top of page


Canada & China: Heshiis Cusub iyo Xidhiidh Diblomaasiyadeed
Canada ayaa heshiis istiraatiiji ah la gaadhay China, taas oo ka turjumaysa dib u dejin xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal iyadoo la dhimayo cashuuro, lana ballaadhinayo iskaashiga ganacsi iyo maalgashi. Madaxweynaha Canada Mark Carney ayaa sharraxay heshiis cusub oo istiraatiiji ah oo uu la galay Shiinaha intii uu booqasho ku joogay caasimadda Beijing, taas oo calaamad u ah dib u dejinta xiriirka labada dal kadib sannado ay ka jirtay xiisad ganacsi iyo diblomaasiyadeed. Hes
Gallaydh News Desk
Jan 162 min read


Minneapolis Oo Banaanbaxyo Ka Socdaan
Banaanbaxyo xoogan ayaa Minneapolis ka socda kaddib markii sarkaal ka tirsan ICE uu toogtay Renee Good, taas oo dhalisay mudaaharaadyo ballaadhan oo ka dhan ah hay’adda socdaalka Maraykanka iyo siyaasaddeeda adag ee muhaajiriinta. Minneapolis, gobolka Minnesota ee Maraykanka, ayaa muddo dheer noqotay goob lagu xusuusto dagaallada bulsho ee ku saabsan caddaaladda, cadaalad-darrada iyo awoodda hay’adaha dowliga ah. Hase yeeshee, bishan Janaayo 2026, magaalada ayaa markale soo j
Hassan Gallaydh
Jan 153 min read


Madaxweeyne Cirro Oo Gaadhay Wall Street
Madaxweyne Cirro ayaa The Wall Street Journal ku faahfaahiyey aqoonsiga Israel iyo doorka istaraatiijiga ah ee Somaliland ee Geeska Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maqaal taariikhi ah ku daabacay wargeyska caalamiga ah ee The Wall Street Journal, kaas oo ka mid ah wargeysyada ugu saamaynta badan dunida Galbeedka. Qoraalka madaxweynuhu waxa uu ahaa mid si xeel dheer u iftiiminaya qaddiyadda Somaliland iyo aqoonsiga ay d
Hassan Gallaydh
Jan 152 min read


London Oo U Banaanbaxday Somaliland
Qurbajoogta Somaliland iyo siyaasiyiin Ingiriis ah ayaa London ku muujiyey cadaadis cusub oo lagu dalbanayo in UK si rasmi ah u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland. Magaalada London ee caasimadda Boqortooyada Ingiriiska ayaa martigelisay bannaan-bax ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Somaliland, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in lagu dalbado in dawladda UK ay aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland. Bannaan-baxan oo ka dhacay fagaaro waaweyn oo London ah ayaa isu beddelay b
Hassan Gallaydh
Jan 142 min read


Kenya Oo Hakisay Heshiiskii Shiinaha
Kenya Oo Dib U Dhigtay Heshiis Ganacsi oo Ay La Gashay Shiinaha Kadib Cadaadis Ka Yimid Maraykanka Dawladda Kenya ayaa si lama filaan ah dib ugu dhigtay fulinta heshiis ganacsi oo ballaadhan oo ay la gashay dawladda Shiinaha, kaddib cadaadis xooggan oo diblomaasiyadeed oo uga yimid Maraykanka. Heshiiskan oo muddo laga shaqaynayey ayaa la filayey in uu xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee Nairobi iyo Beijing, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgelinta iyo ganacsiga. S
Hassan Gallaydh
Jan 132 min read


Soomaaliya Oo Ka Baxday Heshiiskii Imaaraadka
Muqdisho oo ku jirtay cadaadis xulafo ayaa go’aan istiraatiiji ah ka qaadatay xiriirkii milatari ee UAE. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si degdeg ah ugu dhawaaqday inay ka baxday heshiiskii difaac iyo iskaashi ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta, go’aan si weyn u muujinaya isbeddelka xulafada iyo jihada siyaasadda dibadda ee Muqdisho. Go’aankan ayaa yimid kaddib cadaadis is biirsaday oo kaga yimid Turkiga iyo Sucuudiga, kuwaas oo hadda noqday tiirarka ugu waaweyn ee taage
Hassan Gallaydh
Jan 132 min read


Somaliland: Go’aamada Muqdisho Nama Khuseeyaan
Wasiir Fu’aad Oo Adkeeyey Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in aanay khusayn go’aamadii maanta ay soo saartay dawladda Soomaaliya. Wasiir Fu’aad ayaa sheegay in xidhiidhka Imaraadka Carabta iyo Somaliland yahay mid qoto dheer. “Xidhiidhka u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku dhisan yahay iskaashi istaraatiiji ah oo saldhig u ah muhiimada juq
Hassan Gallaydh
Jan 131 min read


Deni: Midnimo Laguma Helo Aflagaado
Deni: Midnimo Laguma Helo Aflagaado ee Waxaa Lagu Helaa Garnaqsi iyo Garowshiiyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa hadal miisaan leh ka jeediyey kulan uu la yeeshay dhallinyarada Puntland, isaga oo si adag u dhaliilay jihada siyaasadeed ee Soomaaliya maanta ku socoto. Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay marayso marxalad ay dunidu ka sii quusanayso, taas oo uu sabab uga dhigay hoggaan la’aan, is-maandhaaf siyaasadeed, iyo hab-maamul liita. Deni wuxuu carrabka
Hassan Gallaydh
Jan 122 min read


Iran Oo Gashay Bannaanbaxyo Dhiig Ku Daatay
Iran Oo Wajahaysa Bannaan-baxyadii Ugu Waaweynaa Tan iyo Kacaankii 1979 Iran ayaa wajahaysa bannaanbaxyadii ugu ballaarnaa tan iyo Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979, iyada oo kumannaan qof ay isugu soo baxeen magaalooyinka waaweyn si ay uga mudaaharaadaan sicir-barar, shaqo la’aan, iyo nolosha oo aad u adkaatay. Bannaanbaxyadan ayaa galay toddobaadkoodii saddexaad, waxaana sii kordhaya rabshadaha iyo dhimashada. Xukuumadda Iran ayaa jartay adeegga internet-ka, waxayna bandow k
Hassan Gallaydh
Jan 121 min read


Somaliland Oo Ka Digtay Duullaan Soomaaliya
Somaliland Oo Si Adag U Cambaaraysay Hadallo Duullaan Ku Baaqaya Oo Ka Yimid Soomaaliya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadallo ka soo yeedhay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya, kuwaas oo ku baaqaya in la duqeeyo Somaliland. Hadalladan ayaa si gaar ah uga soo yeedhay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Somaliland waxay hadalladan ku tilmaantay kuwo xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah iyo axdiga Qaramada Midoo
Hassan Gallaydh
Jan 121 min read


Trump Oo Isku Magacaabay Madaxweynaha Venezuela
Trump Oo Isku Magacaabay Madaxweyne Ku-Meel-Gaadh ah Venezuela Kadib Xadhigii Maduro Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale dunida ku kiciyey hadal muran badan dhaliyey kadib markii uu baahiyey sawir uu ku sheeganayo in uu yahay madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee Venezuela. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyihii Venezuela, Nicolas Maduro, lagu xidhay Maraykanka, arrintaas oo si weyn u beddeshay jihada siyaasadda dalkaas. Trump ayaa muddo dheer ku hawla
Hassan Gallaydh
Jan 122 min read


Ethiopia Oo Dhisaysa Garoon Taariikhi Ah
Mashruuc $12 bilyan ah oo la dhammeynayo 2030 ayaa Ethiopia ka dhigi doona xarunta duullimaadyada Afrika, kuna xoojin doona hoggaankeeda gaadiidka cirka. Dawladda Ethiopia ayaa si rasmi ah u guda gashay dhishamaha garoonka ugu weyn qaaradda Afrika kaas oo 28 KM u jira magaalada Addis ababa. Garoonkan oo dhismihiisa la dhammaystiri doono sannadka 2030-ka, waxa ku baxaysa 12 Bilyan oo Dollar Maraykanka, waana mashruucii labaad ee Ethiopia hir geliso qarnigan 21aad ka dib biyo x
Hassan Gallaydh
Jan 101 min read


Maraykanka Oo Joojiyey Gargaarkii Soomaaliya
WFP iyo eedeymo boob ayaa sababay cunaqabatayn dhaqaale. Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay warkii ka soo baxay dawladda Maraykanka ee ku wajahnaa in la boobay ka dibna la dumiyey bakhaarradii Haayadda WFP ee magaalada Muqdisho halkaas oo laga dal dashay gargaarkii loogu tala galay dadka tabaalaysan ee ku dhaqan Soomaaliya. Bayaan ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in bakhaarrada la dumiyey ee muuqaalladooda la helay ay ahaayeen kuwo dib
Hassan Gallaydh
Jan 91 min read


Wasiirro Isku Khilaafay Aqoonsiga Somaliland
Baraha bulshada oo noqday goob dagaal siyaasadeed. Wasiirrada ka wada tirsan dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bilaabay in hadallo kul kul isu mariyaan baraha Bulshada gaar ahaanna barta Face book. Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka fal celiyey War murtiyeedkii ay soo jeediyeen xubnaha ku abtirsada Jamhuuriyadda Somaliland ee qaybta ka ah dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay si dadban u taageereen aqoonsiga Somaliland isaga oo aad u duray i
Hassan Gallaydh
Jan 1, 20261 min read
bottom of page
