KULMIYE oo Doortay Musharraxiinta 2029 iyo Guusha Maxamed Kaahin
- Hassan Gallaydh

- 3 days ago
- 4 min read
Updated: 2 days ago
HARGEYSA (July 28, 2026)Ā Xisbiga KULMIYE oo ah xisbi-siyaasadeedka ugu da'da weyn saddexda xisbi qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabtay shirweynihiisii 9-aad ee Golaha Dhexe. Shirkan oo ku soo beegmay xilli xisbigu uu galay jawi mucaarad ah kadib doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday sannadkii 2024, ayaa ahaa mid isha si weyn loogu hayay, waxaana ka soo baxay go'aamo masiiri ah oo khuseeya mustaqbalka hoggaaminta xisbiga iyo doorashada madaxtooyada ee la filayo sannadka 2029.
Fadhigan ayaa xubnaha Golaha Dhexe ay cod aqlabiyad ah ugu doorteen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, in uu noqdo musharraxa madaxweynaha ee xisbiga uga qayb-geli doona tartanka madaxtooyada ee 2029. Natiijada codbixinta oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa muujisay in Maxamed Kaahin uu helay taageerada 409 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe, taas oo ka dhigaysa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee si buuxda ula wareega calanka musharraxnimada KULMIYE tan iyo markii uu xilka banneeyay madaxweynihii hore.

Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Qaab-dhismeedka Golaha
Loollankii dhinaca jagada musharraxa madaxweyne ku-xigeenka ayaa isna lagu doortay Dr. Maxamed Maxamuud Cabdillahi (Shiine), oo ah aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Awdal, muddooyinkii dambena ka mid ahaa qurbajoogta sida dhow ula socday siyaasadda dalka. Xulashada Dr. Shiine ayaa ka turjumaysa istaraatiijiyad uu xisbiga KULMIYE ku doonayo in uu dib ugu kasbado kalsoonida codbixiyeyaasha gobolka Awdal, halkaas oo xisbigu uu doorashadii u dambaysay ka kulmay cadaadis siyaasadeed oo xooggan.
Sidoo kale, shirka ayaa lagu dhammaystiray hoggaanka sare ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE. Mudane Muuse Ibraahim Yuusuf (Salaf) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Axmed Maxamuud Jaamac ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeen, halka Xirsi Cabdillaahi Xirsi loo xaqiijiyay in uu noqdo Xoghayaha Golaha Dhexe.
Si loo buuxiyo kuraastii bannaanaatay ee xubnihii golaha ka baxay ama geeriyooday, shirweynaha ayaa si rasmi ah u ansixiyay 211 xubnood oo cusub oo lagu soo kordhiyay Golaha Dhexe, taas oo tirada guud ee xubnaha golaha ka dhigtay 576 mudane.
Aragtida Kaahin iyo Digniinta "Gole-Ka-Fuulka"
Guddoomiye Maxamed Kaahin Axmed oo khudbad dheer ka jeediyay madasha kadib doorashadiisa ayaa xubnaha xisbiga u ballanqaaday in uu dalkiisa iyo xisbigiisa u horseedi doono nidaam ku dhisnaan doona karti iyo dal-jacayl. Wuxuu xusay in uu sii wadi doono halganka dheer ee loo jiro madax-bannaanida iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.
"Mar haddii maanta Xisbigu ii gartay inaan noqdo Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE ee doorashada madaxtooyada 2029, waxaan sii wadi doonaa dedaalka helista aqoonsi caalami ah, horumarka iyo adkaynta dimuqraadiyadda iyo midnimada reer Somaliland," ayuu yidhi Maxamed Kaahin.
Isaga oo ka hadlayay khilaafyada hoose iyo anshaxa xisbiga, waxa uu caddeeyay in xisbiga KULMIYE uu leeyahay madalo u gaar ah oo lagu falanqeeyo afkaarta kala duwan, isaga oo bannaanka soo dhigay dulqaad la'aanta uu u qabo kooxaysiga:
"Sifaha keliya ee aynuu xisbigeenna ku ilaalin karnaa waa in aynuu afkaarteenna kala duwan xisbiga dhexdiisa kaga doodno, laakiin bannaankiisa iyo gole-ka-fuul KULMIYE waa ka xaaraan."
Dhinaca kale, Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka Dr. Maxamed Maxamuud (Shiine) ayaa dhankiisa muujiyay dareen kalsooni leh, isaga oo sheegay in aqoontii iyo khibraddii uu xambaarsanaa uu ku soo kordhin doono hab-sami-u-socodka xisbiga iyo guud ahaan qaranka.
