Maraykanka Oo Joojiyey Gargaarkii Soomaaliya
- Hassan Gallaydh

- Jan 9
- 1 min read
Updated: Jan 18
WFP iyo eedeymo boob ayaa sababay cunaqabatayn dhaqaale.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay warkii ka soo baxay dawladda Maraykanka ee ku wajahnaa in la boobay ka dibna la dumiyey bakhaarradii Haayadda WFP ee magaalada Muqdisho halkaas oo laga dal dashay gargaarkii loogu tala galay dadka tabaalaysan ee ku dhaqan Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in bakhaarrada la dumiyey ee muuqaalladooda la helay ay ahaayeen kuwo dib u dhis lagu sameeyey oo ay lahayd haayadda WFP balse Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay ka gaabsatay halka la geeyey gargaarkii ku jirey dhismeyaasha cagafta la geliyey ee magaalada Muqdisho.
Maamuulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu Soomaaliya uga fadhiyo xisaab celin dhab ah oo ku wajahan gargaarkii lagu boobay Muqdisho isaga oo hakiyey dhammaanba mucaawinooyinkii la siin jirey dalka Soomaaliya.
Hadda ka hor waxa uu Maraykanku joojiyey saadkii la siin jirey ciidanka Danab ka dib markii la helay xog tibaaxaysa in suuqa lagu kala iibsaday saadkii ciidankan oo aan la gaadhsiin askartii loogu tala galay.



