Hantidhawrka Guud Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Fadeexadaha Burco, Kana Digay In Laga Hordhaco Garsoorka
- Hassan Gallaydh

- 4 days ago
- 4 min read
Kulan jaraa'id oo si weyn loo sugayay oo ay si wada jir ah u tabinayeen warbaahinta Gallaydh TV iyo KF Media, ayaa sarkaal sare oo ka tirsan Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland waxa uu kaga warbixiyay heerka ay marayaan kiisaska musuqmaasuq ee dhawaanahan si weyn u ruxay xarumaha dowladda ee gobolka Togdheer.
Shirkan jaraa'id ayaa ujeeddadiisa ugu weyni ahayd in bulshada loo caddeeyo doorka dastuuri ah ee Xafiiska Hantidhawrka Guud, isla markaana laga saxo xogo marin habaabin ah oo maalmihii u dambeeyay lagu dhex wareejinayay baraha bulshada, kuwaas oo la xidhiidha baadhitaanadii musuqmaasuqa ee laga sameeyay xafiisyada Dowladda Hoose ee Burco.

Tallaabadii Laga Qaaday Dhul-boobka Danta Guud Iyo Qiraal Taariikhi Ah
Sarkaalka u hadlay Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay kiis la xidhiidha lunsiga dhul danta guud ah oo ay ku lug lahaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Hoose ee magaalada Burco. Wuxuu caddeeyay in xafiisku uu soo afmeeray baadhitaan qoto dheer oo uu ku hayay habraacyada iibinta, jaangoynta, iyo maaraynta dhulka dowladda, gaar ahaan meelaha loogu talagalay adeegyada bulshada.
"Shaqadaasi waa mid ka dhammaatay Xafiiska Hantidhawrka Guud. Markii aan helnay caddeymo ku filan, waxaan dacwadda iyo eedayntaba u gudbinay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Togdheer. Kiiskaasi wuxuu hadda horyaalaa Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda awoodda u leh, iyaga ayaana laga sugayaa go'aanka," ayuu yidhi agaasimuhu.
Wuxuu si adag u beeniyay wararka sheegaya in Hantidhawrku uu kiiska joojiyay ama in eedaysanayaasha lagu waayay dambiga.
Sidoo kale, waxa uu shaaca ka qaaday dhacdo weyn oo kiiskan la xidhiidha. Sarkaalka ayaa sheegay in 28-kii bishii Labaad ee sannadkii 2026, Xoghayaha Fulinta ee Degmada Burco uu warqad rasmi ah la wadaagay Xafiiska Hantidhawrka, taas oo uu ku qirayo, kuna caddaynayo in dhulkii danta guud ahaa ee lagu eedeeyay in uu lunsaday uu dib ugu soo celiyay qaranka. Qiraalkan oo yimid kahor inta aanay maxkamaddu xukun soo saarin ayaa muujinaya culeyska caddeymaha uu Hantidhawrku horkeenay eedaysanayaasha.
Liiska Mas'uuliyiinta Uu Hantidhawrku Kiiskan Ku Eedeeyay Waxaa Ka Mid Ah:
Amiin Cabdillaahi Yaasiin (Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Degmada Burco)
Diiriye Sugaal Rooble (Madaxii Jaangoynta Dhulka)
Cabdillaahi Muuse Maxamed (Xisaabiyihii Dawladda Hoose Burco)
Maxamed Xaaji Muuse Shire (Joomitir)
Faarax Muuse Siciid (Joomitir)
Cabdicasiis Jaamac Ismaaciil (Madaxa Iibka Dawladda Hoose Burco)
Maxamed Cali Xirsi (Joomitir)
Jawaabta Hadalladii Badhasaabka Togdheer Iyo Madaxbannaanida Hay'adaha
Suxufiyiinta ayaa agaasimaha weydiiyay hadallo dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer (Badhasaabka), Ramaax, oo sheegay in dadkii dhawaan la xidhxidhay ee loo haystay musuqmaasuqa uu Hantidhawrka Guud ku waayay wax dambi ah.
Sarkaalka Hantidhawrka ayaa bixiyay jawaab sharciga salka ku haysa, isaga oo yidhi: "Sida aad idinkuba u arkayseen uun baan annaguna u aragnay." Wuxuu caddeeyay in Xafiiska Hantidhawrka Guud aanu ahayn hay'ad garsoor oo awood u leh in ay go'aamiso cid dambi lagu helay iyo cid lagu waayay, shaqadooduna ay ku kooban tahay baadhitaan iyo soo gudbin xaqiiqo.