Wejiga Mucaaradka iyo Abaalka Kaahin
Hoggaanka sare ee xisbiga ayaa shirka uga faa'iidaystay in ay si cad u qeexaan doorka KULMIYE ee waqtigan xaadirka ah. Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee xisbiga, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in KULMIYE uu isku duba-riday awooddiisa, isla markaana uu diyaar u yahay u-taagnaanta mucaaradad sharci ah oo wax dhowrta.
"KULMIYE waa xisbi mucaarad ah oo adag oo toosinaya khaladaadka xukuumadda maanta jirta. KULMIYE kuma kala tago afkaarta kala duwan iyo damaca ragga qoodha ah, maantana waa sidaas oo kale, arrimihiisana waxa ay ku dhammaysanayaan dood, isu-tanaasul iyo isku dulqaadasho," ayuu yidhi Samaale.
Sidoo kale, wasiirkii hore ee Warfaafinta oo ka mid ah saraakiisha sare ee xisbiga, Mudane Saleebaan Cali Koore, ayaa ku nuuxnuuxsaday in Maxamed Kaahin uu gashay abaal taariikhi ah oo ku saabsan is-garab-taagii dheeraa ee uu xisbiga u soo huray:
"Labada oday ee maanta aynuu sharaxnay waynu dhisaynaa. Maxamed Kaahin xaq buu dalkan ku leeyahay, cid maanta ka mudanina ma jirto."
Maqnaanshaha Muuse Biixi iyo Caqabada Khilaafka Hoose
In kasta oo shirku uu si habsami leh ugu soo dhammaaday garabka Maxamed Kaahin, haddana sawirka guud ee madasha ayaa ahaa mid aan dhammaystirnayn marka loo eego xubno culus oo kuraastooda bannaanayd. Sida ay warbaahintu soo tabisay, shirkan waxaa si buuxda u qaadacay oo ka maqnaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ilaa hadda xisbiga ku leh saamayntii ugu ballaadhnayd.
Sidoo kale waxa qaadacaadda la wadaagay Guddoomiye Ku-xigeenka Afraad ee xisbiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, iyo Amb. Cismaan Badmaax oo hore u ahaa hoggaamiyihii urur-siyaasadeedkii Mideeye oo dhawaan ku biiray KULMIYE. Maqnaanshaha raggan ayaa salka ku haya khilaaf soo jiitamayay oo ka dhashay qaab-dhismeedka doorashada iyo sida loo wajahayo dib-u-uqaabaynta hoggaanka sare kadib guul-darradii doorashadii madaxtooyada ee 2024. Garabka Muuse Biixi ayaa rumeysan in loo baahan yahay wada-tashi ballaadhan oo ka wada-dhexeeya dhammaan saamilaydii xisbiga ka hor inta aan la soo xulin musharrax qaran.
Si buuqan siyaasadeed loo qaboojiyo, siyaasiga Cabdikariin Xinif oo ka mid ah saraakiisha KULMIYE ayaa meesha ka saaray in madaxweynihii hore la nidaam-dhaafay ama laga saaray xisbiga:
"Xisbiga KULMIYE aan laga saarin Madaxweyne hore Muuse Biixi, wuxuuna yahay Muuse Biixi odaygii xisbiga, sida oo kale wuxuu yahay guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee soo mara xisbiga KULMIYE."
KULMIYE oo Wajiiyey Waddo Cusub
Shirkan maanta ka soo gaba-gaboobay Hargeysa ayaa tillaabo cad u qaaday weji cusub oo ay hoggaaminayaan Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Maxamed Maxamuud (Shiine). Waxa uu ku guulaystay in uu xisbiga siiyo ajande iyo murashaxiin diyaar u ah ololaha sannadka 2029.
Hase ahaatee, falanqeeyayaasha siyaasadda Somaliland ayaa qaba in guusha dhabta ah ee xisbiga KULMIYE aanay ku xidhnaan doonin keliya shirkii maanta, balse ay ku xidhnaan doonto sida hoggaanka cusub uu u maareeyo khilaafka hoose ee sababay in Muuse Biixi iyo xubno ka mid ah miisaanka culus ee xisbigu ay ka maqnaadaan madasha. Mucaaradnimada dhabta ah ee toosin karta Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxay u baahan doontaa in KULMIYE uu marka hore soo afjaro kala-jabkiisa hoose, isla markaana uu saf qudha isugu geeyo cududdiisa iyo awooddiisa siyaasadeed.

