5 Sano Kadib Doorashooyinkii Isku-sidkanaa: Laba Gole oo Kala Jihaystay iyo Muddo-kordhinta Somaliland
- Hassan Gallaydh

- Jun 1
- 4 min read
HARGEYSA - Maalintii taariikhiga ahayd ee 31-kii May sannadkii 2021-kii, indhaha caalamka iyo kuwa gobolkuba waxa ay si buuxda u soo eegayeen Jamhuuriyadda Somaliland, xilligaas oo dadweynuhu ay si weyn ugu dareereen goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada. Doorashadan oo ahayd tii 7aad ee hab dimuqraadi ah uga qabsoonta Somaliland, waxa ay lahayd weji gaar ah, maadaama ay ahayd markii ugu horraysay ee taariikhda dalka laba sanduuq oo isku sidkan hal mar cod lagu wada ridayo.
Doorashadaasi waxa ay u dhacday si nabad gelyo ah oo aan deero deero hirdiyin, iyada oo ay ka soo bexeen ifafaaleyaal siyaasadeed oo cusub. Waxa si weyn loo yareeyay tirada xubnaha Goleyaasha Deegaanka si loo tayeeyo maamul daadajinta, halka Golaha Wakiiladana ay ku soo bexeen 82 mudane. Xusuusta aan tirmayn ee doorashadaas waxa ka mid ahaa labadii mudane ee ugu codka badnaa taariikhda doorashooyinka dalka.

Cabdikariin Axmed Mooge oo helay 26 kun oo cod iyo Barkhad Jaamac Batuun oo helay 21 kun oo cod, kuwaas oo labadooduba ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxaanay fariin cad u direen in shacabku si xooggan ugu oommanaa is-beddel iyo wejiyo siyaasadeed oo dhallinyaro ah.
Dhammaadka Wakhtigii Dastuuriga Ahaa iyo Bilowga Muddo-kordhinta
Maanta oo aynu joogno 5 sano kadib, waxa si rasmi ah u dhammaaday wakhtigii uu Dastuurku u jideeyey xil-haynta sharciga ah ee labada Gole. Sida caadada ka noqotay hannaanka siyaasadda Somaliland, waxa durba bilaabmay wakhtigii muddo-kordhinta oo hadda laga dhigay laba sano iyo dhawr bilood oo dheeraad ah. Haddaba, marka aynu dib u milicsanno shantii sano ee la soo dhaafay, labadan gole waxa ay soo mareen is-beddello siyaasadeed oo aad u kala duwan, kuwaas oo si dhab ah u qeexaya dabeecadda siyaasadda gudaha ee xilligan.
Golaha Wakiilada: Xasillooni Xubnood iyo Loollan Guddoon
Golaha Wakiilada ee maanta fadhiya waxa uu muujiyay laba weji oo is-diiddan. Dhinaca xubnaha, waxa golaha ka muuqatay xasillooni layaab leh. Shantaas sano gudahood, waxa golaha ka baxay 3 xildhibaan oo keli ah. Mid waxa tiisa Alle u yimid oo wuu geeriyooday, mid labaadna gabi ahaanba Somaliland ayuu ka tanaasulay oo masraxa siyaasadda isaga baxay, halka xildhibaanka saddexaadna xil wasiirnimo loo magacaabay. Booskoodii waxa si habsami leh u beddelay saddex xubnood oo kaydka liiska ku jiray, kuwaas oo ay ka mid tahay hal xildhibaan oo haween ah. Tani waxay yara dabcisay eedaymihii ahaa in golahaasi aanu lahayn matalaad dumar markii la soo doortay 2021-kii.
Dhinaca kale, loollanka awoodda ee guddoonka ayaa ahaa mid taariikhi ah. Markii golaha la dhaariyay, isbahaysiga mucaaridka ayaa la wareegay hoggaanka golaha. Hase yeeshee, siyaasaddu ma laha saaxiib joogto ah, waxaana meesha ka baxay Guddoomiyihii koowaad ee golaha oo xilka banneeyay, taas oo waddada u xaadhay in goluhu yeesho Guddoomiye labaad. Tani waxay muujinaysaa in kasta oo kuraasta xildhibaannadu ay deganaayeen, haddana in hagidda goluhu ay la kowsatay ruxan siyaasadeed oo baaxad leh.
Goleyaasha Deegaanka: Hirdanka Kuraasta Maayirrada iyo Dhaqanka Kacdoonka
Haddii Golaha Wakiiladu ay lahaayeen xasillooni xubneed, Goleyaasha Deegaanka ee la soo doortay 2021-kii waxa ay noqdeen kuwii ugu kacdoonka iyo degenaansho la'aanta badnaa taariikhda dalka. Dhaqanka mooshinka iyo hirdanka isbahaysiyada ayaa harqeeyay golayaashan, taas oo meesha ka saartay yoolkii ahaa in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo u-adeegidda degmooyinka.
Falanqaynta tirakoobka is-beddelka maayirradu waa mid sawir cad inaga siinaysa xaaladda cakiran:
Caasimadda Hargeysa: Waxa ay shantan sano yeelatay laba maayir.
Magaalada Burco: Xuddunta ganacsiga iyo siyaasadda gobollada bariga, waxa ay yeelatay saddex Maayir iyo saddex Maayir ku-xigeen, taas oo muujinaysa loollan aad u adag oo xildhibaannada deegaanka dhexdiisa ka aloosan.
Magaalada Boorama: Sidoo kale waxay yeelatay saddex Maayir muddo shan sano gudahood ah.
Magaalada Gebilay: Waa degmada ugu kacdoonka badan Somaliland, waxaanay shantan sano dhexdeeda yeelatay afar Maayir. Celcelis ahaan maayir kastaa waxa uu xafiiska joogay wax ka yar sannad iyo badh, arrintaas oo caqabad weyn ku ah fulinta mashaariicda horumarineed ee muddada dheer.
Deegaanadda Deggan: Ceerigaabo, Berbera iyo Laascaanood
Dhinaca kale, waxaa jira magaalooyin si buuxda u diiday mowjaddaas ruxmaysa, kuwaas oo muujiyay bisayl iyo xasillooni maamul. Saddexda magaalo ee Ceerigaabo, Berbera iyo Laascaanood waxa illaa maanta ka talinaya maayiradii koowaad ee la doortay 2021-kii. Arrintan ayaa loo aanayn karaa saamaynta iyo miisaanka siyaasadeed ee maayirada qaar, ama xaaladaha gaarka ah ee amniga iyo bulshada oo isku-duubni ku qasbay golayaashooda deegaanka.
Maxaa La Gudboon Xilliga Muddo-kordhinta?
Hadda oo aynu u tallaabnay wejigii muddo-kordhinta, su'aalo waaweyn ayaa dul hoganaya fagaaraha siyaasadda Somaliland. Labada sano iyo bilaha ee soo socda maxaa dhici doona? Miyay soo ifbixi doonaan mooshino cusub oo lagu rido maayirrada hadda jooga, mise culeyska doorashooyinka madaxtooyada ee foodda inagu soo haya ayaa xakamayn doona hirdankaas? Guddoonka Golaha Wakiilada is-beddel hor leh ma ku iman doonaa kahor inta aan la gaadhin doorashada dambe ee wakiilada?
Waa su'aalo jawaabahooda la wada sugayo. Balse waxa hubaal ah in shacabka Somaliland oo markii hore u codeeyay is-beddel xad-dhaaf ah ay maanta barteen cashar cusub. Casharkaas oo ah in doorashadu aanay ahayn dhammaadka xalka, balse ay tahay bilowga loollan siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn, kaas oo u baahan la-xisaabtan joogto ah si looga dhabeeyo himilooyinka horumarineed ee qaranka.



