top of page

Sooyaalka Maxamed Kaahin iyo wuxuu Kaga Duwan Yahay Musharraxiinta Kale?

Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta si rasmi ah loogu doortay in uu noqdo musharraxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye ku metelaya doorashada 2029-ka. Isaga oo noqday Musharraxii saddexaad ee xisbigan uu yeelanayo.


Kaahin, ma ah shakhsi ku cusub siyaasadda Somaliland, waxa uu jirey muddo 40 sano ka badan. Waxana uu ka mid yahay saraakiishi ugu horreeyey ee bud dhigga u ahaa jabhaddii SNM. Waxa uu soo qabtay xilal kala duwan muddadii uu saxaadda ku jirey.

waxa lagu tilmaamaa in uu lee yahay dhinacyo uu kaga horreeyo siyaasiyiinta xilligan ku jirta saaxadda siyaasadda ee Somaliland.


Mohamed Kahin Ahmed: Legacy, Anti-Corruption Record, and the 2029 KULMIYE Ticket

Arrimaha Kaahin lagu majeerto ama lagu ammaano waxa ka mid ah:

In uu yahay shakhsi ka dheer musuq maasuqa.

Musharrax Maxamed Kaahin, waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta Somaliland ee weligood aan lagu dhalliilin in ay sameeyeen wax is daba marin iyo musuq- maasuq ama in ay xantoobsadeen xoolo dadweyne. Waxa uu muddo 7 sano ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo ka mid ah wasaaradaha ugu culus xukuumadda Somaliland isaga oo dalkana uu saaxiibkii Muuse Biixi madaxweyne ka ahaa. Haddana lama sheegin, lamana diwaan gelin musuq maasuq, xatooyo iyo arrrimo uu ku kacay muddadaas uu wasaaradda hayey.


Ma jirto guryo uu ka dhistay hanti dawladeed, ganacsiyo uu samaystay iyo wax uu gaar uga qaatay hantida dadka ka dhaxaysa. Waana arrin ay u qirsan yihiin dad badan oo ka mid ah Shacabka reer Somaliland iyo xattaa siyaasiyiinta ay iska soo horjeedaan.

Waa Shakhsiga ugu Sooyaalka dheer siyaasiyiinta Somaliland ee xilligan loollamaya.

Wakhti xaadirkan, ma jiro siyaasi taariikh ahaan la mug ah musharrax Kaahin gaar ahaanna marka aynu ka hadlayno arrimaha Somaliland. Waxa uu ka mid yahay afartii sarkaal ee ugu hor tallaabay saraakiishii SNM, waxa uu ka mid ahaa wasiirradii ugu horreeyey ee xukuumaddii madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxa uu ka mid noqday asaaseyaashiii ururkii Asad, muddo 8 sano ah ayuu ahaa mucaarid mayal adag oo ka ciidamiyay Kulmiye. Waxa uu ahaa wasiirkii ugu muddada dheeraa wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland soo mara.


Taariikh ahaan, ma jiro musharrax sooyaal ahaan u dhigma dhammaanba madaxda loo saadaalinayo in ay u tartamaan xilka madaxweyne ee Somaliland.

In uu yahay siyaasi aan haysan Passport shisheeye.

Musharrax Maxamed Kaahin Axmed waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta reer Somaliland ee weligood degel fadhiga ahaa, ma haysto Baasaboor waddan shisheeye sida ragga kale ee siyaasadda Somaliland ku jira intooda badan. Ma ah siyaasiyiinta u daloola dalalka shisheeye arrintan oo ay ka siman yihiin saaxiibkiisii hore Muuse Biixi Cabdi oo isna ah dal joog waddankiisa aaminay.


Waxa intaa u sii dheer, in aanu ahayn siyaasiyiinta jecel ka muuqashada saxaafadda ama aan hadalka badan Warbaahinta la wadaagin.

Musharraxnimadiisa maantu waxa ay noqonaysaa markii koowaad ee la ogaado musharrax u taagan xilka madaxweyne doorashada soo socota ee Kulmiye halka xisbiyada kale aanay weli dooran ciddii tartanka ku meteli lahayd.


Da’diisa.

Waa 73 jir Askari hore ah afar sannaood ka hor warraysi uu siiyay wariye Hassan Gallaydh oo xilligaa ka shaqaynayay HCTV ayuu ku waydiiyay sida uu u arko da’ adiisa iyo doorashada madaxweyne ee sannadka 2029, waxana uu ku jawaabay Kaahin in aanu wax werwer ah ka qabin arrinta da’du inay caqabad ku noqoto damaciisa madaxweynimo.

Maxaa la gudboon hadda Kaahin ?

Maxaa La Gudboon Hadda Kaahin?

Arrinta ugu weyn ee laga sugaa waa in uu degdeg u dhammeeyo xurgufta siyaasadeed ee u dhexaysa saaxiibkiisii siyaasadeed ee Muuse Biixi Cabdi oo aan la qarin karin in uu saamayn ku yeelanayo doorashada madaxtooyada ee qorshaysan sannadka 2029-ka.

bottom of page