top of page

Qorshaha CIA Ay Ku Hubaynayso Kurdiyiinta Iyo Khatarta Uu Ku Fidin Karo Dagaalka Bariga Dhexe

Dagaalka u dhexeeya isbahaysiga Maraykanka iyo Israa'iil oo dhinac ah iyo Iiraan oo dhinaca kale ah ayaa galay maalintii shanaad, isaga oo wejiyo cusub yeelanaya maalin kasta. Xilli duqaymuhu ay burburinayaan kaabayaasha Tehraan iyo awooddeeda ciidan, waxaa soo baxaya xog xasaasi ah oo muujinaysa in sirdoonka Maraykanka ee CIA uu wado qorshe la yaab leh oo uu ku hubaynayo xoogagga Kurdiyiinta ee mucaaradka ku ah Iiraan.

Ujeeddadu waa in gudaha dalkaas laga rido kacdoon hubaysan oo wiiqa awoodda xukuumadda, balse khubarada istiraatiijiyadda ayaa ka digaya in tallaabadani ay gobolka oo dhan u horseedi karto masiibo aan la xakamayn karin.


Map of kurdistan region, with trump, erdogan and larijani.

Xogta Sirdoonka Iyo Qorshaha Washington

Sida ay tabiyeen warbaahinta CNN iyo Axios, maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa wadahadallo toos ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha kooxaha Kurdiyiinta. Hadafka Washington ayaa ah in Kurdiyiinta loo adeegsado sidii ay u mashquulin lahaayeen awoodda Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), una abuuri lahaayeen aag ka caagan awoodda Tehraan oo gabaad u noqda Israa'iil iyo danaha Maraykanka.


Sarkaal u hadlay Kurdiyiinta ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Trump uu khadka taleefanka kula hadlay Mustafa Hijri oo ah madaxa Xisbiga Dimuqraadiga Kurdistaanta Iiraan (KDPI). Dhinaca kale, xukuumadda Washington waxay wadahadallo la yeelatay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta Ciraaq ee saamaynta ku leh gobolka, sida Masoud Barzani oo ah hoggaamiyaha xisbiga KDP, iyo Bafel Talabani oo ah hoggaamiyaha PUK, kaas oo dhankiisa xaqiijiyay wicitaanka Trump. Sirdoonka Israa'iil oo in muddo ah shabakado ka dhex dhisayay Kurdiyiinta Iiraan, Ciraaq iyo Suuriya ayaa la rumeysan yahay in ay qayb weyn ka yihiin riixitaanka qorshahan.

Qaran Dawlad La': Sooyaalka Iyo Gumaadka Qowmiyadda Kurdiyiinta

Si loo fahmo miisaanka iyo khatarta qorshahan cusub, waa in dib loo jalleeco taariikhda xanuunka badan ee qowmiyadda Kurdiyiinta. Kurdiyiintu waa qowmiyad ka soo jeedda dadyowga Indo Yurub, kuwaas oo leh af, dhaqan, iyo taariikh iyaga u gaar ah. Waxay degaan dhul buuraley ah oo baaxad weyn oo taariikh ahaan loo yaqaan "Kurdistan" kaas oo isku xidha silsiladaha buuraha Zagros iyo Taurus ee Bariga Dhexe.


map showing kurdish populations across the middle east

Xididdada dhibta Kurdiyiinta ee maanta waxay salka ku haysaa Dagaalkii Koowaad ee Adduunka iyo burburkii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Sannadkii 1920, waddamadii reer Yurub ee guulaystay waxay saxeexeen Heshiiskii Sèvres, kaas oo Kurdiyiinta u ballanqaaday in ay heli doonaan dawlad madaxbannaan. Balse, waddamo dhowr ah oo uu hormuud u ahaa Turkiga cusub ayaa diiday heshiiskaas. Saddex sano kadib, ballantaas waa laga baxay markii la saxeexay Heshiiskii Lausanne ee dhacay 1923. Heshiiskan cusub ayaa jeexay xuduudaha casriga ah ee Bariga Dhexe, wuxuuna qowmiyadda Kurdiyiinta si naxariis darro ah ugu dhex qaybiyay shan waddan oo kala ah Turkiga, Iiraan, Ciraaq, Suuriya, iyo qayb yar oo uu dhacday dalka Armeeniya. Maanta, tiradooda waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 30 ilaa 40 milyan oo qof, waana qowmiyadda ugu weyn adduunka ee aan lahayn qaran madaxbannaan oo ay leeyihiin.


