Raashinkii Gurmadka Abaaraha Ee Gobolka Togdheer Oo La Lunsaday Iyo Mas'uulkii U Qaabilsanaa Oo Baxsaday
- Hassan Gallaydh

- Mar 7
- 3 min read
BURCO, SOMALILAND āĀ Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa laga soo sheegayaa dhacdo naxdin leh iyo fadeexad musuqmaasuq oo baaxad weyn, kadib markii la xaqiijiyay in la lunsaday raashinkii ku jiray Kaydka Qaranka ee gobolkaas, kaas oo si gaar ah loogu talagalay in lagu samatabbixiyo qoysaska tabaalaysan ee ay abaartu saameysey.
Sida ay Gallaydh TVĀ u xaqiijiyeen masāuuliyiin ka tirsan xukuumadda, raashinkan ayaa gebi ahaanba laga waayay bakhaarradii Kaydka Raashinka Qaranka kadib markii la is yidhi u rara oo daadgureeya deegaamadii miyiga ahaa ee loogu talagaley in gargaarka la gaadhsiiyo. Markii la furay kaydka si gurmadka loo dedejiyo, ayaa lagu warhelay in raashinkii intiisa ugu badnayd gacmo xaq-darro ah lagu lunsaday.

Wariyaha Gallaydh TV ee magaalada Burco, Cumar Soomaali, ayaa soo tebinaya in masāuulkii xukuumadda u qaabilsanaa Kaydka Raashinka Qaranka ee gobolka Togdheer la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, isagoo baxsaday kadib markii ay soo baxday fadeexadda la xidhiidha lunsiga raashinkii kaydka Togdheer.
Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin degdeg ah. Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Somaliland ayaa geliyay kiiskan baadhitaan degdeg ah, sida uu Gallaydh TV u xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Hantidhawrka Guud. Sidoo kale, waxaa magaalada Burco si degdeg ah u gaadhay Guddoomiyaha Guddida Kaydka Raashinka Qaranka ee Somaliland si uu qayb uga noqdo dedaallada baadhitaanka ee socda.
Waqti xaadirkan, waxaa magaalada Burco uga socda shir degdeg ah oo xasaasi ah maamulka gobolka Togdheer iyo masāuulliyiin sare oo ka socda xukuumadda dhexe, kuwaas oo ka arrinsanaya sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysanayaasha, isla markaana xal degdeg ah loogu heli lahaa raashinkii la sugayay ee la lunsaday.
Waa Maxay Kaydka Raashinka Qaranka, Sideese Loo Maamulaa?
Si loo fahmo baaxadda dhibaatadan, waxaa muhiim ah in la ogaado doorka Kaydka Raashinka QarankaĀ (National Food Reserve). Waa nidaam istiraatiiji ah oo ay dowladdu u samaysay si looga hortago macaluusha, sicir bararka, iyo xasaradaha ka dhasha abaaraha soo noqnoqda.
Kaydkan oo inta badan ka kooban raashinka daruuriga ah sida bariiska, sonkorta, daqiiqda, iyo saliidda, waxaa maamula Guddi Qaran oo hoos yimaada xukuumadda dhexe. Ujeeddada ugu weyn ee loo dhisay waa in marka ay xaaladuhu adkaadaan, roobku baaqdo, ama sicir-barar xooggani yimaado, ay dowladdu suuqyada soo geliso raashinkan si qiimaha loo dejiyo ama si toos ah loogu qaybiyo shacabka tabaalaysan ee xooluhu ka baxeen.
Maamulka kaydkan wuxuu leeyahay nidaam adag oo xisaabtan ah, kaas oo ka bilaabma diiwaangelinta raashinka soo dhaca, ilaalinta bakhaarrada, iyo habraac sharci ah oo loo maro marka la saarayo raashinka. Lunsiga baaxaddan leh ee ka dhacay Burco wuxuu muujinayaa in uu jiro dalool weyn oo dhanka la xisaabtanka iyo ilaalinta hantida ummadda ah, arrintaas oo su'aal gelinaysa kalsoonidii lagu qabay hannaanka maamul ee Guddida Kaydka Qaranka.
Xaaladda Abaareed Ee Ka Taagan Somaliland
Fadeexaddan musuqmaasuq waxay kusoo beegmaysaa xilli gabi ahaanba dalka Somaliland, si gaar ahna gobollada bari sida Togdheer, Saraar, iyo Sool, ay ka jiraan xaalad abaareed oo aad u daran.
Abaartan oo ka dhalatay roobabkii Gu'ga iyo Deyrta oo baaqday ama yaraaday, ayaa saamayn ba'an ku yeelatay nolosha xoolo-dhaqatada. Biyo la'aan baahsan iyo daaq xumo ayaa sababtay in xoolihii ay le'daan, taas oo qoysas badan oo reer guuraa ah isugu soo hurtay magaalooyinka, iyagoo gabi ahaanba waayay isha keliya ee dhaqaalahoodu ku tiirsanaa.
Xatooyada raashin loogu talagalay dad dhibaataysan oo haraadan, kuwaas oo carruurtoodu nafaqo-darro qarka u saaran yihiin, ayaa bulshada dhexdeeda laga arkaa falkii ugu naxariis darrada badnaa. Tani kaliya ma aha xatooyo hanti qaran, balse waa dambi laga galay nolosha iyo badbaadada shacabka nugul.
Codka Shacabka: Dareenka Dadweynaha Burco Ee Raashinka La Lunsaday (Warbixin Fiidiyow Ah)
Dhacdadan foosha xun ee lagu lunsaday raashinkii danyarta ayaa si weyn uga cadhaysiisay bulshada ku dhaqan magaalada Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheer. Si aan usoo bandhigno falcelinta dhabta ah iyo dareenka shacabka ee ku aaddan musuqmaasuqan, wariyeyaasha Gallaydh TVĀ ayaa makarafoonka la dhex qaaday waddooyinka magaalada Burco, halkaas oo ay wax ka weydiiyeen dadweynaha kala duwan sida ay u arkaan xatooyada baaxaddan leh ee loo geystay hantidii badbaadada u ahayd dadka tabaalaysan.
Cadho, naxdin, iyo baaqyo adag oo ku aaddan in caddaaladda la horkeeno dambiileyaasha ayaa si cad uga muuqda wejiyada iyo hadallada shacabka. Dadweynaha ayaa falkan ku tilmaamay mid ka baxsan naxariista iyo bani'aadamnimada.
Halkan hoose ka daawo warbixinta Gallaydh TV iyo waraysiyada dadweynaha Burco:



