top of page

Isbahaysiga Cusub Ee Bariga Dhexe: Booqashada Taariikhiga Ah Ee Modi Uu Ku Tegay Israel


Raysal Wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi, ayaa Arbacadii (25-kii Febraayo 2026) booqasho rasmi ah oo taariikhi ah ku tegay dalka Israel, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Benjamin Netanyahu. Safarkan oo ah kiisii labaad ee uu ku tago magaalada Tel Aviv ayaa sii xoojinaya xidhiidhka diblomaasiyadeed, difaac iyo midka dhaqaale ee labada dal oo si weyn u kobcayay intii uu xukunka hayay hoggaamiyahan xisbiga waddaniga ah ee Hinduuga. Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay in xidhiidhka labada waddan uu yahay "isbahaysi lixaad leh", iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiyo dhinacyo badan taabanaya.


Prime minister of India Modi, and Israeli Prime Minister Netenyahu

Khudbaddii Knesset-ka Iyo Taageerada Nabadda

Modi ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay Baarlamaanka Israel ee Knesset, isaga oo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee caalami ah ee la gudoonsiiyo billadda ugu sarraysa Baarlamaankaas ee loo yaqaanno 'Speaker of the Knesset Medal'. Khubaddiisa waxa uu si adag ugu cambaareeyay weerarkii xarakada Xamaas ay qaaday 7-dii Oktoobar 2023.


"Waan dareemaynaa xanuunkiina, waanan idinla wadaagaynaa murugada. Hindiya waxay si adag oo buuxda u garab taagan tahay Israel xilligan adag," ayuu yidhi Modi.

Isaga oo ka duulaya xasiloonida gobolka, waxa uu sidoo kale taageero buuxda u muujiyay hindisaha nabadda Gaza, isaga oo sheegay in argagixisada meel kasta joogta ay khatar ku tahay nabadda caalamka ee loo siman yahay. Waa xaalad naadir ah in Modi uu yahay mid ka mid ah madaxda dhifta ah ee abaalmarinno sarsare ka wada helay maamullada Israel iyo Falastiin, arrintaas oo muujinaysa diblomaasiyaddiisa dheellitiran.


Dhankiisa, Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ammaan ballaadhan u jeediyay Modi, isaga oo ku tilmaamay hoggaamiye weyn oo saameyn xooggan ku leh fagaarayaasha caalamka.


Netanyahu ayaa yidhi, "Hindiya waa awood weyn oo ay ku nool yihiin ku dhawaad bilyan iyo badh qof. Israel way ka yar tahay, balse iyaduna waa awood weyn. Isbahaysiga naga dhexeeya waa mid si weyn u labanlaabaya awoodaheenna gaarka ah, waanan idinkaga mahadcelinaynaa inaad na garab istaagteen."

Dhismaha Gaashaanbuur Cusub Iyo Joogitaanka Badda Cas

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo uu Netanyahu dhowaan shaaciyay qorshe lagu dhisayo gaashaanbuur cusub oo dheellitir ku samaynaysa awoodaha Bariga Dhexe. Isbahaysigan cusub ayaa isku xidhaya qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub, waxaana xubno ka noqon doona dalalka Hindiya, Qubrus, Giriiga iyo waddamo Carbeed.


Hadafka ugu weyn ee xulafadan ayaa ah in la abuuro dariiq ganacsi iyo mid saad oo isku xidha Yurub iyo Hindiya, iyadoo dalalka Israel iyo Sucuudigu ay yihiin marinada isku xidhka udub dhexaadka u ah. Sidoo kale, Hindiya iyo Israel ayaa si gaar ah u danaynaya in ay joogitaan toos ah iyo saamayn xooggan ku yeeshaan Badda Cas. Tallaabadan ayaa ah mid lagu doonayo in lagu sugo amniga ganacsiga badda, la kobciyo isdhaafsiga badeecadaha, isla markaana laga hortago awoodaha kale ee isku fidinaya marinkan muhiimka ah ee u dhexeeya Afrika iyo Bariga Dhexe.


Dhaqaalaha Iyo Daldaloolada Difaaca Ee Hindiya

Xagga dhaqaalaha, labada hoggaamiye waxa ay ka wada hadleen ballaarinta heshiisyada ganacsiga xorta ah iyo kordhinta maalgashiga. Modi ayaa tilmaamay in heshiiskii maalgashiga laba geesoodka ahaa ee la saxeexay sannadkii hore uu kalsooni weyn siinayo ganacsatada. Waxa uu xusay in dalkiisu uu dhowaan ka mid noqon doono saddexda dhaqaale ee ugu weyn caalamka, isaga oo Israel ku sifeeyay awood hormuud u ah tignoolajiyada iyo hal abuurka.


In kasta oo wada hadalladu ay u muuqdaan kuwo ganacsi iyo dublamaasiyad diiradda saaraya, khubarada qaar ayaa aaminsan in ujeeddada ugu weyn ee booqashada Modi ay tahay soo iibsiga hubka casriga ah ee Israel. Uday Chandra oo ah borofisar wax ka dhiga Jaamacadda Ashoka ee dalka Hindiya ayaa wakaaladda wararka ee Al Jazeera u sheegay in safarkan uu salka ku hayo iskaashi ganacsi iyo mid hub.


Borofisarku waxa uu xusay in dagaalkii koobnaa ee bishii May 2025 dhex maray Hindiya iyo Pakistan uusan u dhicin sidii ay xukuumadda New Delhi qorshaysay. Natiijadii dagaalkaas ayaa iftiimisay daldaloolo weyn oo ka jira nidaamka difaaca cirka ee dalka Hindiya. Sidaas darteed, Modi waxa uu dalka Israel u tagay sidii uu u heli lahaa nidaamyada difaaca gantaalaha si uu u saxo guuldarrooyinkaas milatari, isaga oo iska indha tiraya dhaleecaynta caalamiga ah ee ka dhalan karta xidhiidhka sii xoogeysanaya ee kala dhexeeya xukuumadda Tel Aviv.

bottom of page