top of page

Madaxweyne Herzog oo ku Wajahan Addis Ababa: Israel, Itoobiya iyo Loollanka Geeska Afrika

Madaxweynaha Israel Isaac Herzog ayaa toddobaadka dambe booqasho ku tegaya Itoobiya, xilli Ankara ay hore u xoojisay dhaq-dhaqaaqeeda Addis Ababa. Safarka Herzog wuxuu iftiiminayaa tartanka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Israel iyo Turkiga, iyo sida Itoobiya ugu noqotay xarun ay quwadaha gobolka ku loollaan.

Madaxweynaha dalka Israel Isaac Herzog ayaa lagu wadaa inuu toddobaadka dambe booqasho hal maalin ah ku tago magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmi doono Raysal Wasaare Abiy Axmed Cali. Wargeyska The Times of Israel ayaa sheegay in safarkani yahay mid lagu xoojinayo xidhiidhka Israel ay la leedahay dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya oo ah dal istiraatiiji ah marka la eego amniga Badda Cas iyo marinada ganacsi ee gobolka.


Booqashadan waxay ku soo beegmaysaa xilli dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo aad u xooggan uu ka socdo Addis Ababa. Toddobaadkan oo keliya, Madaxweynaha Turkiga Rejeb Dayyib Erdogan ayaa isna booqasho ku tagay Itoobiya, isaga oo kala hadlay Abiy Axmed arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, iskaashiga milatari iyo muranka ku saabsan aqoonsiga Somaliland. Arrintan ayaa ka dhigaysa Itoobiya goob ay ku kulmaan danaha quwadaha kala duwan ee doonaya inay saameyn ku yeeshaan jihada siyaasadeed ee gobolka.


President of Israel Isaac Herzog and Abiy Ahmed

Xidhiidhka Itoobiya iyo Israel

Itoobiya iyo Israel waxay leeyihiin xidhiidh taariikhi ah oo soo jiray tobannaan sano. Israel waxay si weyn u aragtaa Itoobiya inay tahay xulafadeeda ugu muhiimsan Bariga Afrika, iyadoo labada dal ay wadaagaan iskaashi dhinaca amniga, beeraha iyo tiknoolajiyadda.


Itoobiya ayaa sidoo kale ah dal ay ku nool yihiin bulshada Beta Israel, oo ah yahuud oo ka soo jeeda Itoobiya, taas oo xidhiidhka labada dal ka dhigtay mid dhaqan iyo taariikh ku saleysan.


Dhinaca amniga, Israel waxay Itoobiya kala shaqeysay arrimo la xidhiidha la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xuduudaha. Geeska Afrika oo ku dhow marinada muhiimka ah ee Badda Cas ayaa u ah Israel meel ay dan gaar ah ka leedahay, gaar ahaan marka la eego khataraha ka iman kara kooxaha ay Iran taageerto.

Tartanka Israel iyo Turkiga

Booqashada Herzog ma aha mid ka go’an loollanka sii kordhaya ee u dhexeeya Israel iyo Turkiga. Labada dal ayaa ku kala aragti duwan arrimo badan oo ku saabsan Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika. Inkastoo xiriirkoodu mararka qaar hagaagay, haddana tartanka saameynta ayaa sii xoogeysanaya.


Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyay si weyn u ballaariyay joogitaankiisa Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo isku daray maalgashi, iskaashi milatari iyo kaabayaal dhaqaale. Israel ayaa dhinaceeda isku dayaysa inay dib u xoojiso joogitaankeeda gobolka si aysan uga harin loollanka.


Addis Ababa ayaa sidaas ku noqotay xarun ay ku kulmaan danaha Ankara iyo Tel Aviv, iyadoo Itoobiya ay ka faa’iidaysanayso tartankan si ay u xoojiso booskeeda istiraatiijiga ah.

Aqoonsiga Somaliland iyo Saameynta Gobolka

Tan iyo markii la aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland, dalal badan ayaa kordhiyay booqashooyinkooda iyo wada xaajoodyada ay la leeyihiin Itoobiya. Ujeeddada guud ayaa la rumeysan yahay inay tahay in la kala jiheeyo kalsoonida Addis Ababa ee ku aaddan mowqifkeeda ku saabsan aqoonsiga.


Israel oo leh dano amni iyo juqraafi-siyaasadeed oo ku wajahan Badda Cas ayaa si dhow ula socota isbeddellada ka socda gobolka. Sidoo kale Turkiga oo xiriir dhow la leh Soomaaliya ayaa isku dayaya inuu saameyn ku yeesho jihada ay Itoobiya qaadi doonto.

Booqashada Madaxweyne Herzog waxay muujinaysaa in Geeska Afrika uu noqday meel ay ku kulmaan loollanka quwadaha gobolka iyo kuwa caalamka. Itoobiya ayaa isu beddeshay dal lagu kala jiidanayo, halka Israel iyo Turkigu ay mid walba doonayo inuu xoojiyo saameyntiisa. Mustaqbalka dhow ayaa muujin doona in Addis Ababa ay ku guuleysan doonto inay si xeel dheer uga faa’iidaysato tartankan mise ay la kulmi doonto cadaadis sii kordha oo ka imanaya dhinacyada is haya.

bottom of page