top of page

Faa'iidada Aqoonsiga Somaliland uu yahay Djibouti

Doodda Djibouti ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland inta badan waxa ay ku wareegtaa cabsida tartan, luminta dakhli, ama isbeddel miisaan awooddeed. Hase yeeshee, marka si qoto dheer loo eego juqraafiyadda ganacsiga Afrika iyo jihada uu dunidu u socdo, aqoonsiga Somaliland ma aha khasaare Djibouti ku dhaca—waa fursad istiraatiiji ah oo taariikhi ah. Waa fure lagu furi karo awood dhaqaale oo ka weyn inta Djibouti keligeed waligeed gaadhi karto.


Muddo dheer, doorka dekedaha Djibouti iyo Berbera waxa lagu soo koobay hal qodob oo keliya: u adeegidda Itoobiya. Inkasta oo Itoobiya ay tahay dal weyn, suuqiisuna uu yahay mid ballaadhan, haddana xaddididda aragtida istiraatiijiga ah hal dal oo keliya waxay ka dhigan tahay in la iska indha tiray fursad aad uga weyn, kana miisaan culus mustaqbalka dhow iyo kan fogba. Xaqiiqdu waxay tahay in Afrika ay hoy u tahay dalal badan oo xabsi juqraafi ku jira, oo ah dalal aan marin badeed lahayn, kuwaas oo dhammaantood u baahan marin ammaan ah, sharci ah, oo hufan si ay ula falgalaan dhaqaalaha caalamka.


Halkan ayay fursadda dhabta ahi ku jirtaa: isku xidhka kaabayaasha Djibouti iyo Somaliland, si wadajir ahna loogu adeego silsilad dalal ah oo ka fidsan Geeska Afrika ilaa Bartamaha Qaaradda.



Suuqa Weyn ee Qaaradda Hoose: Hinterland-ka Djibouti iyo Somaliland


Haddii si wadajir ah loo qorsheeyo, Djibouti iyo Somaliland ma adeegayaan hal dal oo keliya—waxay adeegayaan silsilad dalal ah oo ka bilaabata Geeska Afrika kuna fidsan Aaga Harooyinka Weyn (Great Lakes Region) iyo Bartamaha Afrika.


Dalalka Bad-la’aanta ah ee Ugu Dhow Labada Deked

Dalka

Tirada Dadka 2026

Tirada Dadka 2050

Dekedaha uu Adeega

Itoobiya

138,902,000

213,000,000

Djibouti: 91% / Berbera: 7% / Others (Port Sudan/Kenya): 2%

Uganda

52,761,000

102,000,000

Mombasa (Kenya): 78% / Dar es Salaam (Tanzania): 22%

Chad

21,560,000

48,000,000

Douala (Cameroon): 85% / Kribi (Cameroon): 10% / Others (Libya/Benin): 5%

Rwanda

14,890,000

26,000,000

Dar es Salaam: 72% / Mombasa: 28%

Burundi

14,729,000

23,000,000

Dar es Salaam: 95% / Others: 5%

South Sudan

12,436,000

20,000,000

Mombasa: 85% / Port Sudan: 10% / Djibouti: 5%

Central African Republic

5,699,000

9,000,000

Douala (Cameroon): 90% / Pointe-Noire (Congo): 10%

Wadarta

260,977,000

441,000,000



Afrika waxa ku yaalla 16 dal oo aan marin badeed lahayn, kuwaas oo inta badan la ildaran sicir barar, kharash gaadiid oo sarreeya, iyo awood ganacsi oo xaddidan. Dalalkaasi waxa ka mid ah Itoobiya, Uganda, Rwanda, Burundi, Chad, Koonfur Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Isku darka tirada dadka dalalkan uu dhow geeska Afrika—oo maanta ka badan 260 milyan, kuna sii jeeda inay ka bataan 440 milyan sanadka 2050—wuxuu ka dhigan yahay suuq ka weyn dalal badan oo dunida hormuud ka ah.


Inta badan dalalkan bad-la’aanta ah waxay si khasab ah ugu xiran yihiin marinno fogfog, qaali ah, ama xasilooni darro ka jirto. Dalalkaasi na mar walba waxay uu baahanyihiin inay dhowr dekadood iyo dhowr aag ganacsi (trade routes) ku xidhnaadaan. Marka Somaliland la aqoonsado, Berbera waxay ka baxaysaa xaaladdii “deked ku jirta mugdi sharci”, waxayna isu beddelaysaa deked buuxda oo caalami ah, ay si kalsooni leh u isticmaali karaan shirkadaha maraakiibta, hay’adaha caymiska, bangiyada, iyo maalgeliyeyaasha caalamiga ah. Taasi waxay abuuraysaa marin labaad oo waxtar leh, isla markaas na kaabaya Djibouti, ma aha mid beddelaya, balse mid ballaadhinaya awoodda guud ee gobolka.


Djibouti keligeed ma qaadi karto miisaankan, keligeed na ma soo jiidan karto maalgashiga kaabeyaasha (tareenno, wadooyin, kayd, warshado) ee loo baahan yahay. Iskaashi Djibouti–Somaliland ayaa ka dhigaya mashruucan mid la rumaysan karo, la maalgelin karo, lana damaanad qaadi karo.


