Somaliland Oo Ka Digtay Duullaan Soomaaliya
- Hassan Gallaydh

- Jan 12
- 1 min read
Updated: Jan 18
Somaliland Oo Si Adag U Cambaaraysay Hadallo Duullaan Ku Baaqaya Oo Ka Yimid Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadallo ka soo yeedhay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya, kuwaas oo ku baaqaya in la duqeeyo Somaliland. Hadalladan ayaa si gaar ah uga soo yeedhay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Somaliland waxay hadalladan ku tilmaantay kuwo xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah iyo axdiga Qaramada Midoobay. Waxay sidoo kale xasuusisay taariikhda madow ee 1988, markii xukuumaddii Siyaad Barre ay duqaymo culus ku beegsatay magaalooyinka Somaliland.
Digniintan ayaa muujinaysa sida hadallada siyaasadeed ee mas’uuliyiinta Soomaaliya ay u sii fogeynayaan rajadii wada-hadal iyo nabad ku wada noolaansho. Falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in hadallada noocan ahi ay halis ku yihiin xasilloonida Geeska Afrika.
Somaliland ayaa ku adkaysanaysa in ay difaacan doonto jiritaankeeda, isla markaana ay mas’uuliyadda wixii cawaaqib ah dusha ka saari doonto cidda ku baaqday duullaanka.



