Faransiiska Oo Qorshaynaya In Uu Geeyo Maraakiib Ilaaliya Marinka Hormuz Marka Uu Dagaalku Qaboobo
- Gallaydh News Desk

- 6 days ago
- 3 min read
Madaxweynaha dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa shaaciyay in xukuumadda Paris iyo xulafadeedu ay diyaarinayaan hawlgal milatari oo si buuxda isdifaac u ah. Ujeedada hawlgalkan ayaa ah in la galbiyo maraakiibta ganacsiga ee maraya Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, si tartiib tartiib ahna dib loogu furo marinkaas, kadib marka ay dhammaato wejiga ugu adag ee dagaalka u dhexeeya isbahaysiga Maraykanka iyo Israa'iil oo dhinac ah iyo Iiraan oo dhinaca kale ah.
Si loo xaqiijiyo qorshahan, Faransiiska ayaa gobolka u daadgureynaya ku dhawaad darsin maraakiibta dagaalka ah, kuwaas oo uu hormuud u yahay markabka xambaara diyaaradaha dagaalka ee (Aircraft carrier strike group). Ciidamadani waxay fariisimo ka samaysan doonaan Badda Dhexe, Badda Cas, iyo suurtagalnimada in ay gaaraan Marinka Hormuz, si ay taageero difaac u siiyaan xulafada uu beegsaday dagaalka ka socda Bariga Dhexe.

Isaga oo Isniintii ka hadlayay dalka Qubrus, Madaxweyne Macron waxa uu xusay in hawlgalkan galbinta ah ay tahay in ay si wadajir ah u diyaariyaan dalalka Yurub iyo kuwa aan Yurub ahaynba. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ujeedka ugu weyn uu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ee dagaalka xooggan u qaboobo, la galbiyo maraakiibta xambaarta konteenarada iyo booyadaha shidaalka si dib loogu furo Marinka Hormuz, in kasta oo uusan bixin tafaasiil intaas dhaafsiisan.
"Ujeedkayagu waa in aan ilaalino mowqif adag oo isdifaacid ah, in aan garab istaagno dhammaan dalalka ay Iiraan weerartay xilligii aargoosiga, si aan u xaqiijino kalsoonidayada, uguna qayb qaadano dejinta xiisadda gobolka," ayuu yidhi Macron.
Wuxuu sidoo kale raaciyay, "Ugu dambayn, waxaan higsanaynaa in aan dammaanad qaadno xorriyadda isu socodka badda iyo amniga badaha."
Dhibaatada Dhaqaale Iyo Muhiimadda Marinka Hormuz
Hadallada Macron ayaa ku soo beegmaya xilli qiimaha shidaalka adduunku uu gaadhay heerar aad u sarreeya, sababo la xidhiidha duqaymaha isdaba joogga ah ee Maraykanka iyo Israa'iil ay ku hayaan Iiraan, iyo weerarada aargoosiga ah ee gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay ka fulinayso guud ahaan gobolka Khaliijka.
Dagaalkan ayaa gabi ahaanba xidhay Marinka Hormuz, oo ah marin biyood istiraatiiji ah oo ay marto qiyaastii boqolkiiba 20 khayraadka shidaalka ee adduunka la isticmaalo. Sidoo kale, weerarada Iiraan ay la beegsatay kaabayaasha tamarta ee Bariga Dhexe ayaa abuuray walaac weyn oo caalami ah, taas oo hoos u dhigtay kalsoonidii suuqyada ganacsiga.
Xidhitaanka Marinka Hormuz awgiis, qiimaha shidaalka ceyriin (Crude oil) ayaa kor u kacay ku dhawaad boqolkiiba 50 tan iyo markii Maraykanka iyo Israa'iil ay dagaalka bilaabeen bishii la soo dhaafay. Sicirka shidaalka caalamiga ah ee Brent crude ayaa Isniintii dhaafay 100 doolar fuustadiiba. Xaaladdan dhaqaale darteed, wasiirada maaliyadda ee waddamada warshadaha horumaray ee G7 ayaa Isniintii shir degdeg ah ku yeeshay magaalada Brussels ee dalka Biljamka si ay uga arrinsadaan sidii looga jawaabi lahaa dhibaatadan culus ee curyaamin karta dhaqaalaha dunida.
Jawaabta Tehraan: Eedayn Iyo Diidmo Qayaxan
Dhanka kale, xukuumadda Tehraan ayaa si kulul uga jawaabtay qorshaha Faransiiska iyo xulafadiisa. Cali Larijani oo ka mid ah mas'uuliyiinta ugu sarreeya dhanka amniga ee Iiraan ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada qorshahan.
"Waa arrin aan macquul ahayn in wax amni ah laga gaadho Marinka Hormuz dhexdiisa, xilli ay ololayaan dabka dagaalka ay Maraykanka iyo Israa'iil ka shideen gobolka," ayuu yidhi Larijani.
Larijani ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku daray in amniga uusan dib u soo noqon doonin iyada oo la adeegsanayo qorsheyaal ay dejiyeen dhinacyo aan ka fogayn taageerida dagaalkan iyo gacan ka gaysashada hurintiisa. Hadalkan ayaa si dadban farta ugu fiiqaya Faransiiska iyo waddamada reer Galbeedka ee garab taagan Israa'iil, isaga oo muujinaya in Iiraan aysan aqbali doonin in quwado shisheeye ay maamulaan amniga marinkaas muhiimka ah.



