Maraykanka Oo Hubkii Difaaca Ka Raraya Aasiya Iyo Kaydkiisa Gantaalaha Oo Gabaabsi Ah
- Gallaydh News Desk

- 5 days ago
- 4 min read
Dawladda Maraykanka ayaa gobolka Bariga Dhexe u soo daabulaysa mid ka mid ah nidaamyadeeda difaaca gantaalaha baallistikada ee ugu muhiimsan, iyada oo ka soo raraysa dalka Kuuriyada Koonfureed. Tallaabadan ayaa ah calaamad cad oo muujinaysa culeyska lixaadka leh ee 11 maalmood oo duqaymo ah oo ka socda gobolku ay ku hayaan ciidamada Maraykanka iyo xulafadiisa, inkasta oo mas'uuliyiinta Washington ay isku dayayaan in ay yareeyaan walaaca laga qabo gabaabsiga kaydka hubka.
Sida ay tabisay warbaahinta maxalliga ah ee Aasiya, ciidamada Maraykanka ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed ayaa durba gobolkaas ka daadgureeyay qaybo ka mid ah nidaamka difaaca gantaalaha ee loo yaqaan THAAD (Terminal High Altitude Area Defense).
Intaas waxaa dheer, Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee Pentagon ayaa wararku sheegayaan in ay kala baxday gantaalaha ka hortagga ee nidaamka difaaca hawada ee Patriot gobolo kale, oo uu ku jiro gobolka Istiraatiijiga ah ee Indo-Pacific, si loogu xoojiyo furimaha Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae Myung, ayaa shalay qiray wararka sheegaya in Maraykanku uu Bariga Dhexe u rari doono qaar ka mid ah nidaamyadiisa difaaca hawada ee casriga ah ee hadda ku sugan gacanka Kuuriya. Wuxuu xusay in xukuumaddiisu ay ka soo horjeeddo tallaabadan, isaga oo qiraya in laga yaabo in aanay wax door ah ku lahayn go'aankan. Dagaalka sii xoogaysanaya ee Iiraan ayaa si dhab ah u kiciyay walaac weyn oo ku aaddan kaydka hubka ee Maraykanka oo si xawli ah u gubanaya.
In kasta oo ay Kuuriyada Koonfureed ka soo horjeeddo in Maraykanku uu hantidiisa difaaca hawada kala baxo dalkeeda, haddana ma aha mid ku jirta boos ay dalabaad ku soo rogi karto ayuu yidhi Madaxweyne Lee Jae Myung. Si uu u dejiyo walaaca laga qabo u diyaar garowga difaaca Kuuriyada Koonfureed ee ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi, Madaxweyne Lee wuxuu ku adkaystay in xitaa haddii hantidan difaaca dalka laga saaro, aanay sababi doonin dib u dhac weyn oo ku yimaada awooddooda ka hortagga xukuumadda Pyongyang.
Qiimaha Dagaalka Iyo Kaydka Xaalufaya
Maalintii Isniinta, wargeyska Washington Post ayaa soo warriyay in milatariga Maraykanku uu hanti iyo saanad milatari ka weecinayo qaybaha kale ee adduunka si uu u daboolo baahida dagaalka. Wargeyska ayaa daaha ka rogay xaqiiqo naxdin leh, taas oo ah in Maraykanku uu gubay rasaas iyo gantaalo ku kacaya 5.6 bilyan oo doolar labadii maalmood ee ugu horreeyay ee uu bilowday dagaalka Iiraan oo keliya.
Qiimahan xad dhaafka ah ayaa ka dhashay qaabka dagaalka. Gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ayaa ah kuwo rakhiis ah marka la barbar dhigo gantaalaha difaaca ee Maraykanka. Tusaale ahaan, hal gantaal oo ah nooca difaaca ee SM-3 ama THAAD ayaa Maraykanka ugu fadhiya malaayiin doolar, halka diyaaradda drone-ka ah ee uu soo ridayo ay ku kacayso kumannaan doolar oo keliya.
Sida Tallaabadani U Wiiqayso Awoodda Maraykanka Ee Aasiya Iyo Xulafadiisa
Daabulidda hubkan difaaca ee istiraatiijiga ah looga rarayo Aasiya loona rarayo Bariga Dhexe ma aha oo keliya dhaqdhaqaaq ciidan, balse waa farriin joqoraafiyadeed oo leh cawaaqib xumo weyn. Tallaabadani waxay si toos ah u wiiqaysaa booska Maraykanka ee qaaradda Aasiya iyo kalsoonida xulafadiisa.