"Sida ku cad Qodobka 61-aad ee Xeerka Xafiiska Hantidhawrka, annaga oo keliya ayaa awood u leh in aan ka warbixino natiijada baadhitaannadayada. Mas'uul kale kama hadli karo. Annagu nahay hay'ad isla xisaabtan, nidaam sharci ayaan qofka kula xisaabtamaynaa," ayuu yidhi.
Wuxuu intaas ku daray in ka hordhaca go'aanka maxkamadda iyo xeer ilaalintu uu yahay gef sharci oo weyn, wuxuuna ku baaqay in la dhowro hannaanka caddaaladda.
Baadhitaanka Socda Ee Raashinkii Abaaraha Ee La Lunsaday
Dhacdadii labaad ee ugu xumayd ee ruxday gobolka Togdheer ayaa ahayd tii la xaqiijiyay in la lunsaday raashinkii ku jiray Kaydka Qaranka ee gobolkaas, kaas oo si gaar ah loogu talagalay in lagu samatabbixiyo qoysaska tabaalaysan ee ay abaartu saamaysay.
Mar wax laga weydiiyay hadal kale oo kasoo yeedhay Badhasaab Ramaax oo ahaa in "xaddi yar oo raashin ah la dhacay," isla markaana ay tahay in bulshada gobolku ay bixiso lacagta lagu beddelayo hantidii la dhacay, sarkaalka ayaa si diidmo ah uga jawaabay in laga hordhaco xaqiiqada.
"Xafiiska Hantidhawrka Guud baadhitaan ayuu wadaa, kamana hordhacno baadhitaan socda. Runtii hadda annagu kuuma caddayn karno in raashinkaasi uu yaraa ama in uu badnaa. Baadhistii ayaa socota, lagamana hordhici karo. Marka baadhistu isasoo gabagabayso ayaa lala wadaagi doonaa Xeer Ilaaliyaha Guud iyo cidda ay khusayso," ayuu yidhi sarkaalku.
Hadalkan ayaa muujinaya in xafiisku uusan diyaar u ahayn in uu daboolo baaxadda dambiga inta laga xaqiijinayo xogta rasmiga ah.
Awoodaha Sharciga Ah Ee Hantidhawrka
Siido kale, shirkan jaraa'id, Agaasimuhu wuxuu warbaahinta u sharraxay awoodaha iyo noocyada baadhitaan ee uu xafiisku sharciga u leeyahay in uu fuliyo si loola dagaallamo musuqmaasuqa. Wuxuu xusay in Hantidhawrka Guud uu ku shaqeeyo Xeer Lr. 76 iyo Xeer Lr. 38.
Wuxuu tilmaamay in xafiisku uu fuliyo afar nooc oo baadhitaan oo kala ah:
Baadhitaan Maaliyadeed (Financial Auditing): Hubinta xisaabaadka iyo diiwaannada maaliyadeed ee dowladda.
Baadhitaanka U Hoggaansanaanta (Compliance Auditing): Hubinta in hay'aduhu ay raaceen shuruucda iyo nidaamyada dalka u degsan.
Baadhitaanka Dambiyada Maaliyadeed (Forensic Auditing): Baadhitaan qoto dheer oo la sameeyo marka la tuso in ay jirto xatooyo ama khiyaamo qaran, si xogta loogu adeegsado maxkamadaha.
Baadhitaanka Waxqabadka (Performance Auditing): Qiimaynta tayada iyo hufnaanta adeegyada hay'adaha dowladda.
Agaasimuhu waxa uu bulshada u xaqiijiyay in eedaymaha la xidhiidha xatooyada hantida shacabka ay salkoodu yihiin Xeer 38, isla markaana ay ka go'an tahay in qof kasta oo ku xadgudba danta guud lala tiigsan doono sharciga, iyada oo laga dhowrayo in lagu xadgudbo madaxbannaanida hay'adaha garsoorka.
Daawo Muuqaalka Buuxa Ee Shirka Jaraa'id Iyo Su'aalihii Warbaahinta
Si aad xogtan ugu hesho si dhammaystiran, isla markaana aad toos u daawato jawaabihii sharciga ahaa ee uu sarkaalka sare ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ka bixiyay su'aalihii xasaasiga ahaa ee ay weydiiyeen wariyeyaasha Gallaydh TV iyo KF Media, fadlan hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa'id oo dhammaystiran.
Muuqaalkan waxaad kaga bogan kartaa faahfaahinta dhabta ah ee xafiisku la wadaagay bulshada, dooddii dhex martay sarkaalka iyo saxaafadda, iyo caddaymaha muujinaya in sarraynta sharcigu ay tahay waddada keliya ee lagu gaadhi karo caddaalad, hufnaan, iyo isla xisaabtan dhab ah.



