Biyo-Beelidda Addunka iyo Dagaaladda ka Dhalan doona
- A Gallaydh Editorial

- Jan 27
- 5 min read
Updated: Feb 2
Warbixinta Bilshii Koowaad ee 2026 ee Jaamacadda Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dunidu ka gudubtay “ku dhibinaanshaha biyaha” oo ay gashay “biyo beelid,” taas oo webiyada waaweyn—gaar ahaan Niil iyo Indus—uga dhigtay jiidaha ugu khatarta badan ee colaadaha cusub.
Hordhac: Waagihii “Biyo-Beelida”
Bishii kowaad ee 2026, Jaamacadda Qaramada Midoobay (United Nations University) waxay si rasmi ah u shaacisay eray cusub oo aduunka ka dhigaya mid ka sii murugsan: “Global Water Bankruptcy”—ama biyo beelidda caalamka. Eraygani ma aha uun digniin; waa beddelka qaabkii loo fahmi jiray biyo-helidda aadanaha. Dhibaato (“crisis”) waa xaalad la saxikaro, la maareyn karo, lana yareyn karo. Laakiin beelid (“bankruptcy”) wuxuu tilmaamayaa in wax qabasho la dhaafay—isticmaalka biyaha bani’aadamku ka batay awooddii dabiiciga ahayd ee meeruhu ku cusboonaysiin lahaa.
Macnaha arrintani wuxuu aad uga sii weyn yahay abaar ama roob la’aan. Waxa ay ka dhigan tahay in qaybo badan oo dunida ka mid ahi ay biyaha u isticmaalayaan sidii hanti an dabar-go'ayn, iyagoo ay u arkayeen khayraad dib u soo laabanaya. Qaar ka mid ah webiyada waaweyn, ceelasha dhulka hoostiisa, iyo barafka buuraha (glaciers) waxay galeen marxalad hoos u dhac aan la saadaalin karin— ma ahan in ay yaraadaan oo keliya, balse in aanay dib u soo kaban karin sida la filayay.

Muddo dheer, biyaha waxaa loo arkayay khayraad dib u soo noqnoqda—wareegaya, la wadaagi karo, kana baxsan xisaabta siyaasadda adag. 2026 ka dib, aragtidaas way burburtay. Meelo badan oo dunida ah, gaar ahaan gobollada qallalan iyo kuwa u dhow qallaylka, biyuhu waxay noqdeen hanti istiraatiiji ah oo xaddidan, mid go’aamisa badbaadada dawladaha.
Isbeddelkan ayaa beddelay doorka biyaha ee colaadaha. Taariikh ahaan, biyuhu waxay ahaayeen waxyeello dagaal—ceelal la burburiyo ama biyo la gooyo. Maanta, biyuhu waa sababta colaaddu ka dhalato lafteeda. Qabashada webi, xakamaynta biyo-xireen, ama jadwalka qulqulka ayaa noqday hub diblumaasiyadeed, mid dhaqaale, iyo mid amni.
Meesha ugu muuqata khatartan waa webiyada Niil iyo Indus—kuwaas oo nolosha ka quudiya in ka badan 500 milyan oo qof. Labaduba waxay ku shaqeeyaan heshiisyo la kala qortay qarnigii 20aad, xaladuhu na ka duwanaayeen tan maanta. Labaduna waxay maanta gaadheen heer ay khubaro biyo ku tilmaamaan khasaaro haydrolooji ah.
Marka biyuhu noqdaan wax aan ku dalalka wadda gaadhin ama buuxin baahiyadooda, heshiisyadii hore way dumayaan, waxayna isu beddeshaa in awood lagu kala ilaashado biyaha.
Niilka: Madaxbannaani iyo Badbaado QA
Niil waligiis muran siyaasadeed ayuu ku jiray. Laakiin tan iyo markii Itoobiya dhamaystirtay Biyo-Xidheenka Renaissance-ka Itoobiya (GERD) sannadkii 2023, Niil wuxuu noqday arrin jiritaan qaran.
Itoobiya, GERD-ku waa astaanteeda madaxbannaanida iyo horumarka. Waa biyo-xidheenka ugu weyn Afrika, kana dhigan in dalku ka baxayo saboolnimo tamareed. 2026, Addis Ababa kama sii hadlayso difaac kaliya; waxay dalbanaysaa nidaam biyo oo cusub oo aqoonsanaya xuquuqda dalalka sare ee webiga.
Masar, se, arrintu waa mid ka duwan. In ka badan 97% biyaha Masar waxay ka yimaaddaan webiga Niil-ka. Beddel kale ma leh. Warbixin ay Masar u gudbisay Qaramada Midoobay horaantii 2026, waxay ku sheegtay in hab-buuxinta iyo hawlgelinta GERD ay ka jartay ku dhowaad 38 bilyan mitir cubic oo biyo ah—taasoo gelisay dalka heer biyo-faqri daran.
Arrintaas ayaa dhalisay dalab cusub oo taariikhi ah: Masar waxay Itoobiya ka dalbatay magdhaw dhaqaale iyo mid biyo ah. Itoobiya si degdeg ah ayay u diidday, iyadoo ku doodday in Niil-ku aanu ahayn hanti gaar u ah dal keliya, isla markaana horumarka dalalka sare aanu la xayirmi karin baahida dalalka hoose.
Sudan, oo dhexda ku jirta, marba dhinac ayay u janjeertay—mar taageeraysa xakamaynta daadadka, marna ka digaysa khataraha hoos iman kara.
2026, hadalku ma aha mid diblumaasiyadeed oo kaliya; waa mid ciidan. Tababarro milatari, hadallo adag, iyo cadaadis caalami ah ayaa Niil ka dhigay jiid colaadeed u dhexeeya madaxbannaani iyo badbaado.
Indus: Heshiis Hakad Galay
Haddii Niil yahay gubasho gaabis ah, Indus waa qarax soo dhow.
Heshiiskii Biyaha Indus (1960) wuxuu ka badbaaday dagaallo, hub nukliyeer, iyo khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan. Wuxuu ahaa tusaale muujinaya in biyuhu aanay muran iyo colaadda qayb ka ahan.
Taasi way is beddeshay bishii Abriil 2025, ka dib weerarkii Pahalgam ee Kashmir. Hindiya waxay ku dhawaaqday in heshiiska la geliyay “hakad ku meel gaar ah”. Pakistan waxay ku tilmaantay tallaabadaas mid khatar ah, kuna dhawaaqday in wax kasta oo biyo-gooyn ahi ay noqon doonaan fal dagaal.
Bishii kowaad 2026, Pakistan waxay arrinta u gudbisay Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedaysay Hindiya hubayn biyo—in mar la yareeyo qulqulka, marna si kedis ah loo sii daayo, taasoo burburisa beeraha iyo kaabayaasha dhaqaale.
Ansixinta mashruuca Dulhasti-II iyo biyo-xidheenno kale oo ku yaalla webiyada heshiiyadii horee uu qoondeeyeen Pakistan ayaa sii hurisay xiisadda. Hindiya waxay ku doodaysaa sharciyad; Pakistan waxay ka digaysaa talaabo kasta oo khatar gelin karta jiritaankeeda.
Maxaa Ka Dhigay 2026 Mid Ka Khatar Badan?
Sababta ugu weyn waa isku-biirid saddex arrimood:
Cimilada: Barafka buuraha ee quudiya webiyada waaweyn ayaa si weyn u yaraaday. Qiyaaso caalami ah ayaa muujinaya in tan iyo 1970 dunidu lumisay ku dhowaad 30% barafka (glacier mass), taas oo ka dhigtay qulqulka webiyada mid aan la saadaalin karin—marna daadad rogmadaan, marna biyo-go’.
Dadweynaha: Magaalooyinka waaweyn sida Qaahira, Karachi, iyo New Delhi waxay ka weynaadeen ceelashii dhulka hoostiisa iyo nidaamyadii biyaha. Ceelashii biyaha (Aquifers) waxay noqdeen “deyn” mustaqbalka laga qaato.
Dhaqaale: Qallaylka iyo biyo-yaraantu waxay noqdeen arrin dhaqaale-qaran. Kharashka dhaqaale ee abaaruhu ku keenaan caalamka waxaa lagu qiyaasaa $307 bilyan sanadkii—biyaha ayaa noqday “fayoqab dhaqaale,” ma aha kaliya “arrin deegaan.”
Marka biyuhu yaraadaan, wadaagiddu way dhammaataa; boob iyo difaac ayaa bilaabma.
Goobaha Colaaduhu Suurtagal ka Yihiin
Hoos waxaa ku qoran meelaha ay khubaro badani u arkaan inay yihiin “flashpoints”—goobaha ugu dhow in biyo-khilaafku isu beddelo xiisad amni ama colaado:
Gobolka | Aagga Khilaafka | Xaaladda (Jan 2026) |
Koonfur Aasiya | Chenab & Jhelum (Hindiya/Pakistan) | Khatarta Ugu Sarraysa (Critical): Heshiiskii IWT waa la hakiyey; Pakistan waxay ka digtay “hubayn biyo” iyo in ay noqon karto “fal dagaal.” |
Geeska Afrika | Blue Nile (Itoobiya/Masar/Sudan) | Digtoon Sare (High Alert): Masar waxay dalbatay magdhaw; Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa madaxbannaani; Maraykanku wuxuu soo bandhigay dhexdhexaadin Janaayo 2026. |
Bariga Dhexe | Tigris & Euphrates (Turkiga/Ciraaq/Suuriya) | Sii Kacaysaa (Escalating): Shabakadda biyo-xidheennada Turkiga waxay yareyneysaa qulqulka; Baqdaad waxay ka digtay “Day Zero.” |
Bartamaha Aasiya | Amu Darya & Syr Darya | Xiisad Taagan (Active Tension): Kanaalka Qosh Tepa ee Afghanistan wuxuu halis gelinayaa amniga biyaha Uzbekistan iyo Turkmenistan. |
Waqooyiga Ameerika | Rio Grande (USA/Mexico) | Muran: Dood ka dhalatay gaabiska biyo-gaadhsiinta; Mexico waxay la tacaalaysaa abaar culus, taasoo adkaynaysa waajibaadkii heshiisyada. |
Gunaanad: Ka Baxsan Tuubada Biyaha
Hay’adihii caalamiga ahaa ee loogu talagalay wadaagga biyaha way tamar darnaadeen. Qaramada Midoobay ma laha awood ku filan, cambaarayn uun bee awoodaan; Bangiga Adduunka ma kasban karo kalsooni.
Waxa soo baxaya nidaam cusub oo awooddu go’aamiso cidda cabbaysa.
Niil iyo Indus waxay muujinayaan mustaqbal ay webiyadu noqdaan xuduudo dagaal, injineerraduna u dhigmaan jeneraallo. Su’aashu waa: biyo-beeliddu ma ka dhalan doonaa iskaashiyo cusub oo ku dhisan nolol-wadaag ah, mise koob biyo ah ayaa noqon doona shayga ugu qaalisan ee lagu dagaallamo?