Gudaha Iiraan, halkaas oo ay degaan in ka badan 8 milyan oo Kurdiyiin ah, halgankoodu wuxuu leeyahay taariikh dheer oo dhiig ku daatay. Sannadkii 1946, Kurdiyiintu waxay dhisteen "Jamhuuriyaddii Mahabad" oo ahayd dawlad madaxbannaan oo koobnayd, taas oo ay taageeraysay Midowgii Soofiyeeti. Balse ciidamadii boqortooyada Iiraan ayaa burburiyay wax ka yar hal sano kadib, iyaga oo fagaare ku deldelay hoggaamiyahoodii Qazi Muhammad. Wixii intaas ka dambeeyay, xukuumaddii bowortooyadii Shaaha iyo tii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee beddeshay sannadkii 1979, labaduba waxay si arxan darro ah u cabbudhiyeen dhaqdhaqaaqyada Kurdiyiinta, iyaga oo isku dayay in ay tirtiraan dhaqankooda, isla markaana fuliyay khaarajin joogto ah oo lala beegsaday hoggaamiyeyaashooda.


Dhibaatada Kurdiyiintu kuma eka Iiraan oo keliya. Ciraaq dhexdeeda, waxay la kulmeen xasuuq baahsan xilligii xukuumaddii Saddaam Xuseen, gaar ahaan ololeyaashii Al Anfal iyo weerarkii kiimikada ahaa ee magaalada Xalabja sannadkii 1988, kaas oo galaaftay nolosha kumanaan rayid ah oo u badnaa carruur iyo haween.


Dhinaca Turkiga oo ay ku nool yihiin Kurdiyiinta ugu badan, dawladdu waxay tobannaan sano si rasmi ah u mamnuucday ku hadalka afkooda, xidhashada dharkooda dhaqanka, iyo xitaa xusidda magaca "Kurd" ama inay isugu yeedhaan. Cabbudhintaas waxay dhashay dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daatay oo in ka badan afartan sano dhex marayay milatariga Turkiga iyo kooxda hubaysan ee PKK. Dhinaca Suuriya, tobannaan kun oo Kurdiyiin ah ayaa laga xayuubiyay laguna xasuuqay dalkaas , ilaa ay awood milatari isku duba rideen markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee dalkaas.


Taariikh ahaan, Kurdiyiintu waxay noqdeen laandhuu siyaasadeed ay danahooda ku fushadaan quwadaha waaweyn ee caalamka iyo kuwa gobolka, kadibna ay cidlo kaga dhaqaaqaan. Sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa aqoon dheer u leh adeegsiga kooxahan. Tusaale ahaan, 1970 yadii Maraykanka iyo Iiraan waxay si qarsoodi ah u maalgeliyay Kurdiyiinta Ciraaq si ay u wiiqaan xukuumaddii Baqdaad. Balse markii Iiraan iyo Ciraaq ay kala saxeexdeen heshiiskii Algiers sannadkii 1975, Maraykanku wuxuu si lama filaan ah u gooyay taageeradii, isaga oo Kurdiyiinta ugu cudurdaaray in siyaasadda qarsoon aysan ahayn hawl samafal. Waa taariikhdan madow ee soo noqnoqotay midda maanta shaki weyn gelineysa in Kurdiyiintu ay mar kale dhiiggooda u huraan mashruuc sirdoon oo uu Maraykanku dabada ka riixayo.

Walaaca Ankara, Riyada Xun Ee Erdogan Iyo Khatarta NATO

Qorshahan Maraykanka ayaa si toos ah u taabanaya dareemaha xasaasiga ah ee dalka Turkiga iyo istiraatiijiyadda difaaca qaranka ee xukuumadda Ankara. Taariikhda casriga ah ee Turkiga waxaa hareeyay dagaal dhiig badan ku daatay oo in ka badan afartan sano u dhexeeyay dawladda iyo Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK). Dagaalkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo qof ayaa sababay in xukuumadda Ankara ay qaaddo tallaabooyin adag oo isugu jira burburintii kumanaan tuulo oo Kurdiyiintu leeyihiin iyo mamnuucidda xisbiyada siyaasadda ee u dooda xuquuqdooda, sida xisbiga HDP ee dhowaanahan la kulmayay cadaadis joogto ah.


Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo sirdoonkiisa waxay u arkaan qorshaha CIA in uu yahay "Riyadoodii ugu xumayd oo rumooda". Turkigu wuxuu horey u daawaday isbeddelo uu Maraykanku dabada ka riixayo oo sababay in Kurdiyiinta Ciraaq ay helaan ismaamul buuxa (KRG), iyo in Kurdiyiinta Suuriya ay deegaansadaan waqooyiga dalkaas iyaga oo kaashanaya ciidamada Maraykanka (SDF/Rojava). Haddii Maraykanku uu hub casri ah uu u gacan geliyo Kurdiyiinta Iiraan si ay u abuuraan aag madaxbannaan oo saddexaad, Ankara waxay taas u aragtaa gidaarkii u dambeeyay ee amnigeeda oo dumaya. Xukuumadda Turkiga ayaa aaminsan in hubkaas iyo dhiiranaanta kacdoonka Iiraan ay si fudud uga soo gudbi karaan xuduudda, ayna nafaqayn doonaan jabhaddaha Kurdiyiinta ee ka dhex dagaalama gudaha Turkiga.