Istiraatiijiyadda Laba-Dekedood: Djibouti iyo Somaliland oo Isku Bedelaya Xarun Qaaradda


Taariikhda ganacsiga caalamiga ahi waxay muujisay in hal deked ay tahay meel, balse laba ama ka badan ay yihiin xarun (Trade Hub). Marka dekedo casri ah ay ku wada yaallaan hal marin istiraatiiji ah, waxa kordha tirada maraakiibta waaweyn, joogtaynta safarrada, iyo kalsoonida suuqyada caalamiga ah. Tani waa waxa loo yaqaan “network effect”—saameynta shabakaddu keento.


Haddii Djibouti iyo Somaliland ay wada shaqeeyaan,oo dhowr dekedadood oo isku xidhan yeelshaan, waxay isu beddeli karaan albaabka ugu muhiimsan ee Qaaradda Afrika. Halkii ay ku tartami lahaayeen hal dal (Itoobiya), waxay wada maamuli karaan isu socodka badeecadaha ee boqollaal milyan oo qof oo ku nool dalalka aan bad lahayn ee Bariga iyo Bartamaha Afrika. Tani waa istiraatiijiyad ka waara, kana faa’iido badan xaaladda hadda jirta.


Kaabeyaasha Isku Xidhan: Furitaanka Hantida Xayiran

Dalal badan oo xabsi juqraafi ku jira waxay leeyihiin kheyraad dabiici ah—saliid, macdan, beeraha—laakiin hantidaasi waa “xayirantahay”, sababtoo ah kharashka gaadiidka ee lagu gaadhsiinayo dekedaha ayaa ka badan qiimaha badeecadda lafteeda. Aqoonsiga Somaliland wuxuu u sahlayaa in la helo maalgelin caalami ah oo lagu dhiso kaabeyaasha xuduud-dhaafka ah: wadooyin, tareenno, iyo xarumo kayd.


Dhowr dekedood oo isku xiran—Djibouti (Doraleh, Tadjourah) iyo Somaliland (Berbera)—waxay ka dhigayaan mashaariicdan kuwo macquul ah, la maalgelin karo, isla markaana faa’iido u leh dhammaan dhinacyada. Tani waxay ka dhigan tahay in kheyraadka Koonfur Suudaan, Chad, ama Bartamaha Afrika uu si toos ah u gaadhi karo Gacanka Cadmeed.


Dhaqaale Ka Baxsan Transit: Maaliyad, Warshado, iyo Aqoonta Mustaqbalka

Marka isu socodka ganacsigu kordho, baahidu kuma eka dekedo iyo wadooyin oo keliya. Waxaa dhasha baahi loo qabo bangiyo, caymis, sharci ganacsi, iyo adeegyo maaliyadeed. Djibouti iyo Berbera waxay fursad u haystaan inay noqdaan xarumaha maaliyadeed ee dalalka bad-la’aanta ah, iyagoo ka faa’iidaysanaya socodka badeecadaha iyo lacagta.


Sidoo kale, aagagga dhaqaale ee gaarka ah (SEZs) ee Berbera iyo Djibouti waxay u oggolaanayaan in badeecooyinka aan keliya la sii gudbin, balse lagu farsameeyo, lagu qiimeeyo, lana dhoofiyo. Tani waxay shaqo abuur ballaadhan u horseedaysaa bulshada, waxayna ka beddelaysaa dhaqaalaha mid ku tiirsan kirada iyo transit-ka una guuraya mid wax-soo-saar ku dhisan.


Amni, Xasillooni, iyo Kalsooni Maalgashi

Somaliland oo aan la aqoonsan waxay had iyo jeer ku jirii doontaa xaalad khatar ku ah xasilloonida gobolka. Khilaaf kasta oo ka dhex dhaca Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu si toos ah u wiiqayaa kalsoonida maalgashiga ee Djibouti iyo guud ahaan Gacanka Cadmeed.

Taas beddelkeeda, Somaliland la aqoonsaday waxay keentaa xasillooni sharci, mid amni, iyo mid siyaasadeed—taas oo yaraynaysa khataraha, korna u qaadaysa soo jiidashada maalgashi ee Djibouti lafteeda.


Gabagabo: Aqoonsigu Djibouti uu Maaha Khasaare, Waa Fursad Ballaadhin


Haddii si qoto dheer loo eego, aqoonsiga Somaliland ma aha ciyaar eber-isku-dar ah. Ma aha in Djibouti wax laga qaadayo si Somaliland wax loo siiyo. Waa ballaarin fursad, waa beddelidda hal albaab oo cidhiidhi ah laba albaab oo waaweyn. Iskaashi istiraatiiji ah oo ku dhisan aqoonsi, sharciyad, iyo qorshe wadajir ah wuxuu u beddeli karaa Djibouti iyo Somaliland xarunta ganacsiga Afrika ee qarnigan—albaabka ay ka soo galaan dalalka aan marin badeed lahayn, kana baxaan fursadaha dhaqaale ee caalamka.

bottom of page