top of page

Xisbiyo Aan Aragti Lahayn: Fashilka Nidaamka Axsaabta Somaliland 24 Sano Kadib

Somaliland 24 sano ka hor ayay qaadatay nidaamka xisbiyada axsaabta badan ee Dimuqraaddiyada kaas oo ay kaga sheeggan tahay geeska Afrika.


Waa nidaam dhigaya in dadku u guuraan xisbiyo, aragtiyo, doorasho iyo ilaalinta danta guud iyada oo laga guurayo nidaamka qabaliga, qabyaalada, xulashada iyo danaysiga gaarka ah. Waxase jirta in Somaliland muddooyinkii u dambaysay siyaasad ahaan dhinacaas dhalliilo badani ka soo muuqdeen.


Inkasta oo saaxadda siyaasadda mid furan laga dhigay, haddana siyaasiyiintu waa kuwo kooban oo aan tiradoodu ka badnayn 40 ilaa 80 siyaasi oo caan bulshada ka dhex ah.

Waa siyaasiyiin guur guura oo hadba xisbi gala, marna ka bax. Waa xil soo qabteyaal soo maray xukuumado kala duwan haddana weli xilal raadinaya.


Somaliland Democracy Crisis: Elite Defections and the Tribal Party Trap


Ma jirto aragti khad cas u ah oo aanay ka gudbi karin, hadba halkii ay markaas u arkaan in xil ama xoolo laga heli karo ayay ku biiraan. Xisbi ay shalay bulshada u caayayeen ayay tagaan waxayna ka tagaaan mid ay bulshada shalay ugu tilmaamaayeen in uu yahay barwaaqo sooran iyo xisbi aan isaga la dhaamin. Dantiisa shakhsiga ah ayuu waxkasta ku salleeyaa.


Dhammanba siyaasiyiintani waxa ay ka midaysan yihiin in ay si fudud uga guuraan xisbi uguna guuraan xisbi kale iyaga oo aan sheegin duruuf lagu qanci karo. Siyaasadda ayaana ah hadafka koowaad ee nolosha laga dhigtay guud ahaan Somaliland.


Ma jiro siyaasi awoodda saara adeegyada bulshada iyo ka hadalkeeda sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha , waddooyinka iyo baahiyaha tirada badan ee bulshada haysta.


Waxa mararka qaar dhacda in la arko qof tan iyo tii Cigaal xilal soo qabtay haddana weli xil raadinaya ama xisbi uu ka soo muuqdo baadi goobaya. Ma jirto fursad la siiyo jiilka soo kacaya ama dhaxal siyaasi ah oo looga tago. Waxana la arkikaraaĀ  siyaasi isu-maray dhammaanba xisbiyada Somaliland ka hir galay UDUB, UCID, Kulmiye, Waddani ilaa Kaah.


Dhinaca siyaasiga marka laga yimaaddo, aagga labaad ee fashilku ka muuqdaa waa xisbiyada Somaliland ka dhisan. Xisbiyada waxa markii hore lagu asaasay in ay yihiin madalo Dimuqraadi ah oo lagaga guurayo qabyaaladda iyo goobo la wada lee yahay.

Taasi se kama muuqato waaqica hadda la joogo. Tusaale ahaan, xisbiga Waddani dhawaan waxa uu sheegay in uu u guuray ideology iyo in aragti xisbiga lagu hago lagana guuro nidaamka qabaliga, isla toddobaadkii arrinkaas lagu dhawaaqay waxa uu xisbigu soo dhaweeyey beel iyo madax dhaqameed uu sheegay in ay xisbiga ku soo biireen oo ciwaan looga dhigay magaca beesha.


Dhinaca xisbiga KAAH oo ah xisbiga ugu da'da yar xisbiyada Somaliland, waxa hoggaamiya siyaasi Maxamuud Xaashi oo 6 sano ka hor bannaanka looga tuuray xisbigii uu wax ka asaasay ee Kulmiye. Dad badan ayaa filayey in Kaah uu la iman doono aragti ka duwan ta xisbiyada saaxadda ka jira ama soo mara gaar ahaanna marka ay timaaddo arrimaha kala aragti duwanaanta xisbiga gudihiisa. Hayeeshe xisbiga Kaah waxa uu qaaday tallaabo ka duwan tii la wada filayey waxana uu toddobaadkan xisbiga ka saaray xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye oo ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeennada xisbiga kaas oo la yimi aragti xisbiga ka duwan. Weliba si deg deg ah ayaa tallaabadaas looga qaaday xildhibaanka!.


Xisbiyada Somaliland inkasta oo ay ku doodaan in ay yihiin Dimuqraadi aaminsan kala aragti duwanaanta haddana taasi kama dhex muuqato waxana mar kasta bannaanka xisbiga looga saaraa ciddii aragti ka duwan la timaadda. Waana mid ay xisbiyadu ka siman yihiin intaba badan.


Saddexda qodob ee mideeya xisbiyada Somaliland ayaa ah.


In ay soo dhaweeyaan xafladana u qabtaan siyaasiyiin 20kii sano ee u dambeeyey siyaasadda hadba xisbi u guurayey oo aan lahayn aragti uu hal meel ku adkaysan karo.

In aanay dhexdooda ka jirin kala aragti duwanaan laysku dhaliili karo ama laysugu dulqaadan karo khaladka dhexdooda ka yimaadda.


In deegaannada laga codeeyo xisbiyadu xasuustaan xilliga doorashada oo keliya.

bottom of page