Marka Kaabayaal Dhaqaale Noqdaan Jiidda Hore ee Dagaalka
- A Gallaydh Editorial

- Jan 25
- 10 min read
Dagaallada mustaqbalka laguma kala adkaan doono kaareyaal iyo ciidamo, balse waxaa lagu kala adkaan doonaa cidda wax yeeli karta kaabeyaasha nolosha casriga ah ee kale ah—korontadda, biyaha, dekedaha, bangiyadda, isgaadhsiinta iyo ganacsiga—iyadoo aan xabbad la ridin, bulshadana laga burburinayo dalka gudihiis.
Dagaal Aan Rasaas Dicin
Dagaalka qarnigan 21aad waxa uu si tartiib ah uga baxay xeerarkii taariikhiga ahaa. Ma aha mid ku bilaabma duullaan militari, ma laha calamo la sudhay, mana laha khudbad dagaal oo si rasmi ah loo iclaamiyey. Dagaalka casriga ahi inta badan wuxuu ku bilaabmaa mugdi—koronto go’day. Ama biyo yaraaday. Ama nidaam bangi oo shaqayn waayay. Duulimaadyo la hakiyey, dekedo istaagay, iyo suuqyo madhan—iyadoo aan hal gantaal la ridin.
Tani waa waxa loo yaqaan hubaynta wax walba: xaalad ay kaabayaashii nolosha casriga ahi noqdaan hub, halka nolosha rayidka ahi noqoto goobta lagu cadaadiyo. Awoodda maanta ma aha inta dhul aad qabsan karto, balse waa inta aad joojin karto hab-nololeedka dal kale adigoon dagaal toos ah gelin.
Waxa soo baxay nooc dagaal oo cusub—mararka qaar loo yaqaan dagaal “hybrid”, “gray-zone”, ama “sub-threshold”—kaas oo ku shaqeeya xuduudda u dhaxaysa nabad iyo dagaal. Waa dagaal aan si cad loo aqoonsan karin, balse saameyntiisu ka khatar badan tahay dagaallo badan oo toos ah.

Jiidda Isku-dhafka ah: Weerar Ka Hooseeya Heerarka Dagaalka Cad
Dagaalka hybrid-ka ahi waxa uu isku daraa weerarro cyber ah, cunaqabatayn dhaqaale, faafin warar marin-habaabin ah, cadaadis sharciyeed, burburin qarsoon, iyo go’doomin diblumaasiyadeed—dhammaantoodna ku socda qaab joogto ah.
Astaantiisa ugu weyn waa isku-milanka badheedh iyo qarsoodiga. Koronto go’day—ma weerarbaa mise dayac? Markab deked iman waayay—ma cunaqabataynbaa mise shirkadda ayaa caddaadis la saaray? Internetkii shaqayn waa—ma dhibaato farsamo baa mise farogelin dibadeed?
Dagaalkan waxa uu ka faa’iidaystaa xaqiiqda ah in xeerarka caalamiga ah iyo nidaamyada ammaanku loo dejiyey taangiyo iyo duullaan militari, balse aan loo diyaarin software-ka wax jabsadda, xeerarka caymis, weerarrada dhaqaale ama liisaska cunaqabataynta ah ee si tartiib ah u neef-jaraya dalka.

Dekedaha
Kaabayaal badan ayaa noqday hub, balse dekeduhu waa halbowlaha ganacsiga iyo sahayda. Loo ma baahna in deked la weeraro ama ciidan badeed loo adeegsado xayndaab (naval blockade) si loo burburiyo dhaqaalaha dalka; mararka qaar waxa ku filan in xannibaad la saaro, ama la abuuro xaalad ka dhigaysa in markab kastaa ka cabsado in uu kusoo xidho.
Dekeduhu ilsha ee ka soo galaan shidaalku, cuntadu, dawooyinku, qalabka warshaha, iyo xitaa lacagta (trade finance). Marka dekeddu fadhiisato, waddanku ba xaalad deg deg ah gala—waana silsilad fidda oo meel kasta saamaysa.
Hal tallaabo oo yar—sida in deked lagu daro liis “high risk” ah—waxay keeni kartaa in:
caymiska maraakiibta la joojiyo ama qaaliyoobo,
shirkadaha shipping-ku ka leexdaan dekedda,
bangiyadu diidaan in ay furaan “letters of credit”,
ganacsatadu u wareegaan waddamo kale.
Dagaalka hybrid-ka ah, dekedaha looma beegsado keliya qarax; waxaa loo beegsadaa sharci adkayn, cunaqabatayn maaliyadeed, iyo sumcad dil.
Sida deked loo hubayn karo (weaponization):
Cunaqabatayn lagu soo rogo maamulka dekedda ama shirkadda terminal-ka .
Caymis diidmo: shirkadaha insurance-ka oo yidhaahda “dekeddan waa khatar.”
Sanctions on ships: markab kasta oo kusoo xirta dekeddaas oo la ciqaabo ama la liis madow (blacklist) lagu daro.
Port state control delays: baadhitaanno lala beegsaddo markabkasta oo soo mara dekedaas, iyadoo lagu marmarsiyoonayo amni ilaalin, taas oo aad dib u dhiga maraakiibta, una beddela dekedda meel aan la rabin in lagu soo xidho.
Deked furan balse aan waxba ka soo degin waxna ba aanay ka bixin, waa go’doomin aan ciidan uu baahnayn—waana mid ka sii fudud in loo qariyo, laguna eedeeyo xaaladaha “suuqa” iyo “shuruucda caalamka” ama lagu gabaddo "amni darro" .

Xanibaadda Ganacsiga
Kaabayaal badan ayaa noqday hub, balse diidmada ganacsiga (trade denial) waa hubka ugu xanuunka badan, maxaa yeelay waxay waxyeelladu ku fidaa dhammaan nolol-maalmeedka. Ganacsiga oo xayndaab lagaa saaro waa ciqaab aan lahayn dhammaad cad. Cunaqabatayn ganacsi, xayiraad dhoofin, ama suuqyadda caalamka oo lagaa mamnuuco, waa hubka ugu saameynta dheer dagaalka hybrid-ka ah.Ganacsigu waa dhiigga dhaqaalaha; marka la xannibo, waddanku wuxuu galaayaa marxalad uu gudaha uga burburo.
Dalal badan—gaar ahaan kuwa wax soo dejinta ku tiirsan—waxay ku nool yihiin jadwal sahay oo joogto ah. Haddii jadwalku kala go’o, cuntadda, dawadda, shidaalka, iyo agab kale oo badan ayaa yaraada. Yaraantaasu waxay dhalisaa sicir-barar. Sicir-bararku wuxuu dhalinayaa cadho. Cadhadu waxay dhalisaa qalalaase siyaasadeed.
Marka ganacsiga laga xayiro, waxa dhacaya:
Qiimaha cuntada iyo shidaalka oo halmar kor u kaca
Lacagta dalka oo qiimo dhacda (currency pressure)
Dukaamada iyo suuqyada oo maceeshyo beela
Warshadaha yaryar oo istaaga (spare parts la’aan)
Shaqo la’aan iyo hoos u dhac dakhliga qoysaska
Trade denial-ku waa “go’doomin” cusub: mararka qaar xitaa lama yidhaahdo “embargo”—waxaa la yidhaahdaa compliance.
Sida trade denial loo hubayn karo:
Secondary sanctions: cid kasta oo ganacsi la samaysa dalkaa oo la ciqaabo.
Banking choke: bangiyada oo la diido in ay dhex maraan lacagaha dalkaas.
Shipping reroute: shirkadaha maraakiibta oo u wareega dekedo kale.
Export controls: agab iyp qalab gaar ah (technology, spare parts, chemicals) oo lagaa mamnuuco.
Trade denial-ku waa dagaal aan muuqan, balse wuxuu dhalinayaa natiijo u eg dagaal—iyadoo aan rasaas la ridin.

Korontada
Mid ka mid ah meelaha ugu nugul ee dagaalka hybrid-ka ahi waa korontada, madaam ay tahay furaha guud ee dhammaan nidaamyada kale ku shaqayaan. Haddii korontadu carqaladdi ku timaado, dalkoo dhan ayaa curyaama- isgaadhsiinta aya istaagta, bangiyaddu ma shaqeeyaan iyo isbitaalada oo halis gala.
Dagaalka casriga wuxuu uu beegsadda burburinta korontadda si nolosha loo adkeeyo loona kiciyo qalalaase joogto ah.
go’itaanka joogta ahi wuxuu noqdaa:
cashuur aan la arag oo lagu soo rogay ganacsiga,
ciqaab aan maxkamad marin oo lagu la dul dhigay bulshada,
iyo qalab lagu shido jahawareer siyaasadeed.
Saamaynta koronto hubaysan:
Warshado iyo ganacsi oo hoos u dhaca
Biyo iyo adeegyo nadaafadeed oo istaaga
Isbitaallo oo xaalad degdeg ah gala
Sicir-barar, maadaama wax-soo-saarku qaaliyoobo
Dareen bulsho oo ah “dawladdii way fashilantay”
Sida koronto loo hubayn karo:
Cyber-attacks ku dhaca SCADA/ICS (nidaamyada xakamaynta korontadda).
Sabotage lagu sameeyo transformers ama substations—hal node oo la beegsado ayaa curyaamin kara gobol dhan.
Demand shock: faragelin lagu sameeyo shabakadda (electric grid) oo keenta culays xad-dhaaf ah (overload) iyo “blackout.”
Cunaqabatayn Shidaal: haddii korontadu ku tiirsan tahay naafto, shidaalkoo la xannibo ayaa iyaduna noqota fursad.
Korontadu waa “jiidga dhexe” ee kaabayaal; ciddii baabiisa ama carqaladaysa, waxay awood u yeelan kartaa in ay dal dhan dib u dhac weyn ku samayso saacado gudahood. Carqaladaynta korontadda badanaa waxaa lagu soo dhex qariyaa weeraro kale.

Gaadiidka
Gaadiidka iyo saadka (transport & logistics) waa mashiinka dhaqdhaqaaqa bulshada: cunto, shaqaale, dawo, iyo adeegyo kale oo degdeg ah. Haddii isusocdku istaago, waddanku wuxuu gelayaa marxalad adag —xitaa haddii dekeddu furan tahay.
Dagaalka hybrid-ka ahi inta badan wuxuu beegsadaa halbooleyaasha “dhaqdhaqaaqa” halkii uu beegsan lahaa “goob.” Sababtu waa: marka dadku isosocon waayaan, dalku waa kala go'aa dhaqaaluhu wuu dhintaa, dawladuna waxay u ekaanaysaa mid aan talin karin.
Gaadiid la hubaysto wuxuu keenaa:
Sahayda cuntadda oo dib u dhacda ama yaraata
Qiimaha gaadiidka oo kacaya (transport inflation)
Suuqyada gobollada oo go’dooma
Shilal iyo khatar amni oo kordha
Adeegyada caafimaadka iyo gurmadka oo gaabiya
Sida gaadiidka loo hubayn karo:
Carqaladaynta Suuqyadda Shidaalka: Shidaal la’aan, hakinta keenista, ama qiime si ula kac ah loo kiciyo waxay si degdeg ah u joojin kartaa gaadiidka dadweynaha iyo kan xamuulka.
Marinnada Muhiimka ah (Physical Choke Points): Buundooyinka waaweyn, isgoysyada istiraatiijiga ah, marinnada buuraha, ama hal waddo oo kaliya oo xamuulku maro ayaa noqda bartilmaameed.
Gaadiidka Xamuulka: Dalal badan waxay si xad-dhaaf ah ugu tiirsan yihiin baabuurta xamuulka ee laga leeyahay wadamadda jaarka ah. Beegsiga darawallada, shirkadaha xamuulka, ama waddooyinka ay si joogto ah u maraan oo "amni darro" lagu shaambadeeyo.
Dhul looma baahna in ciidan la geliyo; waxaa ku filan in la waxyeelo xadhkaha isku xidhka dalka.

Bangiyada iyo Maaliyadda
Haddii la rabo in qaran la jilciyo, lama beegsado ciidankiisa marka hore—waxaa la beegsadaa nidaamkiisa maaliyadeed. Nidaamka casriga ahi lacagtu waxay ku wareegta nidaamyo dijitaal ah, oo sii fuduud loo carqaladayn karo.
Marka nidaamkaas la dhaawaco, waxa dhacaya ma aha oo keliya “dhibaato bangi”—waa dhibaato qaran: mushahar la’aan, ganacsi la’aan, sarif xumo, iyo burburka kalsoonida suuqyadda.
Maaliyad la hubaysto waxay keentaa:
Lacagta dalka oo si degdeg ah u qiimo dhacda
Sicir-barar, gaar ahaan cunto iyo shidaal
Xawaaladaha iyo remittances oo go’a (qoysas badan ayay laf dhabar u yihiin)
Ganacsi oo istaaga, sababtoo ah trade finance oo aan shaqayn
Suuq madow oo balaadha, iyo musuq ku fida
Sida maaliyad loo hubayn karo:
SWIFT/correspondent banking denial: bangiyada iyo xawaaladaha oo laga jaro nidaamyada caalamiga.
Xayiraadda Hantida (Asset Freezes): Hanti dowladeed ama mid gaar loo leeyahay oo lagu xannibo bangiyada shisheeye waxay curyaamisaa awoodda wax-soo-iibsiga, maalgelinta, iyo fulinta heshiisyada caalamiga ah.
Cunaqabatayn Lagu Beegsado Shirkado Muhiim ah: Marka shirkado laf-dhabar u ah dhaqaalaha—sida tamar, isgaadhsiin, ama bangi—liis madow lagu daro, saamayntu ma aha mid ku koobnaata shirkaddaas oo keliya, balse waxay taabanaysaa kumannaan shaqaale iyo silsilado ganacsi oo balaadhan.
Weerarro Dhaqaale oo Internet-ka ah (Cyber Theft & Ransomware): Jabsiga nidaamyada bangiyada, xadidda xogta, ama qabsashada server-ro ma aha oo keliya khasaare lacageed; waa weerar sumcad iyo kalsooni burburin ah oo keena in dadku ka baqaan isticmaalka nidaamka maaliyadeed.
Weerarka Lacagta (Currency Pressure): Warar la faafiyo, xogo la marin-habaabiyo, ama faragelin suuq oo si gaar ah loo qorsheeyay waxay dhaawici kartaa kalsoonida lacagta qaranka. Marka kalsoonidu lunto, sicir-barar, sarif-hoos-u-dhac, iyo qas dhaqaale ayaa si isdaba-joog ah u yimaadda.
Dagaalkan maaliyadeed wuxuu ka khatar badan yahay qarax, maxaa yeelay wuxuu dumiyaa tiirka dhaqaalaha ee ugu jilicsan: kalsoonida shacabka. Haddii kalsoonida nidaamka maaliyadeed lunto, saameyntu waxay noqotaa mid si degdeg ah ugu faafta dhammaan lafaha dhaqaalaha. Dadku waxay bilaabaan in ay lacagtooda qariyaan, iyagoo ka baqaya bangiyo fashilma ama lacag qiimaheedu dhacayo. Ganacsigu wuu istaagaa, sababtoo ah wax kala iibsigu wuxuu ku dhisan yahay kalsooni iyo wareeg lacageed oo joogto ah. Maalgashadayaashu way cararaan, gudaha iyo dibaddaba, maadaama aysan jirin jawi la isku hallayn karo oo ay hantidooda ku ilaashan karaan ama ku kobcin karaan.
