Wasiirro Isku Khilaafay Aqoonsiga Somaliland
- Hassan Gallaydh

- Jan 1, 2026
- 1 min read
Updated: Jan 18
Baraha bulshada oo noqday goob dagaal siyaasadeed.
Wasiirrada ka wada tirsan dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bilaabay in hadallo kul kul isu mariyaan baraha Bulshada gaar ahaanna barta Face book. Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka fal celiyey War murtiyeedkii ay soo jeediyeen xubnaha ku abtirsada Jamhuuriyadda Somaliland ee qaybta ka ah dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay si dadban u taageereen aqoonsiga Somaliland isaga oo aad u duray in ay yihiin dad metela Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo u soo jawaabay ayaa Fiqi ugu baaqay in aanu ka hadlin arrimihii uu hore isagu u xumeeyey isaga oo yidhi " Ha tilmaamin aakhiro waxaad tacabtay baa yaalle"
Sidoo kale Wasiirka Beeraha ee Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa isaguna Fiqi ugu jawaabay gabay ah " Allahayow Ferenjigu muxuu nacas fariideeyey, Faa'iida laawiyo nin raga muxuu fayl ka wada yeedhashay"
Hadalladan ayaa ah kuwo ka dhashay aqoonsiga Somaliland, waxana soo baxaysa in dawladda Soomaaliya ay jaha wareer ka qaaday aqoonsiga Somaliland heshay iyada oo dagaalku uu hadda ka dhex qarxay xubnihii xukuumaddii ee ku wada jirey dawladda Xasan Maxamuud.

