Abiy Axmed oo Shir Madaxeedka Midowga Afrika ka Dhawaaqay Himilooyin Istaraatiiji ah
- Hassan Gallaydh

- Feb 14
- 2 min read
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa Addis Ababa kaga hadlay baahida marin badeed, dhammeystirka Biyo Xidheenka Nile, iyo jihaynta dhallinyarada Afrika
Addis Ababa ayaa martigelisay shir madaxeedka Midowga Afrika, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu hadalkii furitaanka ka jeediyay madal ay fadhiyeen madaxda qaaradda. Khudbaddiisa ayaa ahayd mid si xeel dheer u taabanaysa arrimo gudaha Itoobiya khuseeya, danaha Geeska Afrika iyo jihada guud ee horumarineed ee Afrika.

Qodobka ugu miisaanka culus ee uu dul istaagay wuxuu ahaa arrinta marin badeedka. Abiy Axmed wuxuu si cad u sheegay in Itoobiya oo leh in ka badan 130 milyan oo qof aanay muddo dheer ku sii jiri karin xaalad bad la’aan ah. Wuxuu ku dooday in horumarka dhaqaale, ganacsi iyo amni ee dalkiisu si toos ah ugu xiran yihiin helitaanka marin badeed rasmi ah. Hadalkiisa ayaa u muuqday farriin ku socota dalalka deriska la ah iyo guud ahaan Afrika, taas oo muujinaysa in Addis Ababa arrintan u aragto mid istaraatiiji ah oo aan laga tanaasuli karin.
Abiy sidoo kale wuxuu ku faanay dhammeystirka Biyo Xidheenka weyn ee laga dhisay webiga Nile, mashruuc muddo dheer xiisad ka dhex abuuray Itoobiya, Masar iyo Suudaan. Wuxuu sheegay in mashruucu hadda si buuxda u shaqeynayo, isla markaana Itoobiya ay koronto u iibgeyn doonto dalalka dariska la ah. Sida uu xusay, tamarta la soo saaray waxay noqon doontaa tiir muhiim u ah isku xirka dhaqaale ee Bariga Afrika iyo xoojinta isdhexgalka qaaradda.
Qodob kale oo uu carrabka ku adkeeyay wuxuu ahaa jihaynta dhallinyarada Afrika. Abiy Axmed wuxuu ku booriyay madaxda qaaradda in ay xoogga saaraan abuurista fursado shaqo, waxbarasho iyo hal abuur si loo yareeyo tahriibka iyo nuglaanta amni. Wuxuu tilmaamay in mustaqbalka Afrika uu ku xiran yahay sida ay dowladuhu u maareeyaan tamarta iyo tirada sii kordhaysa ee dhallinyarada.
Khudbadda Abiy Axmed ayaa ahayd mid isku daraysa hammi qaran iyo aragti qaaradeed, iyadoo si gaar ah u muujinaysa in Itoobiya doonayso inay noqoto awood hormuud ka ah Geeska Afrika iyo mid kaalin muuqata ku leh mustaqbalka qaaradda.