Ugu dambayntii, dalku wuxuu galaa burbur dhaqaale oo u muuqda mid “dabiici ah,” balse dhab ahaantii ah mid si xeeladaysan loo abuuray oo ka dhashay burburka kalsoonida nidaamka. Taasi waa sababta dagaalka maaliyadeed maanta loogu tixgeliyo hub ka waxyeello badan rasaasta, waayo wuxuu burburiyaa waddan dhan isagoo aan hal xabbad la ridin.

Isgaadhsiinta
Mid ka mid ah meelaha ugu nugul ee dagaalka hybrid-ka ahi waa nidaamka isgaadhsiinta. Marka network-ku dhaawacmo, dalka iyo dawladdiiba waxay si degdeg ah u noqotaa mid indho la’ iyo dhago la’ iyaago na cod beelay.
Isgaadhsiinta ma aha oo keliya telefoon iyo internet.
Waa:
isku xidhka hay’adaha,
nidaamyada adeegyada (billing, records, IDs),
warbaahinta iyo xog-wareejinta,
iyo xitaa amniga (sirdoon iyo isku-duwid).
Isgaadhsiintu waa neerfaha isku xira hay’adaha dawliga ah, ciidamada, ganacsiga, iyo bulshada.
Isgaadhsiin la hubaysto waxay keentaa:
Warar been ah oo xawaare ku faafa
Dadweyne aan helin xog sax ah
Gurmadka degdegga ah oo fashilma
Ganacsiga internetka ku tiirsana oo istaaga
Dowladda oo la eedeeyo, xitaa haddii dhibku dibadda ka yimid
Sida isgaadhsiin loo hubayn karo:
Gooynta Fiber-ka (Fiber Cuts): Hal khad oo fiber optic ah oo la gooyo—si ula kac ah ama si “shil” loo ekaysiiyay—ayaa go’doomin kara dal ama gobol dhan. Dib-u-habaynta mararka qaarkood waxay qaadataa toddobaadyo ama bilo, gaar ahaan waddamada leh hal ama laba marin oo internet-ku ka soo galo.
Weerarrada DDoS (Distributed Denial of Service): Hay’adaha isgaadhsiinta, bangiyada, iyo xarumaha dawladdu waxay noqdaan bartilmaameed weerarro culus oo lagu qaado server-radooda. Natiijadu waa in mareegaha, nidaamyada adeegga, iyo is-dhexgalka dadweynaha ay istaagaan saacado ama maalmo.
BGP Hijacking (Leexinta Internet Routing): Waa farsamo qarsoon oo khatar ah, halkaas oo jihada internet-ka si farsamo ah loo leexiyo, xogtana loo mariyo waddooyin khaldan. Tani waxay keeni kartaa in xog la basaaso, la waayo, ama gebi ahaanba la xanibo.
Jarista Internet-ka (Shutdowns):I nternet-ka oo si ula kac ah loo jaro—mararka qaar iyadoo “amniga qaranka” loo adeegsanayo marmarsiiyo—ayaa noqotay aalad siyaasadeed. Waxay xannibtaa warbaahinta, ganacsiga dijitaalka ah, iyo isku xidhka bulshada, iyadoo dadka laga fogeynayo waxa dhab ahaantii socda.
Faragelinta Dayax-gacmeedka (Satellite Interference): Isgaadhsiinta ku tiirsan dayax-gacmeedyada—sida taleefannada, internet-ka meelaha fogfog, ama adeegyada degdegga ah—waa la carqaladeyn karaa iyadoo la adeegsanayo "jamming" ama faragelinta signalka.
Marka isgaadhsiintu go’do, “xaqiiqada” lafteedu way luntaa, dalku na waa kala go'aa. Dadku ma kala oga waxyaabaha dhacaya, warar been ah ayaa fursad hela, kalsooniduna way luntaa. Dawladdu way ku adkaata in ay la hadasho shacabkeeda, ganacsiguna wuu istaagaa. Taasi waa sababta isgaadhsiintu u noqotay hub istiraatiiji ah: ma xanibayso oo keliya adeeg farsamo, balse waxay burburinaysaa isku xidhnaanshaha qaranka iyo wadajirka bulshada.

