Saaxiibtinimada iyo Loollanka Siyaasadda: Kulan Kedis ah oo Dhexmaray Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin
Updated: Jul 24
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay socdaalkii lama filaanka ahaa ee uu maanta ku tegay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE. Socdaalkan ayaa loo arkaa iftiin cusub oo dhinaca nabadda ah kadib xiisad siyaasadeed oo soo kala dhex gashay asaga iyo saaxiibkiisii muddada dheer ahna Guddoomiyaha xisbiga, mudane Maxamed Kaahin Axmed.
Madaxweyne hore Muuse Biixi ayaa shaaciyay in ujeeddada kulankoodu ahayd sidii looga wada xaajoon lahaa xaaladda cakiran ee xisbiga iyo hawlaha la xidhiidha qaban-qaabada xisbiga. Isaga oo muujinaya in uu qaadanayo doorkiisa odaynimo, waxa uu caddeeyay in arrimaha khilaafka abuuray lagu dhammayn doono is afgarad.
āKulankayaga waxaan kaga wada hadalnay xaaladda iyo hawlaha xisbiga, waxaanan si qoto dheer uga wada hadalnay hawlaha iyo waajibaadka baaxadda leh ee horyaalla,ā ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Marka la rogrogo fariinta kasoo baxday madaxweynihii hore, waxa soo baxaysa in ay jirto rajo aad u weyn oo ah in khilaafka xisbiga KULMIYE uu soo afjarmo, xisbiguna uu ka baxo xaaladda kala-qaybsanaanta ee uu waqtigan ku jiro. Dhinaca kale, Guddoomiye Maxamed Kaahin Axmed weli wax war ah kama soo saarin booqashada saaxiibkiis saaka ugu yimid iyo qodobadii hoose ee ay isku afgarteen.

Taariikhda Rafiiqnimada: Ka Bilaabata SNM Ilaa Madaxtooyada
Si loo fahmo miisaanka kulankan, waa in dib loo raaco sooyaalka xidhiidhka labadan haldoor. Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed waxa lagu tilmaami karaa saaxiibada ugu muddada dheer saaxadda siyaasadda Somaliland. Ku dhawaad 50 sano ayay ahaayeen rafiiq jid-wadaag iyo jabad-wadaag ah oo isla soo maray waayo kala duwan.
Xidhiidhkoodu waxa uu soo taxnaa xilligii ay ka wada tirsanaayeen ciidankii xoogga dalka ee Soomaaliya, waxaanu isku beddelay mid milatari markii ay labadoodubaku biireen jabhaddii SNM. Waxay ka wada tirsanaayeen garabkii saraakiisha ee SNM, kaas oo ahaa garab aad u xooggan, marar badanna afkaaro ka duwan lahaa garabka rayidka (Calancas).
Kadib curashadii Somaliland, saaxiibtinimadoodii way sii xoogaysatay. Waxay si dhaw u wada shaqeeyeen xilligii xisbiga KULMIYE ku jiray mucaaridka. Maxamed Kaahin ayaa noqday difaacaha koowaad ee damacii siyaasadeed ee Muuse Biixi. Shirkii magaalada Burco ee 2008-dii, Kaahin waxa uu is-hortaagay rag culus oo uu ka mid ahaa halgamaa Ibraahim Dhegaweyne, isaga oo taageeradiisa siiyay in Muuse Biixi noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee xisbiga, lagana saxeexo in xilka guddoomiyaha lagu wareejin doono haddii xisbigu ku guulaysto doorashada.
Markii KULMIYE talada la wareegay 2010-kii, Maxamed Kaahin (oo ahaa afhayeenka xisbiga) wax xil ah kama doonan xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu doorbiday in uu wehel u ahaado Muuse Biixi, xilli xidhiidhka xukuumadda iyo guddoomiyaha xisbigu uu ahaa mid mugdi ku jiro. Difaaca Kaahin waxa uu mar kale tijaabadii ugu adkayd maray 2014-kii, markii xukuumaddii KULMIYE ay olole adag ku qaadday damacii Muuse Biixi ee ahaa in uu noqdo musharraxa madaxweynaha. Maxamed Kaahin, oo gacan ka helaya guddoomiyihii Golaha Dhexe Jaamac Shabeel, waxa uu u badheedhay in uu saaxiibkii ka difaaco mashiinka dawladda.
Abaalka difaacaas waxa uu soo guda-galay 2017-kii markii Muuse Biixi loo doortay madaxweynaha dalka. Waxa uu saaxiibkii ku maamuusay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo uu Kaahin hayay ilaa 2024. Intaas kuma ekaan, ee sannadkii 2023, Muuse waxa uu saaxiibkii ku wareejiyay kursigii Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.
Khilaafka Cusub iyo Rajada Dib-u-Heshiisiinta
Hase ahaatee, jawigii saaxiibtinimo waxa uu is beddelay kadib guul-darradii xisbiga KULMIYE kala kulmay doorashadii sannadkii 2024. Guul-darradaasi waxay soo dhex gelisay shaki iyo kala aamin-bax. Bilihii u dambeeyay, labada masuul ayaa si dadban saxaafadda isu mariyay hadallo kulul, iyada oo xubnihii sarsare ee xisbiga ay u kala jabeen laba garab, inkasta oo aqlabiyaddu raacday dhanka Guddoomiye Kaahin. Udub-dhexaadka khilaafkoodu waxa uu salka ku hayaa mustaqbalka xisbiga iyo cidda qaadanaysa awoodda go'aan ka gaadhista xulista hoggaanka cusub.
Kulankan maanta dhexmaray Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, oo ah kii ugu horreeyay ee weji-ka-weji ah muddo kadib, ayaa sare u qaaday weydiimo ah: Labadan saaxiib ma xallisan karaan khilaafkooda iyaga oo aan cid saddexaad u baahan?
Marka la eego sooyaalkooda isku-xidhan ee dheer iyo xaaladda xisbiga oo aan wali gaadhin heer aan laga soo noqon karin, rajadu waa weyn tahay. Tallaabada uu Muuse Biixi ku tegay xarunta xisbiga waxay muujinaysaa rabitaan dhab ah oo ku aaddan in laysu tanaasulo. Filashada siyaasadeed ayaa ah in shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee la filayo in uu qabsoomo toddobaadka dambe, uu noqdo madal ay dib ugu soo laabato wada-shaqayntii labadan rug-caddaa, taas oo soo afjari karta khilaafka baabi'in gaadhay xisbiga talada dalka soo hayay 14-ka sano.