Tallaabadani waxay keeni kartaa laba cawaaqib oo halis ah. Marka koowaad, Turkigu wuxuu qaadi karaa hawlgallo milatari oo xuduudda ka gudba isaga oo gudaha u gelaya dalka Iiraan si uu uga hortago xoogagga Kurdiyiinta ah, sidii uu horayba uga sameeyay waqooyiga Suuriya iyo Ciraaq. Arrintani waxay fowdo horleh ku kordhinaysaa gobolka. Marka labaad, arrintan waxay si weyn u dhaawacaysaa isbahaysiga NATO. Maraykanku wuxuu wajahayaa kala doorasho adag oo u dhaxaysa in uu adeegsado koox wakiilo ah (Kurdiyiinta) iyo in uu ilaashado xulafadiisa Turkiga oo leh ciidanka labaad ee ugu weyn NATO. Haddii xidhiidhka Washington iyo Ankara uu gabi ahaanba xumaado, Turkigu wuxuu si toos ah ugu weecan doonaa dhinaca Ruushka iyo Shiinaha, isaga oo dedejinaya ku biiritaankiisa isbahaysiga BRICS iyo Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO), taas oo wiiqaysa awooddii reer Galbeedka ee Bariga Dhexe iyo qaybo ka mid ah Yurub.


Fiditaanka Colaadda Iyo Saamaynta Dalalka Deriska

Hubaynta Kurdiyiinta Iiraan ma aha mid ku ekaanaysa xuduudaha dalkaas oo keliya. Gobolku wuxuu qarka u saaran yahay in uu isku beddelo dab hareeya dhammaan waddamada ay degaan Kurdiyiinta. Iiraan oo dareensan khatartan ayaa durba bilowday in ay beegsato fariisimaha Kurdiyiinta ee galbeedka dalkeeda iyo xuduudda Ciraaq.


Sidoo kale, xukuumadda Tehraan ayaa weeraro aargoosi ah ku qaadi karta maamulka Kurdistaanta Ciraaq ee fadhigiisu yahay Erbil, iyada oo ku eedaynaysa in ay gabaad siinayaan mucaaradka Iiraan. Colaaddan ayaa hubaal ah in ay soo jiidan doonto Kurdiyiinta Suuriya, arrintaas oo dhallin karta mowjado qaxooti ah iyo xasillooni darro gebi ahaanba tirtirta xuduudaha dalalka Bariga Dhexe.

Xulafaysi Hubsiimo La'aan Ah Iyo Dhaxalka CIA

In kasta oo Washington ay u muuqato mid ballanqaadyo samaynaysa, falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in kalsoonida Kurdiyiintu ku qabaan Maraykanka ay aad u hoosayso. Neil Quilliam oo ka tirsan machadka Chatham House ee dalka Ingiriiska ayaa qorshahan ku sifeeyay mid khatartiisu badan tahay oo abuuri kara khilaaf sokeeye oo dhiig badan ku daato gudaha Iiraan, isaga oo aan gacan ka gaysanayn in mucaaradku ay midoobaan.


Wuxuu xusay in habka Madaxweyne Trump uu u wado isbeddelka nidaamka Iiraan uu yahay mid u eg in iskaa wax uu qabso (DIY approach), isaga oo dhibaatada iyo fowdada uga tegi doona gobolka marka uu danihiisa ka gaadho. "Maraykanku si fudud ayuu isaga bixi karaa, isaga oo qalalaaska deegaanka uga tagaya," ayuu yidhi Quilliam.


Dhankiisa Yerevan Saeed oo ah agaasimaha Machadka Kurdiyiinta ee Jaamacadda American University ayaa xusay in Kurdiyiintu u baahan yihiin dammaanad qaad dhab ah iyo heshiisyo qoran kahor inta aysan gelin dagaal toos ah. Wuxuu xusuusiyay go'aankii dhawaan Washington ay ku taageertay xukuumadda cusub ee Suuriya si ay xoogagga SDF ee Kurdiyiintu hoggaamiyaan uga saarto waqooyi bari dalkaas. Ergayga Maraykanka Tom Barrack ayaa xilligaas si cad u sheegay in isbahaysigii Maraykanka iyo Kurdiyiinta Suuriya uu waqtigiisu dhamaaday.

Gunaanad ahaan, qorshaha CIA ay ku doonayso in ay ku hubayso Kurdiyiinta si loo wiiqo awoodda Tehraan waa mindi laba af leh. Waa tallaabo wadata khataro baaxad leh oo gobolka u horseedi karta dagaal sokeeye oo isir ku salaysan, carqaladayn karta isbahaysiga Maraykanka iyo Turkiga, uguna dambayn Kurdiyiinta ka dhigi karta dhibbanayaal mar kale lagu khiyaaneeyo shaxda siyaasadda ee quwadaha waaweyn.

bottom of page