Haamaha Shidaalka
Dhaqdhaqaaqa dawlad casri ah waxa saldhig u ah tamar joogto ah, halka shidaalku noqday laf-dhabarta nidaamkaas. Gaadiid, koronto, amni, ganacsi, iyo adeegyada degdegga ah dhammaantood waxay ku tiirsan yihiin hal shay: socodka shidaalka. Marka socodkaas istaago, qaranku ma istaago si tartiib ah—wuxuu istaagaa hal mar.
Hal dab oo ka kacay xarun kayd shidaal ma aha dhacdo farsamo oo gooni ah; waa dhacdo leh saameyn qaran oo degdeg ah. Waxa uu joojin karaa gaadiidka dalka oo dhan, isaga oo curyaaminaya isu socodkii badeecadaha, shaqaalaha, iyo adeegyada aasaasiga ah. Waxa uu sababi karaa koronto la’aan ballaadhan, maadaama tamar dhaliyeyaal badan—ay ku shaqeeyaan naafto. Waxa uu si toos ah u wiiqi karaa awoodda ciidanka, booliska, iyo adeegyada degdegga ah, kuwaas oo dhammaantood ku tiirsan shidaal oo joogto ah. Intaas waxa raaca sicir-barar degdeg ah, suuqyada oo kacsada, iyo qalalaase bulsho oo ka dhasha cabsi iyo hubanti la’aan.
Waxa khatarta sii kordhiya waa xaqiiqda ah in haamaha shidaalku aanay u baahnayn weerar militari oo ballaadhan si loo waxyeelo. Dab yar, qarax kooban, ama fal si ula kac ah loo abaabulay oo “shil” loo ekaysiiyay ayaa ku filan in uu abuuro burbur dhaqaale oo qaata bilo ama xitaa sannado in laga soo kabto. Dagaalka hybrid-ka ah, tani waa uu guul istiraatiiji ah: kharash yar, waxyeel weyn, raad la dafiri karo.
Dalal badan—gaar ahaan kuwa ku tiirsan wax-soo-dejin—waxay leeyihiin hal ama laba xarumood oo kayd shidaal oo u adeegta magaalooyin dhan ama xitaa dal dhan. Taasi waxay ka dhigaysaa haamaha shidaalka ciribta Achilles ee qaranka: hal bartilmaameed oo keliya ayaa noqon kara furaha lagu furo burbur ballaadhan.
Dagaalka casriga ah, haamaha shidaalka looma beegsado si sawirro dagaal loo helo ama warbaahinta loo qabsado. Waxaa loo beegsadaa si ganacsiga loo hakiyo, bulshada loo kiciyo, dawladda loogu muujiyo tabar-darro, looguna wiiqo kalsoonida suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Qiiq ka kacaya haan shidaal ma aha oo keliya musiibo farsamo—waa farriin istiraatiiji ah oo si cad u leh: “qarankan waa la gaadhi karaa.”
Taasi waa sababta ay haamaha shidaalku maanta ugu jiraan safka hore ee kaabayaal la hubayn karo. Dal kasta oo aan ilaalin amni, sharci, iyo farsamo ku filan ku samayn xarumaha kaydka shidaalka, wuxuu halis ugu jiraa in lagu curyaamiyo hal dhacdo oo keliya—iyadoo aan hal rasaas la ridin, isla markaana burburku u ekaanayo mid iska yimid, balse dhab ahaantii si xeeladaysan loo abuuray.
Gunaanad
Ka feejignow ma aha talo; waa waajib qaran. Fahamka sida kaabayaasha loo hubayn karo, iyo sida qarannimadeena looga difaaci karo weerarro aan muuqan, ayaa ah talaabada ugu horreysa ee anyu isku badbaadin karo. Laakiin feejignaantu kuma eka ogaansho oo keliya; waxay u baahan tahay diyaargarow, xeerar cad, maalgashi amni, iyo hay’ado awood u leh in ay ka hortagaan khatartan ka hor inta aanay isu beddelin masiibo.