Marka hore, dhimista nidaamyada difaaca ee Kuuriyada Koonfureed iyo guud ahaan gobolka Indo-Pacific waxay albaabka u furaysaa khataraha ka imaanaya Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi. Beijing ayaa muddo dheer tijaabinaysay awoodda Maraykanka ee ah in uu isku mar ka dagaallami karo dhowr furin (Two-front war). Bixitaanka nidaamyada THAAD iyo Patriot waxay Shiinaha u diraysaa farriin ah in kaydka Maraykanku uu yahay mid xadidan, isla markaana haddii xiisad laga abuuro gacanka Taiwan, aanu Maraykanku awoodi doonin in uu helo difaac cirka ah oo ku filan oo uu ku caawiyo xulafadiisa.
Marka xigta, waxay dhaawacaysaa xidhiidhka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo xulafadeeda ugu dhow sida Jabaan iyo Kuuriyada Koonfureed. Dalalkani waxay martigeliyeen saldhigyada Maraykanka iyaga oo aaminsan in ay yihiin gaashaankooda koowaad. In hantidaas laga qaado xilli ay Kuuriyada Waqooyi tijaabinayso gantaalo casri ah, waxay abuuraysaa dareen ah in danta Bariga Dhexe ay mar walba ka muhiimsan tahay amniga Aasiya. Tani waxay ku qasbi kartaa dalalkan in ay bilaabaan barnaamijyo hubayn oo madaxbannaan, taas oo gabi ahaanba beddeli doonta isku dheellitirka awoodda gobolka.
Qorshe Fashilmay: Sida Dagaalku Isu Beddelay Iyo Hadalka Trump
Xaaladdan adag ee kaydka ayaa si cad u muujisay in qorshihii dagaalka ee Maraykanku uu fashilmay, isla markaana uu dagaalku u socdo si ka duwan sidii Washington ay filaysay. Arrintaas waxaa banaanka soo dhigay Madaxweyne Donald Trump laftiisa, in kasta oo uu isku dayay in uu u ekaysiiyo in wax walba ay gacanta ugu jiraan.
Madaxweyne Trump ayaa iska fogeeyay walaaca laga qabo kaydka hubka ee Maraykanka isbuucii hore qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, wuxuuna yidhi: "Kaydka Rasaasta Maraykanku, heerka dhexe iyo heerka dhexe ee sare, waligood ma ahaan kuwo intan ka sarreeya ama ka wanaagsan... waxaan haysanaa sahay hubkan ah oo aan xad lahayn. Dagaallo waa la geli karaa 'weligeed', waana lagu guulaysan karaa, iyadoo la isticmaalayo sahaydan oo keliya."
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaa qiray xaqiiqada qadhaadh, isaga oo yidhi: "Heerka ugu sarreeya (Hubka casriga ah), waxaan haysanaa sahay wanaagsan, laakiin ma joogno meeshii aan rabnay in aan joogno. Hub tayo sare leh oo dheeraad ah ayaa noogu kaydsan dalal baxsan." Madaxweynaha ayaa dabadeed weeraray kii ka horreeyay ee Joe Biden, isagoo ku eedeeyay inuu bixiyay dhammaan waqtigiisa iyo lacagtii dalkooda isagoo wax kasta siiyay Zelenskyy ee dalka Ukraine.
Falanqaynta hadalkan waxay bixinaysaa sawir buuxa oo ku aaddan culeyska jira. Markii Maraykanku uu bilaabayay duqaymaha, qorshuhu wuxuu ahaa in wejiga hore ee dagaalku uu noqdo mid si dhakhso ah u burburiya awoodda Iiraan (Shock and Awe), iyadoo aan la filayn jawaab celin culays intan le'eg saarta difaaca cirka. Iiraan waxay beddeshay qaabka dagaalka iyada oo adeegsanaysa nidaam gantaalo isdaba joog ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo is-miidaamin ah (Swarm tactics) si ay u daaliso, una xaalufiso nidaamyada difaaca ugu qaalisan uguna casrisan ee Maraykanka .
Qirashada Trump ee ah in aanu kaydku joogin meeshii la rabay marka ay uu timaado hubka heerka ugu sarreeya, waxay marag madoon u tahay in istiraatiijiyadda cadowgu ay guulaysatay. Waxay ku qasabtay Pentagon-ka in ay adduunka dacalladiisa ka soo ururiyaan difaacyadii ugu dambeeyay, iyaga oo siinaya Iiraan fursad ay ugu diyaar garowdo dagaal wakhti dheer qaata oo dhiigbax dhaqaale iyo mid milatariba ku ah Washington iyo xulafadeeda. Dagaalkii la filayay in lagu soo afjaro maalmo kooban ayaa hadda u muuqda in uu isu beddelay dagaal xaalufin ah (War of attrition).



