimiin ah oo ku dhintay weerar Maraykanka iyo Israa'iil ay Sabtidii la beegsadeen dugsi hoose oo gabdhuhu wax ku bartaan, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda Iiraan.

  • Lubnaan: Ugu yaraan 74 qof ayaa ku dhintay duqaymaha Israa'iil ay ka fulisay Lubnaan, sida ay Arbacadii warisay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas. Saddex ka mid ah dadkaas waxay ahaayeen shaqaalaha gurmadka degdegga ah (Paramedics), sida uu sheegay madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

  • Kuweyt: Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerarada Iiraan ay ku qaadday Kuweyt. Dadkaas waxaa ku jira lix askari oo Maraykan ah sida uu xaqiijiyay Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM), iyo laba askari oo u dhashay Kuweyt sida ay Talaadadii xaqiijisay waaxda milatariga ee dalkaas.

  • Israa'iil: Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay duqaymo lala beegsaday Israa'iil tan iyo Sabtidii, sida ay sheegtay hay'adda gurmadka degdegga ah ee Magen David Adom.

  • Ciraaq: Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ayaa ku dhintay duqayn dhanka cirka ah oo Maraykanka iyo Israa'iil ay ka fuliyeen gobolka Diyala ee dalka Ciraaq, sida ay Axaddii shaacisay waaxda warbaahinta ee maleeshiyadaas.

  • Imaaraadka Carabta: Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay diyaaradaha droneska ee Iiraan ay ku garaacday Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee dalkaas. Dadka dhintay ayaa kala u dhashay dalalka Bakistaan, Nabaal iyo Bangaladesh.

  • Baxrayn: Hal qof ayaa dhintay kadib markii firir ka soo dhacay gantaal la soo riday uu dab qabadsiiyay markab shisheeye oo ku sugnaa Magaalada Warshadaha ee Salman ee dalka Baxrayn, sida ay Isniintii tabisay warbaahinta dowladda Baxrayn.

bottom of page